Guddoomiye La Doortay Iyo Guddoomiye Riyaraac Oo Beeniyay.

Guddoomiye Riyaraac Oo Sababeeyay Xuddunta Khilaafka Mucaaradkana U Digay.

Qoraalada Is Khilaafsan ee Guddida Doorashooyinka Somaliland.

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Kommishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, Cabdirashiid Riyaraac, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warqad Arbacadii lagu faafiyay baraha Bulshada oo lagu sheegay in xulka laga qaaday, isla markaana guddoomiye cusub loo doortay Kommishanka.

Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland Image File Araweelo News Network.2021.

Qoraalka, ayaa lagu sheegay in Guddoomiye cusub loo doortay Marwo Kaltuun Sh. Xasan Cabdi, kaddib markii shan xubnood oo ka mid ah Toddobada xubnoood ee Kommishanka Dooarshooyinka Qaranka Somaliland ka kooban yihiin ay yeesheen fadhi Arbacadii 27 April 20220, balse waxa qoraalka markiiba laga saaray Bogga Kommishanka.

Alt: Araweelo News Network
Guddoomiyaaha la doortay Kaltuun Sheikh Xasan oo kamida Guddida Doorashooyinka Somaliland, IImage file Araweelo News Network, Oct, 2017.

Arrinta oo si weyn Bulshadu isu weydiisay, isla markaana su’aalo baddan kasoo noqdeen iyo doodo, waxa markiiba ka hadlay Axsaabta mucaaradka oo sheegay in ay soo dhowaynayaan doorashada Guddoomiyaha cusub ee Kommishanka doorashooyinka Qaranka loo doortay, lagu faafiyay Bogga Kommishanka Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) oo Xisbiga WADDANI u qaabilsan Komishanka doorashooyinka ayaa si kooban uga hadlay isbedelka ka dhacay hoggaanka Guddida Doorashooyinka Qaranka oo maanta guddoomiye cusub doortay

“Komishanka Doorashooyinka Qaranka dorraad, shalay iyo maantaba waanu joognay wax xaalad iyo dhib ah oo ka taagganna maan arag, laakiin dhexdooda ayaa isbedel sameeyay oo guddoomiye cusub doortay anagana guddoomiye kasta oo la doortaa, wuxuu noola mid yahay kii hore, sababtoo ah waa xubin ka mid ah 7 –da xubnood ee Komishanka Qaranku.” Sidaa waxa uga falceliyay markii warkaasi soo baxay Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) oo ka mid ah saraakiisha xisbiga Mucaaradka ee WADDANI.

Wuxuu sheegay in aannay Xisbi ahaan danayno oo ay xubnaha Kommishanku xaq u leeyihiin in ay isbedel dhexdooda sameeyeen, siagoo xusay in ay arrintaa la socdsiiyeen markii Isbedelka la sameeyey ee guddoomiyaha xilka laga qaaday mid kalena la doortay,

“Ciddii hore ee joogtayna ma eedaynayno cidda timima ma hambalyaynayno maaddaama oo aanay noo siman yihiin xubnaha Kommishanku.” Ayuu yidhi, wuxuuna arrintaa ku tilmaamay mid aan wax saamayn ah ku yeelanayn doorashada la filiyo inay Somaliland ka qabsoonto.

Hase yeeshee Guddoomiyaha la sheegay in xilka laga qaaday, ayaa markaa kaddib warsaxaafadeed uu soo saaray si cad ugu beeniyay in xilka laga qaaday, wuxuuna rrintaa ku tilmaamay Cabdirashiid Riyaraac mid aan sharci ahayn, siagoo asxaabta mucaaradka jawaabta ay ka bixiyeen ku tilmaamay mid ay ku degdegeen iyagoo aan waxba hubsan.

Qoraal saxaafadeedka Guddoomiye Cabdirashiid Riyaraac, wuxuu ku sababeeyay in tallaabada ay qaadeen xubnaha saaxiibadii ee ku shaaciyeen in isaga xilka laga qaaday oo la doortay guddoomiye cusub ay ka dhalatay qoraal uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi u gudbiyay 25 April 2022, kaas oo sida uu sheegay kaga codsaday in guddi baadha, maadaama sida uu ku xusay qoraalka uu sheegay inuu Madaxweynaha ku wargeliyay in murran weyni hadheeyay Kommishanka Qaranka.

Cabdirashiid Riyaraac qoraalka uu kaga hadlay arrintaa oo dhammaystiran halkan ka akhriso.

Qoraalka lagu sheegay in guddoomiye cusub loo doortay Kommishanka halkan ka akhri.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com