Sheikh Khalifa bin Zayed Kumuu Ahaa?

Abu Dhabi (ANN)- Madaxweynihii Dalka Isutagga Imaraadka Carabta, Sheikh Khalifa bin Zayed bin Sultan Al Nahyan ayaa geeriyooday, isagoo 73 jir ah.

ALT: Araweelo News Network
Sheikh Khalifa bin Zayed, Madaxweynihii dalka Imaaraadka Carabta, Image File Araweelo News Network.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku dhawaaqday baroor diiq rasmi ah iyo in calamada oo dhan la dejiyo, iyadoo baroor diiq muddo 40 maalmood ah oo Jimcaha maanta 13 May 2022, ka bilaabaneysa, taas oo carqaladaynay shaqada wasaaraddaha, waaxyaha federaalka, balse hay’addaha maxaliga ah iyo ganacsiga gaarka ah ayaa muddo saddex maalmood ah aan iyagu shaqaynayn sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Sheikh Khalifa bin Zayed, wuxuu ahaa Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, Amiirka Abu Dhabi, iyo Taliyaha ugu sarreeya Ciidamada Qalabka Sida ee Imaaraadka Carabta intii u dhaxeysay 2004 ilaa 2022.

Khaliifa, waxa uu ku dhashay bariga Abu Dhabi, 1948, isagoo dalka Britain kusoo dhammaystay qalin-jabinta Mid ka mid mid ah Kuliyaddaha ugu caansan ee Millateriga ee dalka Britain, Royal Military Academy Sandhurst. Waxa uu guursaday Sheikha Shamsa bint Suhail Al Mazrouei, oo u dhashay sideed caruur ah.

Sheikh Khalifa bin Zayed bin Sultan Al Nahyan, wuxuu Aabihii kala wareegay Amiirkii 16-aad ee Abu Dhabi November 2, 2004, iyo Madaxtinimada Imaaraadka Carabta maalintii xigtay.

Sidoo kale, wuxuu ahaa Gudddoomiyaha Gollaha Sare ee Batroolka laga soo bilaabo dabayaaqadii 1980-aadki

Laga soo bilaabo dabayaaqadii 1990-meeyadii, Khaliifa waxa uu bilaabay in uu u fuliyo qaybaha madaxtinimo si aan xaqiiqda ahayn kd dib markii Aabihiis Zayed bin Sultan Al Nahyan uu xanuunsaday.

Waxa lagu sharfay oo loogu magacdaray dhismaha ugu dheer adduunka ee Burj Dubai, kaas oo loo beddelay Burj Khalifa kaddib markii uu dammaanad qaaday Dubai oo deyn lagu lahaa, xilligii qalalaasaha dhaqaale ee aduunku dhacay 2009.

Sannadkii 2011, Khaliifa waxa uu taageeray faragelintii millateri ee Liibiya isaga oo ciidamadiisa u diray howlgalkaa. sidoo kale wuxuu taageeray maamulkii Baxreyn xilligii kacdoonkii dimoqraadiyadda ee 2011-kii.
Isagoo kaalinta afraad ee madaxweynaha ugu qanisan adduunka ah, ayuu geeriyooday Khalifa, isagoo xannuunka istaroog ku dhacay 2014kii.

Allah haw naxariistee, wuxuu geeriyooday maanta oo Jimce ah, 13 May 2022, waxaana geeridiisa si weyn looga daareemay guud ahaan dallaka Khaliijka ee ay xulufadda yihiin Isutagga imaaraadka carabta iyo dunnida kale, iyadoo dhambaalo tacsiyo ah ay hoggaamiyayaasha dunidu u diyaraan dalka Imaaraadka Carabta.

Sida uu qabo dastuurka dalka Isutagga Imraadka Carabta, madaxweyne ku xigeenka iyo ra’iisal wasaaraha, Sheikh Mohammed bin Rashid al-Maktoum, isla markaana ah xaakimka Dubai, wuxuu sii ahaan doonaa madaxweyne ilaa gollaha federaalku ka soo dooranayo madaxweyne cusub 30 maalmood gudahood.

Sheikh Khalifa bin Zayed, ayaa ka mid ahaa hoggaamiyaasha dallaka Khaliijka ugu magaca weyn, waxaana suurtagal ah in geeridiisu wax weyn ka bedesho siyaasada gobolka Khaliijka iyo meelo kale.

Jamhuuriyadda Somaliland oo ka mid ah dalalka ay saaxiibada yihiin dalka Imaaraadka, isla markaana ay ka dhaxayso taariikh dheer iyo xidhiidh ganacsi iyo walaalnimo oo in ka baddan boqolaal sannadood soo jiray, xilliga iskaashi weyn oo dhinaca maalgashiga iyo taageerada uu ka dhexeeyo, ayaa ka mid ah dallalka laga dareemay geerida Allah haw naxariistee Madaxweynihii Isuttaga Imaaraadka Carabta, Sheikh Khalifa bin Zayed bin Sultan Al Nahyan oo ka mid ahaa dadkii suurtageliyay inuu dalka Imaaraadku noqdo kuwa ugu horrumarsan ee ugu qanisan dalalka Carabta iyo dunida kaleba.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay geerida Madaxweynihii Imaraadka Sheikh Khalifa bin Zayed, wuxuuna Madaxweyne Biixi,  isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, Dhambaal Tacsi ah u dirayay Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo shacbi-weynaha dalkaa, isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timi madaxweynihii dalka Marxuum Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan oo maanta oo jimce ah taariikhduna tahay 13/05/2022 geeriyooday.  

Dhanbaalka tacsida ee Madaxweynaha Somaliland diray, ayaa Madaxweynaha geeriyooday ku tilmaamay Oday siyaasi ruugcadaa ah oo ka baxay guud ahaan Dunidda iyo gaar ahaan Dalalka Carabta, isla markaana muddadii uu xilka hayey door laxaad leh ka qaatay dhismaha iyo horumarka dalkiisa, Somalilandna ay ku xasuusan doonto xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee hore uga dhaxayn jiray labada dal iyo labada shacbi ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo intii uu talada hayey dib loo ambo qaaday,  isla markaana ay ka dhasheen horumarada ka socda dalka Somaliland ee Imaaraadka Carabtu gacanta ku hayo.

Madaxweyne Biixi ayaa marxuumka Allah uga baryayay inuu naxariistii janno ka waraabiyo, dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo shacbigii uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com