#Araweelo News Network   Kyiv(ANN)-Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky oo dalkiisu la daalaadhacayo dagaalka sannadka kusii socda iyo burburka Magaalooyinka ee sabbaay dhibaatooyinka aan laga soo waaqsan, ayaa soo dhaweeyay go’aanka uu Maraykanku ku siinayo Ukraine baabuurta dagaalka ee hubaysan markii ugu horaysay.

Laxidhiidha: Ruushka Oo Dhaqaajiyay Markabka Admiral Gorshkov Oo Ku Hubaysan Nidaamka Gantaalaha Khatarta Ah Ee Zircon

Volodymyr Zelensky, oo aannay waxba ka beddelin dagaalka ku socda dalkiisa taageerada xulufada Maraykanka, ayaa sheegay in ay dhab ahaan yihiin waxa uu dalku u baahan yahay kaddib markii Jarmalka iyo Maraykanku ay ku heshiiyeen in ay ku biiraan Faransiiska oo u diraya baabuurta dagaalka ee Taangiyada Ukraine.

Tallaabadan ayaa u muuqata mid aan wax weyn ka tarayn awoodda ciidanka Ukraine ee goobbaha dagaalka, iyadoo aan u muuqan mid wax ka beddelaysa hubka culus ee lagu garaacayo Ukraine ee dhinaca Ruushka iyo awooddiisa Millateri.

Dhawaaqan, ayaa noqday mid ay aqbaleen kaddib muddo ka baddan dhawr bilood, oo ay Ukraine xulafadda reer galbeedka ka codsanaysay inay keenaan Taangiyada dagaalka, balse waxa durba soo baxaya in Taangiyada la siiyay Ukraine aannay ahayn kuwo leh awood ay ugu bacbac dhigaan Millateriga Ruushka.

Dhinaca kale, waxa soo baxaya dhawaaqyo nabadeed oo ka imanaya Hoggaamiyaha Kaniisadda ugu weyn Kaataliga ee Madhabta Orthodox ee Ruushka, balse Ukraine, ayaa ganafka ku dhifatay baaqa in dagaalka lasoo afjaro, iyadoo dhawaaqan lagu soo beegay xilli weli lagu jiro dabaaldega sannadka cusub ee Kiristanka.

Maraykanka, ayaa sheegaya in lacag gaadhaysa $53.7 Bilyan loo qorsheeyay in lagu taageero dhanka Millateriga Ukraine, balse lacagtaa ayaa u muuqata mid aan dhibaatooyinka haysta Bulshada Ukraine ee Laydh la’aanta, Biyo La’aanta iyo adeegyada caafiamad ee Ruushku burburiyay waxba ka tarayn, taas oo Maraykanku doonayo oo kaliya in Hub loogu miiso, wallow si weyn loogu dhaliilayo Maraykanka iyo xulufaddiisa.

Qorshaha xilligan ayaa laga cabsi qabaa inuu noqdo mid si weyn uga cadhaysiiya Ruushka, waxaana laga wer-wersan yahay inay xaaladda uga sii daraan, isla markaana baabuurtan oo ah kuwo ay awooddoodu yartahay kusii cariyaan Ruushka dagaalka oo ay horseedaan in arrintani duqaymaha iyo garaacista magaalooyinka sida weyn loo burburiyay isa sii kaba raaciyaan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network. Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews / By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com