“Nabadgelyada Labada Gamcood ayaynu ku qabanaynaa, Xukuumaddana,,,” Maxamed Kaahin, Wasiirka Arrimaja Guddaha Somaliland.

#Araweelo News Network.

Laascaanood(ANN)-Wasiirka Arrimaha Guddaha Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaadhay magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaddib markii ay halkaa kasoo cusboobaadeen xiisaddo xaaladda amniga ee Magaalada shaki geliyay.

Laxidhiidha: Madaxweyne Biixi, Wuxuu Eeddaymo Iyo Digniino La Xidhiidha Arrinta Laascaanood U Jeediyay Siyaasiyiin Dalalka Geeska, Puntland Iyo Shaqsiyaad Kale

Wasiirka iyo wefdigiisa oo lagu soo dhoweeyay Magaalada, ayaa kulan hordhac ah oo uu la yeeshay Odayaasha iyo waxgaradka gobolka, wuxuu ka hadlay ujeedadda wefdiga.

Laxidhiidha: Guddoomiyaha Guurtidu Qaabkee Uga Hadlay Xiisadda Magaalada Laascaanood?

Muj. Maxamed Kaahin, wuxuu ku celceliyay ahmiyada ay nanadgelyadu u leedahay Bulshada, isagoo si adag u sheegay in mudnaanta la siinayo arrimaah nabadgelyada.

“Nabadgelyada waynu u wada baahanahay, waxa jirtay maalmo aynu meel adag kasoo dhisnay nabadgelyada oo ka adkayd tan maanta taagan.: ayuu yidhi, isagoo xusuusinaya Bulshada gobolka Sool iyo Odayaasha in ay jireen xilliyo adag oo ay arrimuhu ka adkaayeen sida ay maanta yihiin marka laga hadlayo nabadgelyada Laascaanood.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland, Maxamed Kaahin, wuxuu sheegay in ay nabadgelyada labada gamcood ku qabanayaan, isla markaana wixii xukuumad ahaan waajibkoodu yahay ay gudanayaan o dhmammaystirayaan.

“Nabadgelyada waxaynu ku qabanaynaa labada gamcood, xukuumaddana waajibkeeda ayay gudanaysaa, waxaanuu balanqaadaynaa wixii waajibaadka xukuumadda in aannu dhmammaystiro.”

Hase yeeshee Wasiirku wuxuu tibaaxay in arrimaha ay fadhi kaga wada hadlaayan oo aannu ka hordhacayn qorshaha la doonayo in lagu xasiliyo amniga Maagalada Laascaanood.

Dilal qorshaysan oo mudda dheer kusoo noq noqnayay magaalada Laascaanood laga soo bilaabo 2009, oo inta baddan aan raadkooda la helin, ayaa sababay inay shacbigu ka gedoodaan, waxayna arintaasi sababtay in Rabshado ka dhacay Magaalada Laascaanood maalmihii lasoo dhaafay, ay sababaan khasaare dhimmasho iyo dhaawac, kaddib markii ciidamadu xoog ku caabiyeen dadka cadhaysan, taas oo xiisadda sii kordhisay ilaa ugu danbayntii xukuumaddu amar ku bixisay in ciidamada Millaterrigu ka baxaan Magaalada, kuwaas oo doonayay inay xaaladda dejiyaan si aannay magaaladu fawdo u noqon, isla markaana aannay xaaladda uga faa’idaysan siyaasadaha kala ujeedada ah ee ku xeeran gobolka.

Laxidhiidha: Guddoomiyaha Wakiillada Oo Sheegay In Aan Laga Hoos Qaadin Tallooyinkii Ay Madaxweynaha U Gudbiyeen Ee Laascaanood

Hase yeeshee, markii ay soo baxeen dhawaaqyo ay ku dalbanayaan dadka shacabka ah iyo waxgaardka gobolka Sool in ciidamada laga saaro, waxay xukuumaddu ugu danbayntii amar ku bixisay in gebi ahaanba ay ciidamada laga saaro maalada, si jawiga iyo xiisadda loo dejiyo, iyadoo xukuumaddu doonaysa in la meel mariyo dalabka waxgaradka iyo Odayaasha deegaanka, kadibna laga shaqeeyo sidii loo dejin lahaa xiisadda.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network. Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews / By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com