#Araweelo_News_Network.

Let’s stop
JOOJI WAXBARASHADA:

1: JOOJI Waxbarashada oo ha aadin ( Jaamacad, Dugsi Sare iyo Dugsi Dhexe toonna), haddii aanay Waxbarashadu wax ka bedelayn, Hab-fakarkaaga, akhlaaq-daada, garaad-kaaga, dhaqan-kaaga, iyo suluugaaga.

2: JOOJI Waxbarashada, haddii aanay gebi’ ahaanba noqonayn furahaaga Mustaqbalka wanaagsan.

3:JOOJI Waxbarashada oo ha aadin Jaamacad iyo Dugsi Sare-toonna haddii aanad sii oddorosi-karayn dhacdooyinka imin doonaa yaabka iyo Cajiibka ay leeyihiin.

4: JOOJI Waxbarashada, haddii aanad faaqidayn falagga dusheena meeraya inta uu ka kooban-yahay kala-fogaantooda, cimiladooda kala duwan iyo weynaantooda.

5: JOOJI Waxbarashada, haddii aanad dhulka hoostiisa hoos u quusayn oo hoostiisa daalacanayn una kala kala-saarayn biyo, gaas, petrol iyo dheeman.

6: JOOJI Waxbarashada, haddii aad ogolaanaysid in karti-laawaha iyo af-miishaarku bulshada xaggeda hore yimaadaan.

7:JOOJI Waxbarashada, haddii kelmedda EASY ay MASKAXDAADA hormood ka noqonayso

8: JOOJI Waxbarashada haddii aanad awoodin in aad kala saarto khaladka iyo saxda

9: JOOJI Waxbarashada, haddii aad gaadhi-Kari-weydo go’aan aad u madax-bannaan-tahay.

10: JOOJI Waxbarashada oo jooji aadista Jaamacadaha iyo dugsiyada sare, haddii ay Waxbarashadu kaa dhigi-weydo muwaadin wanaagsan oo ixtiraama xuquuqda, Sharciga iyo xeerarka Wadanka.

#Weligaa dhagax buur-dheer kor ha ugu riixin adigoo raba inuu dulun-dulcoodo oo uu tago figta sare ee buurta

The views expressed in this article belong to the author and do not necessarily reflect the editorial policy of Araweelo News Network.

Soleiman Awil Abokor.