Madaxweyne Biixi, Wuxuu Eeddaymo Iyo Digniino U Jeediyay Siyaasiyiin Dalalka Geeska, Puntland Iyo Shaqsiyaad Kale

 

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Kulan Ballaadhan oo Albaabada loo xidhay oo ka qabsoomay maanta Qasriga Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu gorfeeyay xaaladda Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo dilal sannado baddan kusoo noqnoqnayay sababeen kacdoon shacab iyo deganaasho la’aan dhinaca amniga ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi, dhexda, Guddoomiyaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan Biddix iyo Guddoomiye ku xigeenka Gollaha Wakiillada Somaliland, Siciid Mire Giire Middig, 3 Jan 2023, qasriga Madaxtooyadda, Image Araweelo News Network.

 

Kulanka oo uu guddoominayay Madaxweynaha   Jamhuuriyadda Somalialnd, Muuse Biixi Cabdi, waxa ka qaybgalay madaxda qaranka ugu sarraysa, sida guddoomiyaha gollaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan, ku xigeenkiisa, Siciid Jaamac Cali iyo sidoo kale,  guddoomiye ku xigeenka gollaha wakiillada, isla markaana xilligan ah simaha guddoomiyaha Wakiillada, Siciid Mire Faarax (Giirre).

Waxa kale oo kulanka ka qaybagalay xubno kamid ah gollaha wasiirrada, waxgarad, xildhibaanno, haldoor iyo siyaasiyiin kale, waxana lagu gorfeeyay oo diiradda lagu saaray sidii talo midaysan looga yeelan lahaa arrinta Laascaanood, loona soo afjari lahaa tabashada shacabka Sool iyo xalinta mushkiladda Laascaanood.

Laxidhiidha: Guddoomiyaha Wakiillada Oo Sheegay In Aan Laga Hoos Qaadin Tallooyinkii Ay Madaxweynaha U Gudbiyeen Ee Laascaanood

 

In kasta oo aannay saxaafaddu goob joog ka ahayn, balse, qoraal saxaafadeed kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Markii kulankaasi soo dhammaaday waxa bulshada la wadaagay Madaweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha gollaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, waxana ay si waafi ah uga hadleen dhibka ka taagan Laascaanood, qorshaha qaran ahaan arrintaas lagu waajihi karo iyo sidii xididdada loogu siibi lahaa tabasho kasta oo dhib keenaysa, iyaga oo mar kale si wada-jir ah tacsi ugu diray ehellada dadkii dhibaatadu kasoo gaadhay Laascaanood.

laxidhiidha: WADDANI Oo Dhaliilo Kulul Kaddib Sheegay Inay Qayb Ka Noqonayaan Xalka Laascaanood

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa si qoto dheer u sharraxay qorshaha ay ka hoggaamiyayaal ahaan ugu talo galeen in loo waajaho arrinta Laascaanood, isaga oo waxgaradka reer Sool ugu baaqay inay muhiimad gaar ah siiyaan sidii looga shaqayn lahaa nabadda, taas oo sida uu sheegay fure u ah in mushkiladda laga wada hadlo.

“Maanta waxa noo yaalla ee aannu ku hawlgelaynaa waa in laga wada shaqeeyo nabad dadku ku degaan, annagoo arrintaasna qaybteeda ugu weyn kala shaqaynayna haldoorka, waxgaradka, dhallinyarada, madaxdhaqameedka iyo haweenka dadka deggen Laascaanood, waxana aannu leenahay waxa aynu isku khilaafsannahay waynu ka wada-hadlaynaaye horta nabadda aynu adkayno, haddii aan nabad la hayn waxba lama xallin karo, marka nabadda la helo ee magaaladu furanto ciidamadu way ka baxayaan, umana joogaan magaalada inay dadka cabudhiyaane waa kuwii difaacayay.” Ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

Laxidhiidha: WADDANI: Cabdiraxmaan Cirro Oo Ku Tilmaamay Xaaladda Laascaanood Xasuuq Kuna Baaqay In Deg Deg Xal Nabadeed Lagu Raadiyo

Dhinaca kale, Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu ka hadlay dadkii gudaha Laascaanood lagu laayay  laga soo bilaabo ilaa 2009-, (Dilkii Taliyihii Qaybta 12aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland, ( Col, Cismaan Yuusuf Nuur), iyo kaalinta ay xukuumaddu ka qaadatay sidii loosoo qabqaban lahaa gacan ku dhiiglayaashii dadka laayey, kuwaas sida uu sheegay intoodii badnayd maanta gacanta lagu hayo.

“Dadka mudaharaadayay ee ka xumaaday geerida ninkii argagixisadu dishay waxa usoo raacay afar cod oo kale oo Somaliland la dagaallamaya oo ay kow ka tahay  Argagixiso, inta la hayo Laascaanood marka laga soo bilaabo 2009-kii,  ilaa  maanta dadka lagu dilay waa 40-qof, afartankaa qofna waxa kiiskooda loo hayaa 32 qof, 8 qof ayaa baxsaday oo maqan, waana la raadinayaa,  32 qof ee kiisaaska dilalka loo hayo waxaa la xukumay 23-ka mid ah oo jeelasha ku jira, halka 7 qof  kiiskoodu ka socdaan hay’addaha garsoorka, isla markaana  2 qof oo ka mid ahaa dadkaa  maxkamadduhu sii daayeen,”

Laxidhiidha: Somaliland: Xukuumadda Oo Ka Hadashay Xiisadda Laascaanood

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxana uu intaa raaciyay “Dadka la dilay 24 kamid ahi waxay ahaayeen masuuliyiin qaran, una badnaa maxkamaddaha, xeer ilaaliyayaal iyo qaybaha amniga ee ciidanka iyo guddoomiyayaal xisbi, 16-ka mid ahina waa shacab lagu dilayay waxay taageersan yihiin dawladda iyo qaranimada Somaliland”

Laxidhiidha: Madaxweyne Biixi Oo Ka Digay In Lagusoo Gabado Buuqa Laascaanood

Madaxweyne Biixi, wuxuu farta ku fiiqay siyaasiyiin aannu magcaabin oo fidno-wadayaal ah, kuwaas oo sida uu sheegay dalalka deriska kasoo jeeda oo dagaal iyo fidno kusoo afuufaya guddaha Somaliland, isaga oo si gaar ah u magac dhabay siyaasiga reer Kenya  ee Faarax Macallin, isagoo yidhi,“Faarax Macallin waxa uu ahaa ninka isaga oo xildhibaan ah oo shirguddoonka ku jira halkan (Somaliland) yimi ee Laascaanood tegey ee ku dhiiraday inay Laascaanood kamid ahaato Somaliland ee carruurtiisii iyo Arday kaleba kasoo kexeeyey Laascaanood ee Cammuud geeyey ee ay wax ku barteen ee mar walba la taagnaa qaddiyadda Somaliland ugu doodayay inay sharci ku fadhido, dadka siyaasadda midabbeeya warkooda waxba kasoo qaadi mayo,  laakiin Faarax lagama filayn inuu yidhaahdo dadku si qabali ah ha u dagaallamaan.”

Laxidhiidha: Sool Masuul Iska Casilay Xilka Madaxweyne Biixi U Magcaabay

Dhinaca kale, Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in Madaxda maamulka Puntland oo dhawaan ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland, uga digayaan inay horseedaan dhibaatada ay u bu’ayaan, wuxuuna Madaxweyne Biixi ugu bushaareeyay inay Somaliland diyaar u tahay difaaca qarankeeda, “Waxa dagaal Iclaamiyey madaxweynaha maamulka Puntland iyo ku xigeenkiisa, lagamase filayn inay Puntland dagaal ku iclaamiso, maantase annagu waxaanu taagannahay nabad iyo jaar-wanaag, waxaanse leenahay dagaal lagama faa’iidee ka joog. Haddiise aad ka fursan weydo oo aad weerar soo qaaddo wixii aad ka heshaad leedahay Somaliland inay qarannimadeeda difaacdo waa u diyaar,” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Laxidhiidha: Somaliland: Laascaanood Khasaaraha Ka Dhashay Gedoodka Dilalka Soo Noqnoqda

Waxa kale oo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,  shacabka iyo beesha caalamkaba ugu bushaareeyay inay mucaarid iyo muxaafidba reer Somaliland ka midaysan yihiin difaaca qarankooda, isagoo yidhi,“Maanta Somaliland ma kala laha mucaarid iyo muxaafid, qarannimadana heegan baa loo wada yahay, saddexda xisbi-qaran oo waqtigoodii dhammaaday iyo 10-urur oo immika siyaasadda u halgamayaaba waxannu ka midaysannahay in qarannimada la difaaco, waayo dhammaantood waxay u tartamayaan inay dalka maamulkiisa qabtaan.”

 

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay inay Somaliland ku filan tahay arrinteeda, cid kale oo soo faro gelisana aannay marnaba oggolaan doonin, wuxuuna ka digay madaxdhaqameedka deegaanada kala duwan ee sida uu sheegay fidnada ka hurinaya uga digay inay dhibaato hor leh abuuraan, isagoo ugu baaqay inay wanaagga iyo daminta dhibaatada ka taliyaan.

 

Dhinaca kale, Madaxweyne Biixi, wuxuu dawladdaha Kenya iyo Ethiopia ka codsaday inay kasoo jawaabaan eeddaha iyo fidnada ay siyaasiyiin dalalkaas kasoo jeedaa ka dhex wadaan guddaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo farogelinta ay ku hayaan dawladnimada Somaliland, isaga oo Baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxdoodana uga digay farogelinta fidmaysan ee arrinta gobolka Sool ay ku gacan-togaalaynayaan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com