Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku eeddaysay dilalka soo noq noqda ee xarunta gobolka Sool inay ka danbeeyaan kooxda Al-shaabab.

Sidaana waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha Dibadda, ayaa lagu sheegay in marka laga hadlayo arrimaha gobolka Sool, caasimada gobolka ee Laascaanood Tobankii sano ee u dambeeyay oo ay ka socdeen dilal qorshaysan oo lala beegsaday mas’uuliyiin ka soo jeeda gobolka, kuwaas oo isugu jiray xubno saraakiil sare oo ka tirsan Garsoorka gobolka, xubno ka socday hay’addaha amniga qaranka iyo maamulka gobolka lagu khaarajiyay dilalkaa.

War-saxaafadeedka, ayaa lagu xusay in dedaallo ay si wada-jir ah u sameeyeen ciidamada ammaanka Somaliland iyo hay’addaha sirdoonka ee Somaliland ku xaqiijiyeen in dilalkaas qorshaysan inay fuliyeen xubno ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Xukuumadda Somaliland waxay sheegtay in dilkii u danbeeyay ee lagu khaarajiyay Allah haw naxariistee Marxuun Cabdifataax Cabdilaahi Cabdi (Hadraawi), 28-kii bishii December 2022, ee  ka dhacay Magaaladda Laascaanood lala beegsaday Marxuumkaa oo ka mid ahaa Murrashaxiinta u tartamay doorashadii Golaha Wakiillada Somaliland uu dilkiisu sababay mudaharaadyo sababay khasaare dhimmasho iyo dhaawac, isla markaana hanti lagu burburiyay.

Hase yeeshee, Xukuumadda Somaliland waxay warkeeda ku sheegtay in qaar ka mid ah dambiilayaashii dilalka ka geystay Laacaanood qaarkood hore loo xukumay, isla markaana xilligan ay socdaan baadhitaanno lagu wado dad kale oo loo qabtay kiisaaskaa, kuwaas oo sida ay xukuumaddu sheegtay sugaya maxkamad, balse warka laguma sheegein tirada dadka lo ohayo kiisaaskaa iyo xilliga la qabtay.

 

“Xukuumadda Somaliland waxay si adag uga soo horjeeddaa sheegashada Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Maamulka Puntland oo wada faafinta warar khaldan oo ay xaaladda ku sii hurinayaan,” ayaa lagu yidhi, war-saxaafadeedka.

Xukuumadda Somaliland, ayaa intaas ku dartay in hadalladaha been-abuurka ah ay khatar ku yihiin ammaanka iyo xasiloonida gobolka guud ahaanba, isla markaana aannay Somaliland u dulqaadan doonin wax kasta oo khatar ku ah qaranimadeeda iyo wada-jirkeeda dhuleed.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com