Araweelo News Network.

 

Jeddah(ANN)- Daacigii weynaa ee Sheekh Ismaaciil Maxamudu Cigaal oo ahaa Hoggaamiyaha Culimada Tabliiqiyiinta Geeska Afrika, ayaa ku geeriyooday dalka Sucuudiga oo dhowaan loo geeyay xaallad caafimaad.

Sheekh ismaaciil, wuxuu ahaa daaci u go’ay  dacwadda Illaahay iyo hannuunka dadka, wuxuuna in ka baddan lixdan sannadood kusoo jiray fidinta dacwadda, isagoo isaga talaabay qaaradaha aduuunka si uu dacwadda u fidiyo.

Dadka aqoonta u lahaa ayaa sheega in Sheekh Ismaaciil xilli ku siman konton sannadood ka hor ganacsigii uu lahaa ee Magaalada Hargeysa subax keliya ka dhaqaaqay, iyadoo albaabadu u furan yihiin,  isagoo muddadaa wixii ka danbeeyay u go’ay dacwada Allah iyo inuu tunka u rito intii awooddiiisa ah sidii uu dacwadda u faafin lahaa.

Sheekh Ismaaciil, wuxuu ahaa aasaasaha xarunta ugu weyn Geeska Afrika ee sannad walba ay ku kulmaan kumanaan culimo ah oo qaaradaha aduunka ka kala yimi, taas oo ay suurtagal ka dhigaty nabadgelyada iyo deganaanshaha Somaliland.

Sidoo kale, wuxuu ka aasaasay isla xaruntaa dhexdeeda Jaamacadda ugu weyn ee Diinta Islaamka lagu barto gobolka geeska Afrika, isagoo sidoo kale xarumo waaweyn ka sameeyay geyiga Soomaalida iyo gobolada kale ee ku yaal mandaqada.

Gebagebadii Sh. Ismaaciil, wuxuu ahaa Daaci door oo muuqda ku lahaa fidinta Diinta oo naftiisa iyo noloshisa u huray dacwadda., isagoo iskaga tegey aduunyada dhaldhalaakeeda, Allah waxan uga baryaynaa inuu samir iyo iimaan saadiqa ka siityo qoyskii ehelkii asxaabtii , Bulshada Soomaalida, qowmiyadaha kale ee gobolka iyo culimada uu hoggaaminayay ee Tabliiqiyiinta,. Aaamiin Aamiin Aamiin.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com