Henry Kissinger Oo Ka Digay Madaxweyne Biden In Aduunku Kusii  Siqayo Dheellitir La’aan Halis Ah

Araweelo News Network.

 

Taipei (ANN)- Xiisadda ka aloosan Taipei iyo Shiinaha oo Maraykanku lugta kula jiro, ayaa sii kordhay, waxaana laga casi qabaa in si fudud dagaal uga dhaco halkaa, kaas oo saamayn aan la mahadin ku yeelan kara amaanka dunida isu socodka gaadiidka dunida iyo guuag ahaan dhaqaalaha uu ragaadiyay dagaalka Ukraine.

In kasta oo ay caasimada Taipei ee Taiwan ka socdaan Xafladdaha sanadlaha ah ee tirinta sanadka cusub ee Miilaadiga ah oo sabtidii kiciyay dad aad u tiro badan, kuwaas oo wata fanaaniinta caanka ah ee Taipei 101 oo muujinaya rashka loo ridayo dabaadega sanadka cusub ee 2023.

 

In ka badan 16,000 oo rashka ah ayaa la shiday in ka badan shan daqiiqo waxaana la socday bandhigyo iftiin ah oo ku yaal dhammaan afarta dhinac ee dhismaha xafladdaha si ay u abuuraan sawirro kala duwan, waxaana si nabad ah loo muujiyay xamaamyada nabadda, wejiyada dhoola cadeynta ah iyo geedka nolosha oo loo gudbiyay dulucda bandhigga, kaas oo ah ilaalinta adduunka iyo riyooyin dhalaalaya ee nabada.

Rashka sanadkan 2023, waxa ku baxday NT$50 milyan (US$1.63 milyan), ayaa ahayd daabacaaddii 19-aad ee bandhiga rashka habeenkii sannadka cusub oo ay soo abaabushay Taipei Financial Centre Corporation, taas oo ah maamulka dhismaha dheer ee ka kooban 101-dabaq, sida ay sheegtay Wakaaladda wararka ee Taiwan (Central News Agency Taiwan)

Hase yeeshee arrintani maaha mid meesha ka saaray cabsida laga qabo dagaal si fudud uga qarxa halkaa, “Shiinuhu waxaad mooddaa inay isu diyaarinayaan dagaal ka dhan ah Taiwan” sidaa waxa yidhi,  wasiirka arrimaha dibadda Taiwan Joseph Wu., wuxuuna tilmaamay in arrintani ay gelinayso Maraykanka iyo Shiinaha dagaalka isku dhaca, kaasoo leh saamiyo aad u weyn oo adduunka ah.

 

Dhankiisa Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa wacad ku maray in Beijing ay dib ula midoobi doonto jasiiradda,  haddii loo baahdo, si xoog ah.

Aqlabiyadda dadka ku nool Taiwan ayaa sheegaya in aannay doonayn in dib loo midoobaan Shiinaha, iyadoo dawladda  Maraykanku dhankeeda si isa soo taraysa u cadaynayso inay soo faragelin doonto si ay dhab ugu muujiso inayTaiwan kaga difaacdo weerar kasta oo kaga yimaada Shiinaha.

 

Horumarkii dublamaasiyadeed ee sannadihii 1970-aadkii ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Shiinaha ay kaga tageen ganacsigii aan dhammaan ee soo jiray tan iyo wakhtigaas, ayaa xilligan u muuqda mid khatar weyn ku xeeran tahay.

 

Taipei iyo Shiinaha, ayaa midba midka kale ku eedaynaayaa khiyaamo, waana sababta sii kordhisay xiisaddaha xilligan bannaanka u soo baxay, iyadoo dhinac walba lagu eedeeyay khiyaamo.

Khuburo Maraykan ah iyo dadyow kale oo dunida aad looga dhegaysto ayaa ka digay in  Maraykanka iyo Taiwan oo dhinac ah iyo Shiinaha ay si dhab ah u qiimeeyaan mustaqbalka si ay u fahmaan halka uu khilaafku ku wajahan yahay, isla markaana looga fogaado fogaado dagaal.

Shelley Rigger oo hogaaminaysa maamulka Maraykanka ee Taiwan ayaa ka digaysa xaaladda, “Waxay ila tahay in khatartu ay maanta ka weyn tahay sidii ay ahaan jirtay, Maraykanka iyo Shiinaha waxay ku jiraan khatartan iyo khatarta ka dhanka ah, Taiwanna waxay dhexda ka gashay khatartaa.”

Henry Kissinger, oo ah dublamaasi Maraykan ah oo ruug-caddaa ah, isla markaana si weyn loo dhegeysto tallooyinkiisa, ayaa digniin cusub u diray maamulka Biden, iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha ka taagan marin-biyoodka Taiwan.

Kissinger wuxuu uga digay maamulka Biden inuu beddelo xaaladda Taiwan, isagoo sheegay inuu u arko in adduunka maanta uu ku sii siqayo dheellitir la’aan halis ah, wuxuuna ku tilmaamay tallaabooyin taxaddar leh.

Wallow Aqalka Cad ay sii wadaan inay eeda u weeciyaan Shiinaha cawaaqibka ka dhalan kara safarkii daandaansiga ahaa ee afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay ku tagtay jasiiradda Taiwan August 2022, ayaa sii kordhiyay xiisadda.

Laxidhiidha: Booqashada Haweenayda Afhayeenka Maraykanka Ee Taiwan Oo Dunida Xiisad Dagaal Qarka U Saartay

Socdaalka Nacy Pelosi, ayaa iska indha tirtay codadka sii kordhaya ee siyaasiyiinta iyo goobjoogayaasha Maraykanka ee ka soo horjeeda safarka. Khubarada Shiinuhu waxay aaminsan yihiin in dawladda Maraykanka ee maanta, oo aan lahayn xikmad siyaasadeed iyo aragti istiraatijiyadeed, ay noqonayso hubanti la’aan weyn oo adduunka soo wajahday.

 

Gaashaanle Sare Zhou Bo oo ah Ciidanka Xoraynta Dadka hawlgabka ah ayaa sharaxay xaaladaha, wuxuuna si cad u sheegay in Shiinuhu awood u adeegsan doonaanTaipei.

Dhankiisa Ra’iisal wasaarihii hore ee Australia Kevin Rudd ayaa soo bandhigay fikrado ku saabsan xal diblumaasiyadeed oo uu qirtay in Shiinaha iyo Taiwan ay adeeci doonaan. Laakiin ma muuqdaan calaamado muujinaya in xal siyaasadeed iyo wadahadal lagu dhameeyo xiisadda, waxaana dabaadega sannadka cusub ee lagu qabtay Sabtidii dhismaha dheer ee 101, lagu soo bandhigay farriimo muujinaya nabad.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com