Araweelo News Network.

Washington(ANN)-Afhayeenka Aqalka Kongareska  Maraykanka Nancy Pelosi ayaa Salaasadii ka degtay dalka Taiwan booqasho aan la shaacin oo si weyn dunida u gelisay cabsi, kaddib markii Shiinahu ka digay in talaabadaasi keenayso cawaaqib xumo.

Nancy Pelosi ayaa noqotay sarkaalkii ugu sareeyay ee ka socda Maraykanka oo booqasho ku taga dalka yar ee Jasiiradda Taiwan muddo 25 sano ah, waxayna booqashadeeda Taiwan uga faa’iidaysatay hadal ay ku muujinayso midnimo, iyadoo sheegtay in waddankeedu uu samayn doono wax kasta oo ay ku qaadato, si kor loogu qaado awoodda Taiwan ay isku difaacdo.

Pelosi ayaa ka hor intii aannay soo gebagebayn booqashadeeda dhalisay xiisadda la kulantay Madaxweynaha Taiwan haweenayda magaceedu yahay Tsai Ing-wen, waxayna ka hor la hadashay baarlamaanka jasiiradda iskeed isu maamusha, wallow aannay halkaas u joogin Maraykanka wakiil rasmi ah.

Afhayeenka Aqalka Kongareska Maraykanka Nancy Pelosi ayaa iska dhega tirtay digniino adag oo uga yimid Shiinaha, iyadoo Shiinuhu u arko jasiiradda Tawian dhul uu leeyahay, balse waxay Pelosi sheegtay inay taageersan tahay sida hadda wax u socdaan oo keenaysa farriin nabadeed.

Hadal ay soo saartay, haweenayda xildhibaanka ah ee 82-jirka ah ayay ku sheegtay in booqashada wafdiga Maraykanka ee jasiiradda Taiwan ee iskeed isu maamusho ay tahay mid sharfaysa sida ay Maraykanka uga go’an tahay taageerada dimuqraadiyadda firfircoon ee Taiwan.

Hase yeeshee booqashada Pelosi ayaa dhaleeceyn degdeg ah uga timi Beijing, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ay sheegtay in Shiinuhu qaadi doono dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah, isagoo doonaya inuu si uu si adag u difaaco madaxbannaanida qaranka iyo wadajirka dhuleed.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi ayaa sheegay in siyaasiyiinta Maraykanku dab ku ciyaarayaan, wuxuuna ku hanjabay in arrinta Taiwan aannay wax wanaagsan yeelan doonin, maadaama Beijing u aragto in Taiwan inay tahay gobol ka goostay Shiinaha oo doonaya inuu dawlad madaxbanaan noqdo.

Dhinaca kale, Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Maraykanka Mike Pompeo ayaa ka hadlay wuxuu ku tilmaamay halista dhabta ah ee xisbiga Shuuciga Shiinaha uu ku hayo Maraykanka iyo sida Maraykanku uu uga jawaabayo “gardarada Shiinaha”.

Arrintan booqashada Afhayeenka Aqalka Kongareska Maraykanka Nancy Pelosi, ayaa noqotay xiisad si weyn u gilgishay dunida, iyadoo Maraykanka iyo Shiinaha mid walba dhankiisa heegan geliyay ciidamadiisa, waxayna sii kicisay xaaladda kacsan ee siyaasadda gobolka oo horeba muran uga taagnaa.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com