Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- General Maxamed Jaamac Warsame (Fadhi-kusalaan) oo ka mid ahaa saraakiishii ugu horaysay Soomaalida ee Ciidamada ka gaadha derejada General, ayaa maanta lagu aasay xabaalaha Bacqiiq ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa.

Marxuumka, ayaa ku geeriyooday shalay gurigaa oo ku yaal Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, waxaana aaskiisa ka qaybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qaranka, madaxdhaqameed, Siyaasiyiin iyo dadweyne kale.

Marxuumka, ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa shaqsi akhlaaq wanaagsan oo door muhiim ah kasoo qaatay xilligii uu ka tirsnaa ciidamadii dawladdii Millateriga ee Soomaaliya oo xilligaa ay Somaliland ka mid ahayd, isagoo dalalka Masar iyo Ruushka kusoo qaatay waxbarashadiisa, iyadoo Ruushku ku maamusay Biladda Cas ee Ciidmadamada, wuxuuna mar ahaa Taliyihii Qayta Lixdanaad, waxaana General Maxamed Jaamac (Fadhi ku salaan).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlay geerida marxuum General Maxamed Jaamac Warsame (Fadhi-kusalaan), wuxuuna ku sifeeyey Oday ka baxay dalka iyo dadka, isla markaana door muhiimana ka soo qaatay halgamadii kala danbeeyey ee loo soo maray dalka.

Dhambaal kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland, wuxuu Madaxweyne Biixi ku sheegay in marxuumku ka mid ahaa saraakiishii ilaa lixdankii ku hawlgelayey arrimaha ciidamada oo uu aqoon dheer u lahaa, isagoo xilal kala duwana ka soo qabtay ciidamadii dawladii burburtay ee la isku odhan jiray Jamhuuriyadii Soomaaliya, wakhtiyadii danbena wuxuu ka mid ahaa saraakiishi dhidibada u taagay ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu qayb ka ahaa aas-aaskoodii.  

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Allah uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidamada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com