Qiimaha Xubnaha Aadamaha Suuqa Madaw Ee Bariga Dhexe Oo Kordhay

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Dalalka Khaliijka ayaa noqday kuwa ugu baddan ee ka ganacsiga dadka looga qaado Bariga Afrika, iyadoo lagu khiyaameeyo dadkaa oo u baddan dhalinyaro hablo iyo wiilal in shaqooyin ama deeq waxbarasho ay helayaan, waxaana jira kooxo si qarsoodi ah uga shaqaysta arrimahaa.

Kooxaha isku xidhan ee ku sugan dallaka Bariga Afrika ilaa dalalka khaliijka iyo meelo kale oo dunida ah, ayaa ujeeddada qorshahoodu uga faa’idaysta dadka dhalinyarada ah ee faqriga iyo shaqo la’aanta la nool iyo kuwo danaynaya in ay ka dhoofaan dalkooda, waxayna qaarkood ku khiyaameeyaan in ay shaqooyin u hayaan, halka ay kuwo kalena deeqo waxbarasho u sheegeen, balse xaqiiqdu aannay ahayn sidaa ee dadkaa dhalinyarada u baddan qaarkood looga faa’idaysto qaybo ka mid ah jidhkooda xubnaha muhiimka ah in laga iiboyo suuq madaw, halka kuwo kalena gaar ahaan hablaha loo adeegsado gaboodfalo galmo, kuwaas oo marka danbe xubnaha jidhkooda la iibiyo suuqa madaw.

Qaramada Midoobay iyo hay’addaha xuquuqda Aadamaha ayaa marar baddan ka digay arrimahan iyo qaabka loo khiyaameeyo dadka, iyadoo loo soo bandhigayo mashaariic, isla markaana si fudud qaarkood loo kaxaysanayo, iyadoo dhinaca internetka ee Socail Medddia loo soo marayo, waxayna ku danbeeyaan in ay waalidiintooda iyo ehelkooda is waayan.

Warbixinihii ugu dameeyay ayaa sheegaya in ka ganacsiga xubnaha jidhka ee Suuqa Madow ee qeybo ka mid ah xubnaha bini’aadamka ay kusoo baddanayaan Bariga dhexe. Kelyaha ayaa xilligan halkii keli ah qiimaheedu gaadhay $262,000 (131 milyan CFA francs),  halka wadnuhu marayo $119, 000 (60 milyan oo CFA (Frank), Beerka qiimihiisu wuxuu gaadhay $157, 000 dollars (79 milyan CFA francs)  sidaa awgeed Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan daroogada iyo dambiyada (UNODC), waxay ka digaysaa sheekooyinka beenta ah ee dalkaaga lagaaga kaxaynayo, iyadoo kooxahan oo sita magacyo shirkaddo, ama wakaaladdo kuu ballan qaadayaan in ay ku geyn doonaan shaqo dibadda ah, balse aannay xaqiiqdu sidaa ahayn.

Kooxahan ayaa xataa ay suurtagal tahay in ay kugu wargeliyaan in ay kaa bixiyaan tigidhka diyaaradda, iyagoo si weyn usoo qorsheeyay sidii ay kuu kaxayn lahaayeen oo ay ku geyn lahaayeen dibadda iyagoo iska dhigaya inay rabaan inay shaqo kuusoo heleen, laakiin taa beddelkeeda, waxay dilaan dadka ay kexeeyaan, waxayna marka ay ku dilaan soo ceshadaan dhammaan xubnaha qaaliga ah ee jidhka dadkaa.

In ka baddan 60 boqolkiiba dhibbanayaasha ka ganacsiga dadka ee la ogaaday 15-kii sano ee u danbeeyay, waxay ahaayeen haween u baddan gabdho yar yar, kuwaas oo intooda badan loo tahriibiyay si looga faa’iidaysto galmo, kaddibna xubnaha muhiimka ah lagala baxo.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in dad baddan mashruucan loo soo bandhigay, iyadoo loo sheegay in shaqo laga siiyay Bariga dhexe, balse dadkaa ilaa iyo hadda qoysaskooda ma  arag meel ay ku danbeeyeen, waxayna sheekooyinkan noqdeen kuwo malainba maalinta ka danbaysa soo kordhaya, sidaa awgeed asxaabtaada iyo dadka kale la wadaag oo la share garee warbixintan si aad nolosha dad baddan oo dhalinyaro ah u badbaadiso.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com