Araweelo News Network.

Hargyesa(ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay xaaladda xarunta gobolka Sool ee Laascaanood, wuxuuna usoo jeediyay dadka ka cadhooday dilalkaa in ay fahmaan in aannay fawadada iyo burburku waxba keenayn, balse loo baahanyahay in si midaysan looga hawlgalo si cadawga gacanta loogu dhigo.

Laxidhiidha: Somaliland: Laascaanood Khasaaraha Ka Dhashay Gedoodka Dilalka Soo Noqnoqda

Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in dilalka kusoo noqnoqda Laascaanood loo baahanyahay in gacan bir ah lagu qabto, iyadoo la muujinayo midnimo iyo dulqaad, isagoo xusay in masuuliyiin ka tirsan xukuumadda oo ku sugan halkaa uu farayo inay  si deg deg ah uga hawlgalaan.

Laxidhiidha: Sool Masuul Iska Casilay Xilka Madaxweyne Biixi U Magcaabay

“waxan ka tacsiyaynayaa qaranka,  gobolka iyo guryihii ay ka dhinteen, shacbhga Laascaanood, haweenka dhalinyarada, Odayaasha , Culimada  iyo ganacsatada waxaan ka codsanayaa in arrintaa cadawgu inagu soo dhex tuuray aannay dhibaato intaa ka baddan s gaadhsiin innagu.” ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

Wuxuu sheegay in dilalka noocan ah ay yihiin kuwo lagula dagaalamayo qaranka Somaliland ee aannay ahayn kuwo cid gaar ah loogu jeedo, sidaa awgeed wuxuu usoo jeediyay shacbiga in dhibaato ka timaada dhexdeena aannay dawo u noqonayn ee xalka iyo dawadu imanayaan marka loo midoobo.

“masuuliyiinta ku sugan gobolka waxan ku dardaarayaa in la dejiyo magaalada si aannu u dhicin buuq cadawgu kusoo dhuunto, wixii si khaldan u dhacayna si wadajir ah looga hawgalo xukuumad ahaan iyo shacab ahaan.” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, Madaxweyne Biixi, wuxuu usoo jeediyay shacbiga in ay ilaashadaan nabadooda iyo qaranimadooda, wallow Madaxweynuhu sheegay in warbaahinta xorta ah ay u muuqdaan kuwo la tandhaafiyo oo dhibaato abuura.

“arrinta Laascaanood xukuumad ahaan waanu dejinaynaa, mar walba dhibaato way imanaysaa, horumarka waa inaynu soii xoojinayaa laakiin dhibaatooyinka shaqo la’aanta iyo mushkiladaha waynu kaga gudbaynaa , sidii aynu horeba uga soo gudibnay kuwii ka horeeyay ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi oo soo dhoweeyay diiwaangelinta ka bilaabantay dalka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com