“Cabdinaasir Macalin Caydiid,  Inaan Arko ayaan muddo baddan ku hamiyaya,  Laakiin.. “Abwaan Maxamed Aadan Dacar

Araweelo News Network.

Muusishiinki La Jeclaa Cabdinaasir Macalin Caydiid, Halgamaa Baroordiiq Lagu Sagootiyay

Hargeysa(ANN)-Muusishankii caanka ahaa, heesaagii halgamaaga ahaa Allah haw naxariistee Cabdinaasir Macalin Caydiid Muuse oo Salaasadii 27  December 2022, ku geeriyooday caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa, ayaa Arbacadii maanta si weyn loogu sagootiyay hoygiisa rasmiga ah.

Boqolaal qof oo  ka mid ah qaybaha kala duwan ee Bulshada, masuuliyiin ka trsan hay’addaha qaranka, abwaano, culimo, dhalinyaro, qoarayaal iyo suxufyiinn, ayaa marxuumka u gelbiyay maydkiisa xabaalaha Bariga Magaalada Hargeysa.

Geeridiisa, ayaa ahayd mid si weyn looga murigooday oo Bulshada Somaliland iyo guud ahaan geyigiga Soomalida aad looga sareemay, taas oo muujinaysay jacaylka ay u qabeen bulshadiisu iyo ixtiraamka ay u hayeen muusiishanka weyn laxamaystaha iyo heesaaga macalinka iyo mujaahidka ahaa.

Cabdinaasir Macalin Caydiid, wuxuu kasoo jeeday qoys caan ka ah Magaalada Hargeysa iyo deegaamada kale ee Somaliland, iyadoo qoyskoodu ka mid ahaa dadkii dhawr iyo lixdankii kasoo guuray Magaalada Cadan ee Koonfurta Yemen, wuxuuna fanka soo galay horaantii sideetanaadkii, isagoo xiligii kasoo laabtay dalka Qatar.

 

Cuudka, ama Gitaarka ayuu si gaar ah ugu ahaa xeel-dheere ka dananiya, iyadoo dhawaaqa uu ka samaynayaa ahaa mid dheguhu macaansanayaan, “Waah yaa Cabdinaasir Macalin Caydiid”, waa mid ka mid ah weedhaha caanka noqday ee dad xusuusiya xirfadiisa sare ee muusiishanka, balse Cabdinaasir ma ahayn oo keliya Muusiishan ee sda ay sheegeen saaxiibada aqoonta u lahaa, wuxuu ahaa abwaan sameeya heesaha, fannaan codkiisa ku qaada, isagoo isu garaacaya gitaarkiisa iyo mulaxam.

Cabdinaasir Macalin Caydiid, wuxuu kamid ahaa hormoodka kooxdii Danaan, sida ay sheegeen saabiibadii aqoonta u lahaa ee dhinaca fanka, ka hor intii aannu ku biirin halgankii xoraynta Somaliland ee ay hoggaanminayeen dhaqdhaaqii SNM.

Sidoo  kale, Marxuum Cabdinaasir, wuxuu ahaa Biriijka isku xidha fannaaniintii hore ee isaga ka horeeyay, ama ka hor xilligiisii hanaqaaday iyo dhalinyarada fanka soo gashay rubuc qarnigii u danbeeyay, sidoo kale, wuxuu ahaa macalin doonayay inuu ka tago midho uu beeray oo anfaca bulshadiisa, wuxuuna isaga oo gacan ka helaya walaalkiisa yar Mustafe Macalin Caydiid ahaa tababare dhalinyaro baddan, kuwaas oo uu macalin ugu ahaa fanka.

Maaha fanka oo keliya ee Cabdinaasir, wuxuu door weyn ku lahaa halgankii dib u xoraynta dalka, nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, isagoo mar ahaa xiddiga Radio Halgan, sida uu qiray Abwaanka weyn ee Maxamed Aadan Dacar .

“Berigii halganka ee Raadiyaha lala dhuuman jiray heesihii ka bixi jiray Radio Halgan ee cadawga taliskii lagu jebinayay, isaga ayaa qaadi jiray oo samayn jiray, waxaan u dhegeysan jiray Cabdinaasir iyo Sahra Halgan, markay Radio Halgan ka hadlayaan” ayuu yidhi, Maxamed Aadan Dacar oo ka mid ah haldoorkii fanka iyo hal-abuurka Somaliland, isagoo tilmaamamay doorkii uu halganka ku lahaa Marxuum Cabdinaasir Macalin Caydiid.

Inkasta oo aannan wada shaqayn annigoo ku hamiyaya in aan maruun arko “Cabdinaasir Macalin Caydiid”, ayaan 1989 markii u horaysay kulanay, mana jirin shaqo na dhexmartay, laakiin wuxuu qiray inuu ahaa shaqsi akhlaaq iyo edaab leh shayguu hawshuu hayyayna ka adag.

Dad baddan oo ka mid ah haldoorka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada, ayaa ka markhaati kacay in Cabdinaasir Macalin Caydiid ahaa shaqsi dabeecad wnaagsan oo aan dadka dhibin, akhlaaq iyo dadnimo fiican oo aan cidna dhibaatayn.

Cabdinaasir muu ahayn mid fanka ugu jira dhaqaale iyo inuu hanti ka helo, balse wuxuu ahaa hiwaayadiisa, wuxuuna kasbaday quluubta inta badan bulshadiisa, taas oo suurtagelisay in casrigan lagu jiro ay xataa jiilasha xilliyadan danbe kacay kalgacal iyo ixtiraam weyn u hayeen, waana sababta keentay kasbashada shaqsiyadiisa, dabeecadiisa iyo dadnimadiisu in geeridiisa si weyu looga murugoodo.

Allah haw naxariisto Marxuumka samir iyo iimaan saadiqa qoyskii, ehelkii, asxaabtii, Bulshada Somaliland iyo Soomaalidiba , isagana Allah waxan uga baryaynaa inuu janafardawsa ugu deeqo,Aamiin  Aamiin Aamiin.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com