Araweelo News Network.

Laascaanood(ANN)- Khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa la dhashay, kaddib markii Dadweynaha Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, iyo ciidamada amaanku  isku soo baxeen, iyadoo  dadweynuhu  si weyn uga gedooday dilalka qorshaysan ee kusoo noq noqonaya Magaalada iyo  kuwaas oo aan la helin raadkooda.

Dadweynaha Laascaanood oo si weyn uga cadhaysan dilalka aan cidna loo qaban ee ka dhaca Magaalada, ayaa isu soo baxooda kusoo beegay, kaddib markii xalay lagu dilay Magaalada Cabdifataax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi Sangub).oo ka mid ahaa haldoorka gobolka Sool, isla markaana xilligan ka tirsanaa saraakiisha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI.

Marxuumka, ayaa xalay fiidkii lagu dilay, isagoo xilligaa kasoo baxay Masjidka Al-Nuur oo uu ku tukaday Salaada, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Magaalada Laascaanood, iyadoo aan la aqoonsan ciddii dilka geysatay, isla markaana aan la xaqiijin tiradooda.

Dadweyneha oo ka cadhaysan dilalka, ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada saaka waaberigii, wuxuuna isu soo baxu isu bedelay mid rabshado ah, kaddib markii la weeraray goobaha ganacsiga ee shirkaddaha waaweyn oo khasaare la gaadhsiiyay.

Dadka goob jooga ahaa ee ku sugan Magaalada, ayaa su xaqiijiyay Shabakaddaha Araweelo News Network, in arrintaasu dhalisay  in ciidamada amaanka iyo dadka isu soo baxay fooda is daraan, sidaana uu ku yidhi khasaare dhimasho ugu yaraan inta la xaqiijiyay 3qof, halka tobaneeyo kalena dhaawacyo soo gaadheen.

Xaaladda ayaa isu bedeshay rabashado, iyadoo  ciidamada amaanka Somaliland adeegsadeen rasaas si ay xaaladda u dejiyaan, iyadoo saacado kaddib  ay xaaladda gacanta ku qabteen si ay dadka u kala kexeeyaan, taas oo ugu danbayntii ku guulaysteen in ay dadka kala dareeriyaan, iyadoo xaaladdu caadi kusoo noqotay saacado kaddib, wallow magaalada lagu soo rogay bandaw.

Xukuumadda Somaliland, ayaan weli ka hadlin dilka ugu danbeeyay ee ka dhacay Laascaanood iyo mudaharaadka rabshadaha watay ee shacbigu ku dalabanayeen in wax laga qabto dilalka kusoo noqnoqda.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com