Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)- Allah haw naxariisto waxa maanta si weyn loogu sagootiyay aas qaran oo loo sameeyay Xabaalaha Bariga Magaalada Hargeysa Marxuum Maxamuud Aadan Dheri oo ka mid ahaa haldoorka Somaliland.

ALt: Araweelo News Network

Aaska Marxuumka, waxa ka qaybgalay masuuliyiinta hoggaanka sare ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, masuuliyiin ka socda xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, in baddan oo ka mid haldoorka Bulshada iyo dadweyne tiro baddan.

Masuuliyiinta ka hadlay geerida marxuumka, ayaa ka sheekeeyay doorkii uu lahaa dib u dhiska dalka, nabadaynta iyo sidii qaranka Somaliland cagihiisa isugu taagi lahaa.

Marxuumka, ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumaddahihii kala danbeeyay ee Somaliland iyo xukuumaddii hore ee dawladdii Soomaaliya, waxayna dhammaan dadkii aqoonta u lahaa marxuumku qireen inuu shaqsi wanaagsan oo wadaniyad leh, isla markaana hawlaha uu qaranka u hayo sidooda uga soo dhallaala.

Murrashaxa Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Cali oo ka mid ahaa dadkii hadlay aqoonta ay u lahaayeen marxuuumka ayaa ka sheekeeyay sida uu qaranka ugu soo adeegay, iyadoo la xaqiijiyay in xilal kala duwan kasoo qabtay Somaliland mudadii ay jirtay ee xukuumaddihii kala danbeeyay iyo xukuumaddii hore ee Soomaaliya.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews/

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. Araweelo News Network.

info@araweelonews.com