Araweelo News Network.

Laascaanood(ANN)- Dadweynaha Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayaa si weyn uga gedooday dilalka qorshaysan ee kusoo noq noqonaya Magaalada, kuwaas oo aan la helin raadkooda.

Dadweynaha Laascaanood oo si weyn uga cadhaysan dilalka aan cidna loo qaban ee ka dhaca Magaalada, ayaa isu soo baxooda kusoo beegay, kaddib markii xalay lagu dilay Magaalada Cabdifataax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi Sangub).

Marxuumka, ayaa xalay fiidkii lagu dilay, isagoo xilligaa kasoo baxay Masjid uu ku tukaday Salaada, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Magaalada Laascaanood, iyadoo aan la aqoonsan ciddii dilka geysatay, isla markaana aan la xaqiijin tiradooda.

Dadweyneha oo ka cadhaysan dilalka, ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada saaka waaberigii, balse ciidamada Booliska Somaliland, ayaa xaaladda gacanta ku qabtay, waxayna ugu danbayntii ku guulaysteen in ay dadka kala dareeriyaan, iyadoo xaaladdu caadi kusoo noqotay saacado kaddib.

Xukuumadda Somaliland, ayaan weli ka hadlin dilka ugu danbeeyay ee ka dhacay Laascaanood iyo mudaharaadka shacbigu ku dalabanayeen in wax laga qabto dilalka kusoo noqnoqda.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com