“Waxay Ahayd In Dadka Lala Tacaadufo, Masuuliyadana Xukuumaddu Qaadato, Markay Dadkii Wisiisiyeen.” Cabdirisaaq Khaliif Guddoomiyaha Wakiillada Somaliland

ALT: Araweelo News Network

Guddoomiyaha Gollaha wakiillada Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif, Image Araweelo News Network, 15 December 2021.

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif, ayaa ku dhaliilay xukuumadda Somaliland qaabka ay uga jawaabtay damqashada shacbiga Laascaanood kaga damqadeen dilalka soo noq noqday ee cidna loo hayn, kuwaas oo lagu beegsaday haldoorkii iyo culimadii gobolka ee ka shaqaynayay Hay’addaha garsoorka.

laxidhiidha: WADDANI Oo Dhaliilo Kulul Kaddib Sheegay Inay Qayb Ka Noqonayaan Xalka Laascaanood

Guddoomiye Khaliif oo waraysi kooban siiyay Idaacadda Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da, ayaa sheegay in xukuumadda looga baahnaa garawshiiyo inay muujiyaan markii ay shacbigu ka damqadeen dilalka Laasaacood, taas oo sida uu sheegay aan dhicin.

Laxidhiidha: WADDANI: Cabdiraxmaan Cirro Oo Ku Tilmaamay Xaaladda Laascaanood Xasuuq Kuna Baaqay In Deg Deg Xal Nabadeed Lagu Raadiyo

“Waa nasiibdaro weyn ee muddo soo noqnoqtay, oo lagu beegsanayay dad kala duwan oo haldoorka gobolka ah lagu beegsanayay, kuwaas oo qaarkood Hay’addaha dawladda iyo garsoorka u shaqaynayay, wixii dhibaatada geysanayayna aannay xukuumaddu marnaba gacanta kusoo dhigin, markaa dhibaatooyin is biirsaday oo ka yimi dayac xagga xukuumadda ka yimi ayaa dhibaatadan keenay, waxaana ugu danbeeyay dilkii Allah haw naxariistee Ninkii Murrshaxa ahaa doorashadii gollaha wakiillada, ayaa sal u ah dhibaatada maanta dhacday.” Ayuu yidhi.

Laxidhiidha: Somaliland: Xukuumadda Oo Ka Hadashay Xiisadda Laascaanood

Cabdirisaaq Khaliif, wuxuu sheegay in aannay marnaba dhicin warbixin laga soo saaray dilalka dhawr iyo tobanka sannadood ka socday Laascanood, sidaa awgeed ay shacbigii ka damqadaan arrintan oo gedood sameeyaan.

 

“Waxay ahayd gedoodka shacbka in xukuumaddu garawshiiyo ka bixiso masuuliyadeedana si toos ah u qaadato, markii damqashadaasi dhacday, waxay ahayd Madaxweynuhu inuu isa soo taago oo yidhaahdo “masuuliyadaa si dhammaystiran ayaan u qaadanayaa, wax ka qabashadeedana sida ugu haboon ayaan wax uga qabanayaa, taasina ma dhicin, maalintii dilku dhacay maalintii xigtay Madaxweynuhu wuxuu hadlay iyadoo Afar qof oo mayd ah ay yaaliin, wuxuuse hadalkiisu noqday inuu qodobka saddexaad ka dhigto, waxa kale oo dhacday in ciidan Millateri ah loo adeegsaday dadkii dhibaatadu ku dhacday ee mudaharaadayay oo dadkoo dhami arkayeen gaadiidka Tignikada, waxay ahayd in haddii dadkii damqadeen lala tacaadufo oo loo sheego in lala damqanayo masuuliyadana la qaato, taasna may dhicin.”

Laxidhiidha: Madaxweyne Biixi Oo Ka Digay In Lagusoo Gabado Buuqa Laascaanood

Dhinaca kale, Guddoomiye Khaliif, wuxuu sheegay in masuuliyiinta xukuumadda qaarkood ay dadkii soo abaabuleen markii xabaalaha laga soo dareeray iyo kuwo kale oo sida uu sheegay waxyaabo aan loo baahnayn warbaahinta ka jeedinayay.

Laxidhiidha: Sool Masuul Iska Casilay Xilka Madaxweyne Biixi U Magcaabay

“Dadku way wisiisiyeen, iyadoo maydkii hore yaal ayaa kuwo kale la dilay, waxan u arkaa dhib weyn, waxay ahayd in laga jawaabo su’aasha dadka ee ah “yaa na dilay”, wuxuu sheegay in xukuumaddu wax ka qabato amniga oo lasoo bandhigo warbixin dhab ah.

Laxidhiidha: Somaliland: Laascaanood Khasaaraha Ka Dhashay Gedoodka Dilalka Soo Noqnoqda

 

Sidoo kale, wuxuu sheegay in isaga iyo masuuliyiin kale oo gollaha wakiillada ay Madaxweynaha kala hadleen arrimahan ka hor dilkii ugu danbeeyay sababay kacdoonka, balse aan laga hoos qaadin tallooyinkii ay Madaxweynaha ula tageen, kuwaas oo ay kow ka ahayd in dadka deegaanka lala tashado, oo weliba maamulkooda lagala tashado, isagoo dhinaca kale xusay in xukuumaddu ka cadhootay baaq uu Garaad Jaamac soo jeediyay oo ahaa in tallo laysugu yimaado.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com