Araweelo News Network.

 

Moscow (ANN)-Ruushka, ayaa dhaqaajiyay Markab xanbaarsan khatar weyn oo gantaalo ah, isla markaana ku gaashaaman hub casri ah oo cabida dagaalka Ukriane ee aduunka sii kordhiyay.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa arbacadii amray dhaqaajinta Markabka Admiral Gorshkov, kaddib markii uu munaasibada furitaanka markabkaa furay.

Admiral Gorshkov, ayaa ah nooca dagaalka oo ku hubaysan gantaalaha cusub ee loo yaqaan ‘hypersonic cruise missiles’, wuxuuna u jihaystay badweynta Atlaantigga iyo Hindiya iyo Badda Mediterranean, halkaas oo sida ay Moscow sheegtay hawlgallo tabobar ah ka bilaabayo.

“Waan hubaa in hubkaas xoogga badan inuu suurtagal ka dhigi doono in si la isku hallayn karo si uu Ruushka uga ilaaliyo khataraha dibadeed, wuxuuna gacan ka geysan doonaa xaqiijinta danaha qaranka ee dalkeenna,” ayuu yidhi, Madaxweyne Putin oo sii sagootiyay Markabka sida ay ka soo xigtay wakaaladaha wararka ee Ruushka.

 

“Waan sii wadi doonnaa horumarinta awoodda dagaalka ee ciidamadeena qalabka sida,” ayuu yidhi Putin, isaga oo intaa ku daray in nidaamka gantaalaha ee Zircon ee Markabka Admiral Gorshkov ku gaashaaman yahay aannay jirin wax u dhigma.

Madaxweyne Putin iyo Wasiirkiisa Difaaca Sergei Shoigu ayaa ka qayb qaatay shir muuqaal ahaan xaflad lagu soo bandhigayay howlgalka Markabka Admiral Gorshkov.

“Waxa ugu weyn ee howlgalku wuxuu noqon doonaa ka hortagga khataraha ku wajahan Ruushka iyo taageeridda nabadda iyo xasilloonida gobolka si wadajir ah dalalka saaxiibada ah,” ayuu yidhi dhankiisa wasiirka Difaaca Ruushka Shoigu.

Dhaqaajinta Markabkan, ayaa sii kordhisay cabsida aduunku ka qabo dagaalka Ukraine ee socday muddada sanadka ah, isla markaana waxay u muuqataa in Ruushku aannu marnaba kasoo debcayn go’aankiisa iyo mawqifkiisa adag ee dagaalka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

 

.