Xubin Kongaresska Oo Soo Jeediyay In Trump Loo Doorto Afhayeenka Markii Uu Guuldaraystay Saaxiibkii

#Araweelo News Network.

 

 

Washington(ANN)-Xisbiga Jamhuuriga, ayaa awoodi waayay inuu ku guulaysto doorashada Afhayeenka Aqalka Kongarreska ee Xubnaha cusub ee loo doortay golaha Kongresska ee Maraykanka, waxayna ahayd Khamiistii maalintii shalay markii kow iyo tobnaad oo ay codeeyaan kalfadhigoodii ugu horreeyey.

Mudanayaasha xisbiga Jamhuuriga, ayaa ku kala qaybsan maalintii saddexaad oo xidhiidh ah, waxayna ku guul daraysteen inay isku raacaan musharaxa noqonaya Afhayeenka aqalka Kongresska ee Maraykanka.

Khamiista, waxaa la codeeyey markii 11aad, iyada oo murrashaxa xisbiga Jamhuurigu Kevin McCarthy uu ku guuldaraystay inuu helo 218 cod, taas oo uu ku noqon karo afhayeenka gollaha, balse waxa ganafka ku dhuftay murrashaxnimadiisa oo kasoo horjeestay illaa 20 mudane oo ka mida xisbigiisa Jamhuuriga ah.

Codaynta ugu dambaysay ee 11aad, waxaa hoggaaminayay murrashaxa xisbiga Dimoqraadiga Hakeen Jeffries  oo helay 212 cod, halka musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee Kevin McCarthy uu helay 200 oo cod.

Madaxweynihii hore ee Donald Trump oo loo tirinayo Kevin McCarthy, ayaa isagu helay hal cod oo keliya, kaddib markii uu soo jeediyey mudane ka tirsan aqalka Congressku, in Trump laftiisa loo doorto Afhayeenka Gollaha, taas oo ay mudanayaashu si layaab ah ugu qosleen.

Sharciga ayaa ogol inuu xilka afhayeenka golaha u tartami karo qof ka baxsan xubnaha golaha, waana sababta uu xildhibaanku usoo jeediyay in Trump laftiisa loo doorto Afhayeenka.

 

Xisbiga Dimuqraadiga, ayaa hore ugu doortay inuu murrashax u yahay Hakeem Jeffrin oo noqday qofkii Madaw ah ee ugu horeeyay taariikhda noqda Hoggaamiyaha Xisbiga Dimuqraadiga ee mudanayaasha Aqalka, isagoo xilligan u taagan tartanka loo maara waayay ee Afhayeenka Aqalka Kongaresska Maraykanka.

Laxidhiidha:  Hakeem Jeffries qofkii ugu horreeyay ee Madow Ah Oo Loo Doortay Inuu Hoggaamiyo Dimuqraadiga Isagoo Beddelaya Nancy

Xisbiga Jamhuuriga ayaa haysta 222 xildhibaan oo ka mida 435 – mudane ee golluha wakiiladu ka kooban yahay, halka xisbiga Dimuqraadiguna uu haysto 212 mudane.

Hase yeeshee Murrashaxa Kevin McCarthy ee ka socda Jamhuuriga, ayaa awoodi waayey codad ku filan inuu ka helo mudanayaasha si uu ku noqdo afhayeenka gollaha, wuxuuna dhaafi waayay 200 cod.

Hakeem Jeffrin, ayaa haysta 212 mudane, wuxuuna u baahan yahay oo keliya ilaa lix cod, isagoo noqonkara Afhayeenka aqalka haddii uu ku guulaysto tirada codadka looga baahanyahay.

 

Kevin McCarthy ayaa marnaba gaadhi waayay codadka looga baahnaa, isagoo ay ahayd inuu helo 218, taas oo ah tirada ay tahay inuu helo qofka noqonaya Afhayeenka golaha Kongresska ee Maraykanka, waxaana diidan 20 xildhibaan oo ka tirsan xisbigiisa Jamhuuriga, kuwaas oo ku doodaya in aannu u qalmin inuu noqdo guddoomiyaha gollaha wakiillada Maraykanka ee Kongaresska.

Waa markii labaad ee Taariikhda Maraykanka arrintani dhacdo, iyadoo Inta badan xisbiga hela aqlabiyadda gollaha si fudud u dooran jiray afhayeenka golaha Kongaresska, laakiin sida lagu xusay taariikhda gollaha waa markii labaad muddo ku siman 100 sannadood ee murrashax u taagan Afhayeenka golluhu,uu waayo codad ku filan si loogu doorto Afhayeenka Aqalka Kongaresska Maraykanka, iyadoo arrintan oo kale oo ay dhacday 1923.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

 

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com