#Washington: Jamhuuriga Sheegta Muwaadiniinta #Masiixiyiinta Ah Oo Ku Hanjabya In Madaxweyne #Biden Maxkamad La Geeyo

Araweelo News Network.

 

Washington (ANN)- Xisbiga Dimuqraadiga ayaa u doortay Rep. Hakeem Jeffries oo laga soo doorto New York inuu beddelo Nancy Pelosi, isla markaana uu noqdo hoggaamiyaha xisbiga Dimuqraadiga ee aqalka sannadka soo socda.

Arrintan, ayaa noqotay tallaabo taariikhi ah oo ka dhigi doonta Hakeem Jeffries qofkii ugu horreeyay ee Madow ah ee hoggaamiya mid ka mid ah labada xisbi ee waaweyn ee labada aqal ee Congress-ka.

Malaayiin Maraykan ah ayaa codkooda dhiibtay doorashada xilliga dhexe, laakiin maxkamadda sare ayaa laga yaabaa inay tahay tii si dhab ah u go’aamin lahayd awoodda aqalka Congress-ka, oo Jamhuuriyaddu ay hadda ku maamuli doonaan tiro aad u yar.

Jamhuuriga, ayaa ku doodaya in guusha xilligan ay sabab u tahay kiisaskii waaweynaa ee ka dhanka ahaa Madaxweynihii hore Donald Trump iyo baadhitaanadii lagu sameeyay dhismayaal uu degaana. “Waa muhiim in la fahmo sida aan halkan ku nimi. Gaar ahaan, xaqiiqda ah in hal kiis oo weyn oo Maxkamadda Sare ah iyo laba amaradii documentiyada oo hadh ah ayaa dhab ahaantii u oggolaaday Xisbiga Jamhuuriga inuu u horseedo jidkiisa guushan.” Ayuu yidhi.

Madaxweynihii hore ee Donald Trump, ayaa hoggaaminaya abaabulka weyn ee lagu macneeyay wadaniyiinta Masiixiyiinta ah, iyadoo Jamhuurigi ku doodayaan in ay jiraan noocyo kala duwan oo musharraxiin ah oo aan ku habboonayn in ay soo baxaan, kuwaas oo ay sheegeen in ay la kulmeen xaqiiqada maalinta doorashada. Halkii ay ku qaylinayeen guulo waaweyn, balse ay ku tilmaameen Tukayaal raq cunaya, iyagoo ula jeeda Xisbiga kale ee loolanka weyni dhexmaray ee Dimuqraadiaga.

“Waxay ka qaylinayaan halkii sidii Tuke ayay cunayaan raq oo ay farta ku fiiqayaan. Qaar ka mid ah murrashaxiinta heerka sare ee Masiixiyiinta wadaninimada  gaar ahaan Doug Mastriano, Jamhuuriga oo u tartamay guddoomiyaha Pennsylvania, ayaa halgantay Salaasadii. Maxay uga dhigan tahay musharrixiintaas, natiijada Salaasada miyay la macno tahay kor u qaadida qarannimada Masiixiyiinta ma sii ahaan doonto istiraatiijiyad siyaasadeed oo Jamhuuriya” ayay ku hoggaamiyayaasha cunsuriyiinta ah ee Jamhuurigu ku doodayaan, iyagoo ku dhololaya inay mar kale gacantooda kusoo celiyaan xukunka.

Sannadkii la soo dhaafay, garsoorayaasha federaalka ee saddex gobol oo kala duwan ayaa ku doodaya in ay ogaadeen in khariidadaha degmada congress-ka ay u baddan tahay inay jabiyaan Sharciga Xuquuqda Codbixinta.

Khariidadahani ayay sheegeen mid u dhigmaysay kuwa sharci-darrada ah ee jinsiyadda u dooda, kuwaas oo sida ay ku doodayaan ku milmay xuquuqdii codbixinta ee codbixiyayaasha laga tirada badan yahay.

Xalka dhibaatadan ayaa lasoo jeediyay in lagu beddelo khadadka degmooyinka sharci-dejinta sharci-darrada ah oo lagu beddelo khadad cusub, iyo xaalad kasta in la soo saaro degmo dheeri ah oo aqlabiyadda laga tirada baddan yahay.

Hase yeeshee, waxa jiray doodo tilamaamaya in arrintan tahay mid abuurikarta saddex degmo oo Kongereska  oo dheeraad ah, kuwaas oo si weyn ugu xaglinaya Dimuqraadiyiinta. Laakiin maxkamada sare ee muxaafidka ayaa soo gashay si ay uga hortagto dacwadaa.

Dabayaaqadii bishii Febeury, shan ilaa afar aqlabiyadda Maxkamadda Sare ayaa sheegay in degmooyinka Kongareeska ee Jamhuuriga ee Alabama ay tahay in ay sii jiraan, laakiin xaqiiqda ah in guddi saddex garsoore ah oo laba ka mid ah ay yihiin magacaabistii madaxweynihii hore ee Donald Trump ay xukuntay in Degmooyinkaas congress-ka ay u baddan tahay inay jabiyeen Qaybta 2 ee Xeerka Xuquuqda Cod-bixinta ee 1965.

Marka la eego khariidadda Jamhuuriga uu sawiray, dadka Madow waxay ahaan lahaayeen aqlabiyadda mid ka mid ah toddobada degmo ee Aqalka ee gobolka, laakiin waa afar-meelood meel dadka da’da codbixinta ee gobolka.

Qorshe sidan oo kale ah ayaa hoos u dhigaya awoodda codbixinta ee dadka Madaw, waxaana xalka mushkiladaa sida ay sheegtay maxkamadda hoose ee federaalka, baahida loo qabo in la abuuro degmo kale oo aqlabiyadda laga tirada badan yahay ah.

Doorashadii Madaxtooyadda ee Biden ku yimi laba sanadood ka hor, waxa jiray doodo laba xisbi Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga u dhexeeyay, waxaana murranka ka dhashay doorashadu sii xoojiyay rabitaanka koox walba dhankeeda doonaysay in shuruucda codbixinta wax laga beddelo, iyadoo shuruucda gobolladu meelaha qaar kala duwan yihiin, marka laga hadlayo doorashooyinka dhexe.

Alabama, Georgia iyo Louisiana, ayaa ahaa meelaha muranka ugu baddan ka taagnaa shuruucda xeerka xuquuqda codbixinta, waxaana ka dhashay dhamaantood ilaa hadda doodo la xidhiidha Xeerka Xuquuqda Codbixinta, kuwaas oo qaarkood ku doodayaan in Haddii goboladaas lagu qasbi lahaa inay ka hubiyaan sharciga ka hor inta aan wax laga bedelin dawladda federaalka ee aan la ansixin khariidadaha degmada ee aqalka sharci dejinta in aannay mushiladani dhacdeen, balse doodo kale ayaa qaba in ay aad ugu badan tahay in khariidadahani aanay waligood dhaqan gelin.

 

Doodo kale, ayaa tilmaamaya in mddada gaaban ee soo socota Maraykanku uu waajahayo siyaasad ahaan dawlad aad u qaybsan, taas oo ay sheegeen inkasta oo ay dhammaan karto, laakiin ay u dhowdahay in ay burburiso ajandaha sharci ee Madaxweyne Joe Biden.

 

Jamhuuriga oo doonaya inuu hoggaamiyo Aqalka Kongareska, ayaa durba ku hanjabaya in ay Madaxweyne Biden gebi ahaanba xannibayaan ajandihiisa siyaasadeed labada sano ee soo socoda, waxay sidoo kale ku doodayaan Jamhuurigu in Madaxweyne Biden aannu waxba qaban, sidaa awgeed loo baahanyahay in xukunka laga tuuro, iyadoo weliba Maxkamad laso taagyo oo lagu eeddaynayo khiyaamooyin lagu maxkamad lagu taagi karo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

 

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com