Araweelo News Network.

 

Muddo bil laga joogo waxaa magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika ku soo dhammaaday heshiis siyaasadeed oo dhex maray dowladda Ethiopia iyo Jabhadda TPLF.

 

Heshiiskaa ayaa sabab u noqday in la joojiyo dagaalkii ka socday Gobolka Tigree-ga labadii sano ee u dambeeyeey.  Haddaba Heshiiskaasi yaa ku faa’iday , yaase ku khasaaray.

 

Marka uugu horraysa heshiiskaa waxaa ku Faa’iday dowladda Ethiopia, Iyo Xisbiga talada haya ee PP, kaas oo uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Dr.Abiy Ahmed.

Heshiiskan ayaa ka dhigaya dowladda Ethiopia mid aan Dagaal kula soo deg degi doonin Jabhadaha Hubaysan, maadaama ay ogyihiin dharbaaxadii ku dhacday TPLF labadii sano ee la soo dhaafay.

Sidoo kale heshiiskaa ayaa ka dhigaya Ethiopia mid si buuxda xukunka ugu fidinayso xuduudaha Ethiopia oo dhan, iyadoo jabhadaha hubaysan aannay wax kaalin ah ku yeelan doonin inay dalka Ethiopia kala geeyaan.

 

  1. Sidoo kale, waxaa ku faa’ii’day jabahdda Tigre-ga ee TPLF iyo Guud ahaan Qawmiyadda Tigray, waayo waxay u muuqdaan dad midaysan oo wax Iska caabbinkara, kuwaas oo aan qaadanayn waxyaabo aan u cuntamin qoowmiyad ahaan.

 

YAA KU KHASAARAY HESHIISKAA DHEX MARAY ETHIOPIA IYO TPLF.

 

Waxaa ku khasaaray madaxweeynaha dalka Eirtrea iyo shacabka Eritrea oo ay kaga dhinteen askar baddan dagaalkii ka socday dalka Ethiopia labadii sano ee lasoo dhaafay.  Sidoo kale dalka Masar oo ay cadaawad weyn ka dhaxayso Ethiopia ayaan jeclaysan doonin heshiiskii dowladda Ethiopia, iyo jabhadda TPLF.

 

Hase yeeshee, Qawmiyaddaha ku dulman dalka Ethiopia Sida Soomaalida, Oromada, iyo shucuubta kale ee ku  hoos dulman xukunka  Ethiopia, kuwaas oo ku farxi doonin heshiiska Dowladda Ethiopia iyo Jabhadda TPLF.  Haddaan si kale u dhigno qawmiyaddaha ku hoos dulman xukunka Abasiiniya kuma farxayaan heshiis kasta oo dhex mara Qawmiyaddaha Axmaarada iyo Tigree-ga.

Writing by Dr. Ahmed Hassan Salah and first published this article on Araweelo News Network. Salah is a writer and diplomat who comments on politics and international relations and advocates for Somaliland’s identity. He has published articles and videos on the way Somaliland can legally get its identity, which have been published on the Araweelo News Network.