Araweelo News Network.

 

Al-Shabaab ayaa mar walba ku celcelisa inay si xeel dheer u raacdo TaakTikada Dagaalka iyo mukhaabaraadka xarakada Daalibaan ee dalka Afghanistan. 

 

Xaqiiqdii Taaktikada Dagaalka, mukhaabaraadka iyo midka Diblomaasiyadeed ee Daalibaan waa mid  ay guul weyn gaadhay,  taasi oo sabab u noqatay in guud ahaan dalka Afghanistan ay ka xorrayso waddamadii reer Galbeedka ahaa ee dalkaa sida xoogga ah ku qabsaday sanandkii 2001.

Daalibaan waxay ku qaadatay 20 sano inay Iska xorreeyaan duulaanka reer Galbeedka. Sidoo kale duulaanka waddmada reer Galbeedka ee dalka Afghainstan waxaa kasii horreeyay duulaankii Ruushka, kaas oo kooxda Daalibaan ay Dagaal qadhaadh la gashay Ciidmadii Ruushka Ruushka dalkooda kusoo duulay oo ahaa quwadii Soofiyeet, waxayna ugu dambayn Daalibaan ku guulaystay inay dalka Afghanistan ku jebiso ciidamadii Soofiyeetka ee Ruushku hoggaaminay labaatan sannadood kaddib waxa khasab ku noqotay in ay iskaga baxaan Afgaanistaan.

Dalalka Galbeedka ee xulufadda Maraykanku hoggaaminayay ayaa si la mid ah sidii Soofiyeetka iskaga baxay Afgaanistaan labaatan sannadood kaddib, waxayna taasi ka dhigan tahay in kooxda Daalibaan ay dagaalo xorrayn ah oo ay ku waajaheen sidii dalkooda uga saari lahaayeen cadawga ku jireen 40 sano oo dagaal is xorrayn ah.

 

Markaad eegto sida kooxda Al-shaabaab u weeraryaan xarumaha dowladda Soomaaliya iyo xarumaha ciidamada ajaanibka ku sugan Guddaha Soomaaliya waxaa kuu soo baxaysa in kooxdani ay hayso waddaadii Daalibaan ay ku xoreeysay dalka Afghanistan.

 

Wixii ka dhacay Hotel Villa Roza ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waa farriin toos ah oo ina tusaysa awoodda mukhaabaraadka Al-Shabaab heerka uu gaadhsiisanyahay. Sirdoonka kooxdani waxay garanayaan qolalka ay hoteelka ka degenyihiin masuuliyiinta dowladda, sidoo kale waxaa meesha ka cad in dowladda Soomaaliya aannay lahayn mukhaabaraad u dhigma ka kooxda si ay uga hortagaan weerarada iyo halista ku soo waajahan.

 

 

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale shabbahda dowladdii Afghanistan ee uu Madaxweynaha ka ahaa Ashraf Ghani, kaas oo ahaa Madaxweyne ay reer galbeedku taageeraan. Laakiin ugu danbayntii dalka Yusbekistaan (Uzebkistan) ayuu baxsaday Madaxweyne Ashraf Ghani.  Waxaana fashilmay Qorshihii iyo duulaankii ay reer galbeedku dabada ka riixayeen 20 kii sano ee uu socday Dagaalka dalka Afghanistan ee u dhexeeyey reer Galbeedka iyo ururka  Daalibaan.

 

Soomaaliya waa Afghanistan-ta Afrika markaad eegto dowladda daciifka ah ee reer Galbeedka taageeraan,  taas oo shabbahda Dowladdii Afghanistan ee Madaxweeyne Ashraf Ghani, iyo Nidaamka Dagaalka iyo mukhaabaraadka kooxda Al-Shabaab, kaas oo u eeg  qaabkii dagaalkii kooxda Daalibaan, kuwaas oo ugu dambayn dalka Afghanistan ka dhalisay dowlad islaami ah.

Writing by Dr. Ahmed Hassan Salah and first published this article on Araweelo News Network. Salah is a writer and diplomat who comments on politics and international relations and advocates for Somaliland’s identity. He has published articles and videos on the way Somaliland can legally get its identity, which have been published on the Araweelo News Network.