#Araweelo News Network

Tehran (ANN)- Xukuumadda Dalka Iran ayaa ku xukuntay dil deldelaad ah Javad Rouhi oo lagu eeddeeyay inuu ahaa ninkii ka danbeeyay kacdoono rabshada watay oo dalka ka dhacay September dabayaaqadii 2022.

Xukunka dilka ahaa ee ugu dambeeyay ayaa Salaadadii Makamaddi ku riday Javad Rouhi, kaas oo ah sida lagu shaaciyay  Wakaalada wararka ee Mizan oo xidhiidh la leh Hay’addaha garsoorka Iran inuu ahaa “hogaamiyihii rabshadaha”.

Xukuumadda Islaamiga ah ee Iran, ayaa xidhidhay dad baddan oo la qabqabtay muddadii ay socdeen rabshaduhu, iyadoo xukuumadda Iran ku tilmaantay dibad baxayaasha kuwo u adeegayay waxa loogu yeedhay “Cadaw “, kusoo duulay Iran.

Garsoorka ayaa ku eeddeeyay in Javad Rouhi uu ka mid ahaa hoggaamiyayaasha muddaharaadyada, isagoo sidoo kale, sheegay inuu aflagaadeeyay xurmada diinta ee shareecada dalka lagaga dhaqmo, isla markaana uu dab qabadsiiyay qur’aanka kariimka ah. Sidoo kale, Javad  waxa eeddaha loo haysto ka mid ahaa inuu diidanaa shareecada, sidaa awgeed uu ku jiray “dagaal ka dhan ah Allah “.

Javad Rouhi iyo kuwa kale, ayaa ku eeddaysan khiyaamo qaran iyo inay yihiin addeeagayaal u shaqaynayay waxay ugu yeedhay xukuumadda Tehran “Sahyuuniyiinta” sidaa awgeed sharciga la marinayo.

Wakaaladda Mizan ayaa sidoo kale sheegay in Magaalada Nowshahr ee woqooyiga Iran shan qof lagu dilay muddaharaadyadii ka dhacay,   11 Disember 2022, kuwaas oo Javad Rouhi “uu hogaaminayay qalalaasaha”.

Wararka ayaa sheegaya in laba qof oo kale la xidhay intii ay socdeen mudaaharaadyada dawladda lagaga soo horjeeday ee magaalada Nowshahr ee woqooyiga Iran, kuwaas oo lagu xukumay dil.

Laba qof oo kale oo magacyadooda lagu kala sheegay, Kimia Javadi iyo Mehdi Mohammadifar, ayaa lala xukumaay Javad, kuwaas oo dhammaantood ah muwaadiniin u dhashay Iran, balse xukunka ayay ka qaadan karaan rafcaan sida ay sheegtay wakaaladda Mizan.

Muddaharaadyada ka dhacay Nowshahr ee woqooyiga Iran bishii Sebtembar ee sannadkii hore 2022, kaddib markii ay geeriyootay Jina Mahsa Amini oo 22 jir ahayd, iyadoo xilligaa ku jirtay  gacanta Booliska Iran, ayaa sii kiciyay xaaladda.

Dhinaca kale, Salaasadii, Afhayeenka xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay Ravina Shamdasani ayaa ku eedaysay xukuumadda Iran xukunka dilka ah iyo dacwadaha kale ee dambiyada.

Haweenaydan Ravina, ayaa sidoo cambaaraysay toogashada Afar qof, iyadoo sheegtay in maxkamadayntooda ay la mid tahay “nolol la’aan aan sabab lahayn”, maadaama sida ay xustay ay  guuldareysteen garsoorka Iran inay buuxiyaan dammaanadda ugu yar ee dacwad caddaalad ah iyo nidaamka loo marayo oo caddaalad ah.

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa xukun dil ah ku fulisay Afar qof oo mudaaharaadayay ilaa hadda iyadoo ay jiraan cambaarayn caalami ah.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv   @araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. Araweelo News Network. info@araweelonews.com