“Eng: Cali Xoor Xoor Wuxuu Ahaa Markabkii Soo Badbaadiyay Qaranka” Wasiir Mustafe Goddane

#Araweelo News Hargeysa(ANN)-“Reer Hawd Baanan Ahayn Oo Faanka Ma Aqaan,” sidaa waxa yidhi, Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyaynta ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mustafe Maxamed Goddane, isagoo hadal ka jeediyay munaasibad si weyn loo agaasimay oo uu xilka ku wareejinayay Wasiirka Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor Xoor) oo Madaxweynaha Somaliland xilkaa u magcaabay 4th January 2023.

Magcaabista Maareerihii hore ee muddada dheer Dekedda Berbera, Eng. Cali Xoor Xoor, ayaa muujisay shacbiyad ballaadhan oo Bulshada dhexdeeda uu ku leeyahay, taas oo munaasibadda xil wareejinta laga arkayay, waxayna qaar baddan oo ka mid ah masuuliyiin xilligan xilal ka haya xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo kuwo hore uga soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyay oo madasha ka hadlay qireen magcaabista wasiirka cusub ee Eng. Cali inay yeelatay saamayn dhinaca Bulshada ah oo muujisay misiaankiisa.

Massuulyin baddan oo ka hadlay munaasibadda xilka ay kula kala wareegeen labada wasiir,oo tag iyo haweenba lahaa ayaa si weyn ugu ammaanay hawlkarnimo iyo inuu yahay masuul ay Bulshadu u siman tahay, waxayna dhammaantood u rajeeyeen inuu xilka wasaaradda kasoo dhallaali doono.

Dhankiisa, ayuu Eng. Cali sheegay in addeega Bulshada iyo dadka jilicsan ee la doonayo inay wasaaraddu horumariso aannay ahayn kuwo isku cusub, sidaa aegeed oo qarankiisa ugu addeegi doono si daacad ah, isla markaana aannu ahayn qof ku cusub xilka qaranka.

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyaynta ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mustafe Maxamed Goddane, ayaa dhankiisa soo dhoweeyay magcaabista Madaxweyne Biixi u magaacay Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor Xoor), wuxuuna ku tilmaamay nin hawlkar ah, isagoo yidhi, “Eng: Cali Xoor Xoor Wuxuu Ahaa Markabkii Soo Badbaadiyay Qaranka, wuxuu shaqada bilaabay annigoo malcaamada dhigta.” Wasiir Mustafe Goddane, waxa ka waramay dedaalka wasaaradda iyo juhdi uu sheegay inuu geliyay muddadii uu xilka hayay, balse wuxuu xusay in aannu isaugu ahayn deegaan ahaan dadka Faanka ee Hawdka, taas bedelkeedana uu yahay reer xeebeed kaluumaysato, kuwaas oo dhaqan ahaan aaan aqoon faanka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv @araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. Araweelo News Network.

info@araweelonews.com