Wareegtooyinka Magcaabista Xilka Qaadista iyo Beddelka

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANNN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland oo hore usoo qabtay Wasiirka Gaadiidka iyo Wadooyinka, Cabdullaahi Abokor Cismaan.

 

Sidoo kale, wuxuu Madaxweyne Biixi u magcaabay Wasiir Maareeyihii hore ee Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), oo ah shaqsi aan ku cusbayn masraxa oo aad looga yaqaan dalka, isla markaana lagu tilmaamo sida lagu bartay mudadii dheerayd ee uu maamulayay Dekedda Berbera nin karti baddan oo aan bulshada kala soocin.

 

Madaxweyne Biixi, ayaa sidoo kale ka beddelay Mustafe Maxamuud Cali Bile (Godane) Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyskam sidaana waxa lagu sheegay digreetooyin kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda maant, oo ku taariishaysnaa, 04 /01/2023.

.

Madaxweyne Biixi, ayaa wareegtooyinkaa oo summadeedu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-973/042023, JSL/XM/WM/222-975/042023 iyo JSL/XM/WM/222-976/042023, ku sameeyay xil ka qaadista, magcaabista iyo beddelka.

 

 

Wareegtada Madaxweynuhu xilka kaga qaaday Cabdillaahi Abokor Cismaan, oo ahaa Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu Madaxweynuhu ku socodsiiyay, Cabdillaahi Abokor Cismaan

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland.isagoo yidhi, “Sunnaha Dawladnimo ayaa ah in uu xilku meerto yahay. Sidaa darteed laga bilaabo taariikhda maanta waxaan go’aamiyay in aan kaa qaado xilkii Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyaynta ee Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaa darteed, waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad Qaranka u soo shaqaysay.”

 

Dhinaca kale, Madaxweynaha, ayaa digreetada uu ku beddelay Wasiirka ku yidhi, “Markaan arkay Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kale arkayAqoontiisa, kartidiisa iyo waaya-aragnimadiisa;

Isla markaana ku qancay: Inuu hanankaro masuuliyadda ka dhalanaysa xilkan, markaan sameeyay latashi, waxaan Go’aamiy  in aan Mustafe Maxamuud Cali Bile (Godane) kasoo beddelo Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, una beddelo laga bilaabo taariikhda maanta in uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yidhi, digreetada Madaxweyne Biixi.

 

Sidoo kale, Madaxweyne Biixi, ayaa Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska u magcaabay Maareeyihii ugu mudada dheeraa Dekedada Berbera, Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor).

 

Madaxweyne Bixii, wuxuu ku sheegay Digreetada magcaabista in markuu arkay Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad, sidoo kale arkay

Aqoontiisa, Kartidiisa iyo waaya-aragnimadiisa, isla markaana ku qancay inuu hanankaro masuuliyadda ka dhalanaysa xilkan, sidoo kale, latashi ka sameeyay uu go’aamiyay in Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor) laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee Jamhuuriyadda Somaliland.” Ayaa lagu yidhi, digreetooyinkaa uu ku saxeexnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com