“Waa Inaynu Soo Saaro Ilma Aabihii Ka Fiican, Tayaynta iyo Dib u eegista Manhajka Waxbarashadda Dugsiyadda Hoose – Dhexe ee Somaliland

#Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Wasaaradda Waxbarashadda Iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa qabatay kulan qorshijhiisu yahay sidii dib u habayn loogu samayn lahaa Manhajka Dugsiyadda Waxbarashadda ee Hoose- Dhexe, kaas oo ka danbeeyay kulamo muddooyinkii u danbeeyay lagu qabanayay gobollada dalka oo Xafiiska Manaahijtu ku raadinayay xog la xidhiidha arrintaa.

ALt: Araweelo News Network


Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Image Araweelo News Network, 14 jan 2023.

Kulanka oo ka qabsoomay Magaaladda Hareysa, waxa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland, Cabdixakiim Bustaale, Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska Cabdirisaaq Jaamac Nuur (Cabdirisaaq Naakhuude), Agaasimaha Manaahijta Somaliland, Cumar Cali Cumar Gaas, Saraakiil ka socotay Hay’adda The Save Childaren iyo  Gddida Sare ee Odayaasha Waxbarashadda, waxa sidoo kale ka qaybgalay  90 Macalin iyo khabiiro loo qorsheeyay inay hawsha dib u tayaynta Manhajka bilaabaan.

 

 

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye (Toorno),  ayaa furitaankii si qoto dheer uga hadlay ujeeddada laga leeyahay hawshan, wuxuuna xusay in Manhajku aannu ahayn waxay leedahay wasaaaradda Waxbarashadu, balse uu yahay Manhajkii Somaliland, sidaa awgeed ay lagama maarmaan tahay in Dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo cid walba wixii qorshe ah ee ay la timaado iyo tallooyinka ay soo jeediyaan laga dhegaysanayo, maadaama sida uu sheegay Manhajku xataa saamaynayo shaqeeyaha iyo loo shaqeeyaha.

 

Wuxuu sheegay in tayaynta qodobada ugu muhiimsan ay yihiin kuwa ku qoran Dastuurka Somaliland iyo Xeerka waxbarashadda Qaranka, oo ay ku cad yihiin mabaadiida waxbarashadda, isagoo xusay in ay ku qeexan yihiin in lasoo saaro muwaadin dabeecad nabadgelyo leh, isla markaana ku dhaqma diinta, miyayse Manaahijteenu soo saari kartaa muwaadin dhaqan shaqo leh, isla markaana leh maskax wax currin, sidaa awgeed, wuxuu sheegay Wasiir Toorno in qof walba Buugga loo dhiibay inta aannu kala furin is weydiiyo su’aalahaa iyo kuwo kale.

 

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa soo qaatay tusaalayaal cad-cad oo sabab u ah in la casriyeeyo Manhajka Waxbaraashadda, gaar ahaan Waxbarashadda Dugsiyadda Hoose- Dhexe, sidaa darteed ay lagama maarmaan tahay in la fahmo ujjeeddada laga leeyahay arrintan.

ALt: Araweelo News Network

Agaasimaha Manaahijta Somaliland, Cumar Cali Cumar Gaas, Image Araweelo News Network, 14 jan 2023.

Agaasimaha Manaahijta Somaliland, Cumar Cali Cumar Gaas oo ka hadlay ujeeddada kulanka ayaa sheegay in la-tashiyo ay lasoo sameeyeen gobollada dalka oo dhan, taas oo sida uu sheegay jeeddadeedu ahayd in wixii tallooyin iyo tusaale ah ay la wadaagaan bulshada.

“Muddo ayay soo socotay arrintan annagoo doonayna sidii tayayn iyo Dib u eegis loogu samayn lahaa Manhajka Waxbarashadda Digsiyada Hoose – Dhexe ee Somaliland, waana arrin Wasaaradda Waxbarashadu doorkeeda leedahay, waxaana halkan isugu yimi 90 macalin oo ka mid ahaa kuwoo bilawgii Manhajka Somaliland wax ka bilaabay.” Ayuu yidhi.

Agaasime, Gaas, ayaa sheegay in ay arrintani tahay markii ugu horraysay ee Wasaaraddu macalimiin tiradaa ah iyo La-taliyayaal u qabato, taas oo sida uu sheegay ahmiyad weyn u yeelanay sidii wax ka beddel iyo tayayn loogu samayn lahaa Manhajka, isagoo xusay in dhammaan Macalimiinta  hawsha ka qayb qaadanay ay soo gudbiyeen aqoonsiyadooda dhinaca waxbarashadda iyo khibrada ay hawshan u leeyihiin, isla markaana ay ku qanceen Wasaarad ahaan iyo xafiis ahaan.

Sidoo kale, waxa munaasibadda ka hadlay Cumar Faarax oo ka mid ah Gddida Sare ee Odayaasha Waxbarashadda iyo Jibriil Cabduqaadir Aw Cali oo ka socday Hay’adda Save The Childaren qaybteeda Waxbarashadda, waxayna ka warameen muddadii ay hawshu soo socotay iyo ahmiyada ay leedahay ee dhanka Manhajka waxbarashadda Somaliland.

“Manhajka waxaynu ka beddelaynaa laaxinka ku jira, tusaale ahaan, habka Barista iyo Habka Barashada, agabka loo isticmaalo iyo qaabka Macalinku u adeegsan karo khibrad waxbaris oo kala duwan, Qoraalka Buggaagta iyo Buugga Tilmaamaha ee Macalinku adeegsanyo, markaa kaddib waxa la oggaanayaa natiijada aynu doonayno oo ah in Ilmaha soo baxaa noqdo mid Aabihii ka fiican, Save Cheldaren-na waxay taageeradeeda bixinaysaa oo kaga qayb qaadanay kharashka, laakiin Khuburada iyo macalimiinta samaynay ayaa leh lahaanshaha xuquuqda maskaxeed.” Ayuu yidhi. Candiqaadir Aw Cali oo ka socday Hay’adda Save the Childaren.

Dhankiisa,  Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland, Cabdixakiim Bustaale oo sheegay Manhajka hore loo diyaariyay, balse ay khasab tahay in dib loo eegayo shantii sanno mar, sidaa awgeed ay muhiim tahay dib u eegista Manhajka si loo helo waxbarasho tayaleh iyo in la kordhiyo garaadka Ardayda, wuxuuna ku dardaaray Macalimiinta in Manhajku noqdo mid wax weyn ka tara baahiyaha sababay in dib u habayn lagu sameeyo Manhajka Waxbarashadda Somaliland.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

info@araweelonews.com