Araweelo News Network.

Somaliland: Guddoomiyaha Iyo Murrshaxa Doorashadda Madaxtooyadda  Ee WADDANI Oo Ka Digay Xadhiga Suxufiyiinta

Labada Masuul ayaa Xabsiga ku booqday 15 Suxufi oo xidhan Maalintii shannaad

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Murrashaxa Doorashada Madaxtooyadda Somaliland u taagan ee Xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa kahalday xadhiga koox suxufiyiin ah oo maalintii shannaad xidhan.

Guddoomiyaha WADDANI iyo Murrashaxa oo ay weheliyaan saraakiil kale oo booqday xrunta CID ee Hargeysa oo ay ku xidhan yihiin suxufiyiinta 18 April 2022., Image Araweelo News Network.

Guddoomiyaha WADDANI iyo Murrashaxa oo ay weheliyaan saraakiil kale, ayaa Isniintii booqday xarunta CID ee ay ku xidhan yihiin 15 suxufi oo 15 April xukuumadda Somaliland xabsiga u taxaabtay.

Laba masuul, ayaa kaddib booqashada ay ugu tageen suxufiyiinta la hadlay warbaahinta, waxayna sheegeen in ay aad uga xun yihiin xadhigaa, wallow ay sheegeen in aannay qabin wax dhibaato ah, marka laga reebo in xorriyadooda laga qaaday, balse waxay ka digeen in xadhiga suxufiyiintu uu astaan u yahay tallaabo lagu cabudhinayo Bulshada.

Guddoomiye Xirsi, ayaa sheegay in aad uga xun yihiin xadhiga lagula kacay suxufiyiinta, isagoo sidoo kale balanqaaday in ay garab taagan yihiin sidii ay xorriyadooda u heli lahaayeen, isla markaana ay Looyaro difaaca u qabanayaan kooxda weriyayaasha ah ee xidhan.

Sidoo kale, Murrashaxa Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ku tilmaamay in ficilada xukuumadda ee cabudhinta iyo xadhiga aannay waxba ka duwanayn kuwii Taliskii Siyaad Barre kula kacay bulshada Somaliland ee ay ka dagaalameen, sidaa awgee wuxuu ugu baaqay xukuumadda in ay joojiso xadgudubka iyo cabudhinta, isla markaana xorriyadooda usoo celiso suxufiyiinta.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com