Araweelo News Network.

Trump Oo Qorshaynaya Shaacinta Murrshaxnimadiisa 2024 iyo Dacwaddaha La daba sido

Ka bilaw Midig Trump, Madaxweynihii hore, Joe Biden Madaxweynaha xilligan iyo Kamala Madaxweyne ku xigeenka, Image file, Araweelo News Network.

Washington(ANN)-Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump  oo laga guulaystay doorashadii 2020, uu doonayay inuu kursiga kusii haysto teeramkiisa labaad, ayaa xilligan la shaaciyay inuu yahay murrashax u taagan doorashada marka la gaadho 2024.

Madaxii hore ee istaraatiijiyadda Aqalka Cad Steve Bannon ayaa sheegay in Donald Trump uu hubaal mar kale u tartami doono madaxtinimada Maraykanka sanadka 2024.

Steve Bannon oo ka mid ah taageerayaasha sida weyn ula dhacsan Trump ee diiday natiijada doorashadii uu kaga guulaystay Joe Biden, ayaa yidhi, “Trump waa ordayaa, wuu guulaysan doonaa.”

Wuxuu sheegay in maalmaha soo socda Trump si cad u shaacin doono hankiisa uu ku doonayo inuu u tartamo doorashada madaxtooyadda 20224.

“Waxay ila tahay inaad ka arki karto khudbadihiisii isu soo baxyadiisa , hubaal waa uu ordayaa,” Mr Bannon ayaa sidaa ka sheegay Isniintii mar lagu waraysatay Barnaamij uu marti ku ahaa oo ka baxay Sky News, kaas oo ay daadihinaysay gabadha Sharri Markson ee ah suxufiyada u dhalatay Australia .

Trump, ayaa hore u diiday natiijada doorashadii lagaga guulaystay ee 2020, taas oo si weyn khal-khal uga abuurtay Maraykanka, isla markaana sababtay in taageerayaashiisu weeraraan Aqalka Capitol Hill, iyadoo canbaarayn baddan loo jeediyay, kaddib markii lagu eedeeyay inuu rabshadahaa isagu ka danbeeyay, isla markaana marar baddan laysku deyay in dacwado arrimahaa la xidhiidha lagu soo ooggo, balse waxay noqdaan kuwo aan guulaysan.

Laxidhiidha: Labada Aqal Ee Maraykanka Oo Xaqiijiyay Guusha Biden Iyo Guuldaradii Doorashada Kaddib Inqilaabkii Awoodda U Addeegsaday Trump Ee La Fashiliyay

Sidoo kale, Trump, ayaa diiday inuu sameeyo xil wareejin, isla markaana diiday inuu hanbalyeeyo guusha Madaxweyne Joe Biden ee xisbiga Dimuqraadiga.

  Dhawaaqa xiiligan ee Steve Bannon ku sheegay inuu Trump diyaarinayo qorshihii uu ku shaacin lahaa murrashaxnimadiisa marka la gaadho 20224, ayaa kusoo beegmay, iyadoo  Senetarka GOP Mike Lee uu wajahayo baadhis xooggan oo ku la xidhiidha doorkii uu ku lahaa qorshihii MAGA ee lagu xaday doorashada madaxtinimada ee 2020.

Laxidhiidha: Boris Johnson Oo Ka Hadlay Taageerayaasha Trump Ee La Wareegay Kongreska Maraykanka

Sidoo kale, xubin ka tirsan guddida, ayaa Jan. 6 ku eeddeeyay Trump inuu abaabulay afgambiga uu doonay inuu sameeyo, waxaana xilligan socda baadhitaano kale oo la doonayo in ay meesha ka saaraan inuu Trump mar kale isa soo sharaxo, iyadoo ku simaha Qareenka Guud ee Maraykanka Neal Katyal qayb ka yahay dacwadda baadhisteedu socoto ee ku aadan Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump, waxaase la saadaalinayaa in haddii Trump mar kale isu taago doorashada 2024 in aannu aqbalayn natiijada haddiiba laga guulaysto, taas oo muujinay ifafaale ah in ay sababi karto in Maraykanku yeesho laba Madaxweyne.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com