Guddoomiyaha Guddida Doorashada oo La Doortay

Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Xildhibaannada labada golle ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa la filaaya in ay maalinta berri ah magaalada Muqdisho ku yeeshaan kulan wadajir ah oo xaasaasi ah.

Alt: Araweelo News Network.
Guddida Doorashada Soomaaliya, Image Araweelo News Network, Muqdisho Somalia, 17 April 2022.

Kulankaa, ayaa ka danbeeyay, kaddib markii ay kulan wadajir ah yeesheen maanta Guddida qaban qaabashada doorashada guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Xubnaha Guddida ayaa kulan kooda kaga arrinsaday xeerka doorashooyinka guddoonka labada golle iyo madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, sida ay warbaahinta u sheegeen kulankaa kaddib.

Guddiyada labada aqal, ayaa sheegay in ay kulankooda ku faaqideen hawlaha doorashada iyo qabyooyinka muuqda, waxayna go,aamiyeen baahida loo qabo in xeerka doorashada lagu ansixiyo kalfadhi wadajir ah oo ay yeeshaan Xildhibaanada gollaha shacabka iyo kuwa Aqalka Sare maalinta beri oo Isniin ah.

Xeerka Doorashada Guddoonka labada golle iyo Madaxweynaha, waxa soo diyaariyay Xubnaha Guddida qabanqaabada Doorashada Guddoonka labada aqal iyo Madaxweynaha, waxayna markaa kaddib isla qaateen in la horgeeyo Baarlamaanka si loo ansixiyo.

Kulanka, ayaa sidoo kale, la filayaa in Xubnaha guddidu ay Xildhibaannada warbixin dhab ah ka siiyaan halka ay marayso qaban qaabada doorashada guddoonka gollaha Shacabka iyo Aqalka Sare, maadmaa la saadaalinayo in doorashada gollaha shacabka iyo Aqalka Sare maalmaha soo socda ay ka dhacdo magaalada Muqdisho, si markaa kaddib loo galo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo loolankeedu u muuqdo mid adag.

Dhinaca kale, Guddiyada doorashada guddoonka labada golle ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulamo ay yeesheen ku doortay Guddoomiye sii hoggaamiya muddada hadhay oo ah xilli xaasaasi ah, waxayna doorteen Guddoomiye cusub iyo xoghayaha guddidaa, kaddib markii ay yeesheen kulan.

Xildhibaanada Guddida ayaa iska dhex doortay  Guddoomiyaha Guddida qaban qaabada doorashada waxaana loo doortay Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo laga soo doorto Hirshabeelle, halka Xoghayaha Guddida Guddoonka loo doortay Xildhibaan Maxamed Abuukar Cabdi.

Alt: Araweelo News Network.
Guddoomiyaha Guddida Doorashada Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamedi iyo Xoghayaha Maaxmed Abuukar Cabdi, Image Araweelo News Network, 17 April 2022. Muqdisho Somalia.

Guddida waxaa horyaala howlo shaqo oo adag, kuwaas oo laga sugayo inay dardargeliyaan, isla markaana soo saaran jadwalka doorasho ee Guddoonka Gollaha Shacabka ee loo soo gaabiyo BFS. Sida ugu dhaqsaha baddan, balse waxa jira caqabado waaweyn oo murran ka taagan kuraasta qaarkood iyo doorashooyinka kuraasta Hirshabeele iyo Jubaland, iaydoo kuraasta gobolka Geddo ay yihiin kuwa murranka ugu weyni ka taagan yahay ee weli laalan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com