Madaxweyne Deni Muxuu Kala Soo Noqday Kenya iyo Imaaraadka Carabta?

Araweelo News Network.

Garoowe(ANN)-Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa loogu baaqay inuu baneeyo kursiga Madaxweynaha maamulka Garoowe, kaddib markii uu si cad u shaaciyay inuu yahay murrshax u taagan tartanka doorashada Soomaaliya ee Madaxweynaha.

Alt: Araweelo News Network.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku laabtay Garoowe, Image Araweelo News Network, 17 April 2022.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa hunguri ka galay inuu ku ruqaansado kursiga markii uu Madaxweyne Siciid Deni shaaciyay inuu yahay murrashax ku tartamaya doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo weli xaalkeedu u muuqdo geedo-sare waab.

Koox u baddan deegaanka uu kasoo jeedo Axmed Karaash, ayaa warbaahinta ka sheegay in Madaxweyne Deni looga fadhiyo inuu xilka Punt;and ee Madaxweyne banneeyo, maadaama uu yahay murrashax u taagan doorashada Soomaaliya, isla markaana ka mid yahay ragga doonaya in ay kursiga kula loolamaan Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qorshaynaya sidii uu gar iyo gardaraba usoo laaban lahaa kursiga.

Haseyeeshee dalabka kooxda kasoo jeeda deegaanka Axmed Karaash ee ay ku dalbanayeen in Siciid Cabdullaahi Deni is casilo ka hor inta aannu gelin tartanka Madaxweynaha Soomaaliya, waxa ganafka ku dhuftay wasiirkiisa Maaliyadda maamulka Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa warbaahinta u sheegay in haddii Madaxweyne Deni ku guuldarayso doorashada Soomaaliya kusoo laabanayo Garoowe si uu muddada ka hadhay xilligiisa u dhammaysto.

 “Deni isaga oo Madaxweynaha Puntland ayuu Madaxweynaha Soomaaliya u tartamayaa, hadduu soo waayona wuxuu ahaana madaxweynaha Puntland”sidaa waxa yidhi, Xasan Abgaal oo ka jawaabayay baaqyada lagu dalbanayo in Madaxweyne Deni dhinac isugu luga duwado.

Wasiirka maamulka Punt;and ee Maaliyadda, Xasan Abgaal, wuxuu dhawaaqyada kooxda siyaasiyiinta iyo Odayaasha ku tilmaamay kuwo aan waafaqsanayn dastuurka Puntland ee maamul goboleedka, isagoo yidhi, marka Madaxweyne Deni xilligiisu dhammaado ninkii kursiga hunguri kaga jiraa hasoo tartamo.”

Madaxweyne Deni oo muddooyinkan safar ugu maqnaa dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta, ayaa ku laabtay shalay magaaladda Garoowe, safarkiisa, ayaa lala xidhiidhiyay inuu ahaa mid uu taageero ugu raadinayo dalalka Kenya iyo UAE murrshaxnimadiisa Soomaaliya, wallow aannu sheegin waxyaabaha uu kala soo kulmay, balse waxa soo baxaya warar sheegaya in aan wax taageero ah loo muujin kulamdii uu la yeeshay Madaxda dalalkaa.

Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda u boqoolo dhinaca Magaaladda Muqdisho si uu kaanbaynkiisa uga bilaabo halkaa, isla markaana u helo taageero, wallow la saadaalinayo in aannu haysan taageero macne u samayn karta hankiisa, sidaa awgeed waxa xaalkiisa lagu macneeyay inuu noqday laba boglayn iyo Beerka jecli xaydha Jecli.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com