#Ambassador #KateFoster , Maxay La Xidhiidhaa booqashadeedu

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Madaxtooyadda ku qaabiley safiirka Dalka Ingiriiska Kate Foster oo safar shaqo ku timid maanta Somaliland.

Alt: Araweelo News Network.
MadaxtooyaddaMadaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo Madaxtooyadda ku qaabilay Ambassador Ms Kate Foster iyi wefdi ay hoggaaminay Image File,Araweelo News Network, 3 May 2021.

Kulanka Madaxweynaha iyo Ambassador Kate Foster, ayaa ahaa mid aannay saxaafadu goob joog ka ahayn arrimaha lagaga hadlay, balse madaxtooyadda Somaliland oo ka hadashay markii uu dhammaaday kulanku ayaa sheegtay in waxyaabaha lagaga hadlay ay ka mid ahaayeen sidii dawladda Britain Somaliland uga taageeri lahayd masiibadii gubashadii suuqa waaheen ee gubtay 1 April 2022.

Qoraal kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda, ayaa waxa kale oo lagu xusay in arrimaha kale ee kulanka lagaga had;ay ay ku jireen sidii ay xukuumadda Britain uga qaybqaadan lahayd taakulaynta abaaraha dalka ka jira.

Sidoo kale waxa laga wada-hadlay xoojinta xidhiidhka labada dal iyo guud ahaan adkaynta amniga gobolka oo ay Somaliland marwalba ka ciyaarto doorkeeda ugu habboon iyo dardar-gelinta hawlaha doorashooyinka Somaliland ku soo foolka leh, ayaa lagu yidhi, war qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilandna , ayaa uga mahadnaqay dawladda Uk, fariimihii tiraanyada gubashadii suuqa Waaheen ee Ra’iisal wasaaraha dalka Uk, Boris Johnson wasiirkiisa arrimaha dibedda, golayaasha, xildhibaanada iyo guud ahaan shacabka UK, sida ay ula qayb-sadeen shacbiga iyo xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee ay uga tacsiyadeeyeen dhibkaasi soo gaadhay suuqii ganacsiga ee ugu weynaa Somaliland, ayaa lagu yidhi, qoraalka oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu xusay in kulanka Madaxweynaha ay ku weheliyeen wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud.

Dhinaca weftiga ayay madaxtooyaddu sheegtay in ay Ambassador Kate Foster ku weheliyeen kulanka ay la yeelatay Madaxweynaha Somaliland, wakiilka Dalka Ingiriisku u fadhida Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Lizzie Walker iyo Morgan Riley Madaxa horumarinta xafiiska Uk ee Somaliland.

Ambassador Kate Foster, ayaa booqashadeeda Somaliland noqonay markii labaad, tan iyo markii ay xafiiska la wareegtay, iyadoo May 2021, ku timi Somaliland booqashadii u horraysay,waxayna xilligaa Madaxweyne Biixi kala hadashay arrimaha doorashada, balse booqashadeeda xilligan oo kusoo beegantay xilli ay xukuumaddu 13 April 2022, xabsiga dhigtay koox suxufiyiin ah, wallow 12 ka mid ah shalay loo celiyay xorriyadooda, isla markaana saddex kale weli ku jiraan xabsiga, balse qoraalka Madaxtooyadda laguma xusin in Ambassador Kate Foster arrimaha xadhiga suxufiyiinta kala hadashay Madaxweynaha iyo waxa ay iska yidhaahdeen arrimaha xuquuqda Aadamaha iyo xorriyadda saxaafadda.

Hase yeeshee, xoggo la xidhiidha booqashadeeda, ayaa tibaaxay in socdaalkeeda uu qayb ka ahaa sidii ay Madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisa ugala hadli lahayd arrimaha xuquuqda Aadamaha, xorriyadda saxaafadda, maadamaa xadhiga suxufiyiintu kusoo batay Somaliland muddooyinkii u danbeeyay iyo sidoo kale arrimaha xorriyatu-qawlka oo mucaaradku si weyn ugu dhaliilaan xukuumadda Madaxweyne Bixii.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com