Araweelo News Network.

London(ANN)-Marwo Faadumo Siciid oo ka mid ah haweenka haldoorka Somaliland, isla markaana xilligan ah La taliyaha xidhiidhka caalamiga ah ee gollaha guurtida Somaliland,  ayaa hadal qiira baddan ka jeedisay kulan ka dhacay xarunta Baarlamaanka Britain.

Alt: Araweelo News Network
Marwo Faadumo Siciid oo warbixin la xidhiidha gubashada suuqa Waaheen ka jeedinay xarunta Baarlamaanka Britain, 18 April 2022, Image Araweelo News Network.

Kulanka oo ujeeddadiisu ahayd sidii dhaqaale loogu heli lahaa kasoo kabashada dhibaatadii ka dhacday Suuqa ganacsiga ugu weynaa Somaliland ee Waheen oo gubtay 1 April 2022, isla markaana shufbeelay, waxay Marwo Faadumo Siciid ka jeedisay warbixin la xidhiidha baaxada dhibaatada dhaqaale ee kasoo gaadhay Somaliland gubashada suuqaa iyo sida dadkii ku waayay dhaqaalahoodu u heli lahaayeen taageero.

Marwo Faadumo Siciid, waxay ka warantay ahmiyada dhaqaale iyo ganacsi ee uu Somaliland u lahaa suuqa waaheen, iyadoo xusatay in shacbiga Somaliland gubashada suuqa Waaheen xusuusisay duqayntii diyaaraddaha iyo burubrkii talsikii Millateri ee Maxamed Siyaad Barre u gesteen 1988 oo ay ku waayeen shacbiga naf iyo maalba, balse ay dalkooda dib u dhisteen oo ay nolloshooda kasoo bilaabeen meel madhan oo burburtay.

Sidoo kale, waxay Marwo Faadumo Siciid ka hadashay qaabka loo xakayn kari waayay dabka iyo baaxadii uu lahaa oo sababtay inuu dabku noqdo mid ka awood baddan wixii ay dabdamiska Somaliland hasyteen, maadamaa aannay haysan qalab iyo gaadiid ku filan oo ay ku xakamyn karaan dabka sidaa oo kale ah iyo wixii ay bulshadu awoodaysay.

Marwo Faadumo Siciid, waxay tusaale usoo qaadatay haweenkii doonayay in ay shirikaamo Biyo ah ku baqtiiyaan iyo baaxada uu lahaa oo sababtay khasaaraha weyn, iyadoo xusatay in boqolaal haween ah ay ka mid ahaayeen dadkii suuqa ganacsiyada yar yar ku haystay, marka laga yimaado ganacsiyadii waaweynaa, kuwaas oo aan maanta haysan dhaqaale iyo waxay nolloshooda ku deberaan.

 “Ma cabdiri karo, wixii dhacay, waxay ahayd masiibo weyn, waad dareemi kartaa suuqa weyn ee Lodnon haddii uu shufbeelo side ayay xaaladdu noqonaysaa, runtii waa arrin murrugo ah, sababtoo ah Suuqa Waaheen wuxuu ahaa suuqa ugu weyn Somaliland oo halbawle u ahaa dhaqaalaha dalka.” Ayay tidhi, Marwo Faadumo Siciid.

Waxa ay ku celcelisay in dhibaatada ka dhacday waaheen ay u baahantahay gurmad weyn si loo badbaadiyo nollosha kulamaan qoys oo ku waayay hantidooda, kuwaas oo aan maanta waxba haysan.

Marwo Faadumo, waxa kale oo ay ku dheerataay taariikhda xidhiidhka soo jireenka ah ee Somaliland iyo Britain, iyadoo tusaale usoo qaadatay sida ay dadka Somaliland isu garab taageen Britain dagaalkii weynaa ee aduunka oo sida ay sheegtay Abaheed Siciid uu ka mid ahaa dadkii naftooda u huray sidii loo difaaci lahaa Britain ee ka barbar dagaalamayay dagaalkii koowaad ee aduunka. Sidaa awgeed waxay tilmaantay in maanta Somaliland masiibada uu sababay dabka suuqa waaheen ay tahay mid xannuun baddan oo shacbiga Somaliland ka sugayaan dawladda Britain sidii ay door weyn uga qaadan lahayd.

Kaulanka xarunta Baarlamaanka Uk ka qabsoomay Salaasadii, waxa ka qaybgalay, xildhaano ka tirsan Baarlamaanka Uk, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen xildhibaan Sir Gavin Williams, xildhibaan Stephen Doughty, Xildhibaan Kerry iyo Safiirka Somaliland u jooga Uk, Ambassador Abdi Abdullahi, sidoo kale, waxa kulankaa ka qaybgalay qaar ka mid ah Bulshada Somaliland eek u dhaqan Uk iyo shaqsiyaad kale oo muhiim ah, waxaana lagu faaqiday dhibaatada ka dhalatay suuqaa Waaheen iyo sidoo looga soo kabban lahaa.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com