Wuxuu Sharaxay Soo labaashadiisa Siyaasadda Sababta Ku ajburtay iyo Ururka Cusub

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Siyaasiga Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa  s rasmi ah u shaaciyay inuu xilligan isu diyaariyay inuu kusoo laabto saaxadda siyaasada, isla markaana ku dhawaaqay inuu furayo Urur siyaasadeed cusub oo magaciisu yahay “Barwaaqo”.

Dr. Gaboose, wuxuu sidaa ka sheegay mar uu Sabtidii maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargeysa, wuxuuna sharaxaad ka bixiyay sababta uu saaxadda siyaasadda ugu soo laabtay iyo qorshaha Urur siyaasadeedka uu xilligan u walqalayo.

“inkasta oo aan hore ugu dhawaaqay in  aann ka fadhiistay siyaasadda, haddana markaan arkay waayaaha dalka in wacyiga dadkaygu soo korayo ee aan tixgeliyay dareenka dadkaygu ii hayo, waxaa khasab igu noqotay in aan kusoo laabto masraxa siyaasada.” Ayuu yidhi, Dr. Gaboose.

Urur Siyaasadeedka cusub ayuu sheegay in yahay mid dhammaan bulshadu iska dhex arki doonto, balse aannu noqonayn mid cid gaar ah u xidhan, isagoo dhinaca xusay in maalmaha soo socda isaga iyo aqoonyahano kale ay go’aansadeen in dhammaan gobolllada xaflado loogu qabanayo Ururka Barwaaqo ee ay yagleeleen.

Dr. Gaboose, waxa uu sheegay in maadaama uu ahaa siyaasi marar hore oo Ururada la furay tartamay uu wax baddan ku liqay rajada uu ka qabo in qof doonaya inuu dalka mar uun hoggaamiyo oo tacab baddan kaga jira dhismaha qaranka uu yahay.

Dhinaca kale, wuxuu carabka ku dhuftay in xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta aannay jirin cid wax ka beddeli kartaa, maadmaa ayuu yidhi, aannay jirin Afti qaran oo loo qaaday isbedelka lagu samyanayo xuqquqaha uu muwaadiniinta siiyay dastuurku, “ma jiro gollayaal iyo cid kale oo xuquqda muwaadinku siiyay dastuurka wax ka beddeli kartaa, haddii wax laga beddelayo waa in Afti loo qaadaa”ayuu yidhi.

Sidoo kaale, wuxuu usoo jeediyay xildhibaanada wakiillada in ay ixtiraamaan xeerarka dalka oo aannay noqon kuwo xisbi iyo cid gaar ah u shaqeeya, sidaa awgeed wuxuu uga digay in ay iloobaan in ay qaranka u dhaarteen ee aannay u dhaaran xisbi. sidaa awgeed waa inay tixgeliyaan xeerka furista ururada siyaasadda ee xeerku farayo, waana in ay kasoo hormartaa doorashada Madaxtooyadda, ayuu raaciyay

Dr. Gaboose, wuxuu tilmaamay inkasta oo ay jiraan goldaloolooyin in halka ay Somaliland marayso maanta, isagoo sheegay in qaranka Somaliland maalinba maalinta ka danbaysa wax u kordhayaan, sidaa awgeed marka loo eego Somaliland mandqada ay ku taal meel wanaagsan marayso.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com