War Saxaafadeed: La sii daayay, 12 August 2020 

 

Faldambiyeed U Ciqaabidda Caruurta Loo Aqoonsan Yahay In Ay Aad U Da’ Yar Yihiin, Kuwaas Oo Aan Kala Fahmayn Sax Iyo Khalad

“Wiilkeygu wuxuu jiray 14 sano [markii la xidhay]. Waxaan dareemayay argagax badan. Waan go’doomay. Maan aqoon halka aan tagayo iyo cidda aan la hadlayo. Taasi waxay ii ahayd xilli niyad jab leh. Xitaa habeenkii waan seexan kari waayey maxaa yeelay wiilkeyga ayaan ka warwarayay.”

– Ikraan, hooyada Maxamed oo la xidhay laguna soo oogay dambi, ka hor intaanu 15 sano jir gaadhin

Somaliland gudaheeda, carruurtu waa inay  gaadhaan 15 sano jir ka hor inta hanaanka cadaaladda dembiyadu awood u yeelan in ay ciqaabaan. Hadday 14 sano jiraan ama ka yar yihiin, da’doodu ma weyna mana ay gaadhin, sharciga hortiisa, da’dii lagu xidhi lahaa, la soo eedayn lahaa, laguna maxkamadeyn lahaa ee lagu xabsiyeyn lahaa. Marka la eego shuruudaha sharciga, xadidista da’dan waxaa loo yaqaanaa awooda fal dambiyeed waxaana loogu talagalay in lagu ilaaliyo carruurta illaa ay ka qaan gaadhayaan.

Marka aan la hayn caddeyn da’da ah oo lagu kalsoonaan karo, sida shahaadooyinka dhalashada kuwaas oo aan caam ka ahayn Somaliland, carruurta da’doodu tahay 14 iyo ka yar ayaa si caadi ah loo xidhaa, lagu eedeeyaa dembiyo, dacwad lagu soo oogaa oo la xabsiyeeyaa.

Warbixintan la daabacay maanta, Fashil Wadareed:  Faldambiyeed U Ciqaabidda Caruurta Loo Aqoonsan Yahay In Ay Aad U Da’ Yar Yihiin Kuwaas Oo Aan Kala Fahmayn Sax Iyo Khalad, sheekada Maxamed waxaa loo sheegay si faahfaahsan si ay u soo bandhigto waxa ku dhaca carruurta, iyo qoysaskooda, marka uu soo qabto hanaanka cadaaladda dambiyadu iyaga oo aad u da’ yar. Warbixintu waxay ka hadlaysaa kiisas carruur kale oo aan tiro lahayn kuwaas oo, sida Maxamed oo kale wax badan ka soo arkay saldhigyada booliiska, maxkamadaha iyo xabsiyada kahor inta aanay xitaa gaadhin 15 sano jir.

Iyada oo la adeegsanayo waaya-aragnimadooda, Machadka Horizon waxa uu hadafkiisu yahay in uu dadweynaha u sharraxo si balaadhan in sharciga ka jira Somaliland, sida iyo sababta ilaalinta sharciga aanay  mar walba si ficil ahaan ah u dabaqin booliiska, xeer-ilaaliyeyaasha iyo garsoorayaashu. Waxa intaas dheer, Horizon waxa ay raadineysaa in ay umadda tusto in qofkasta oo wayni uu leeyahay mas’uuliyad ah inuu hubiyo in sharciga la ixtiraamo sidaa daraadeed caruurta, ay bulshadu u tix-geliso in ay aad u da ‘yar yihiin aan laguna qaadi karin  ciqaabaha dambiyada, loo ilaalin lahaa.

Warbixintani waa tii koowaad ee taxane afar qaybood ah oo loo hibeeyay caruurta lagu soo eedeeyay dambiyada ee Somaliland. Taxanahani waxa uu isku dayayaa in uu gaadhsiiyo qof kasta xog ku saabsan caddaalad darrada ay la kulmaan caruurta la xidhay, la hayay, iyo kuwa dacwad lagu soo oogay. Isagoo ugu yeedhaya dhammaan dadka waaweyn “in ay qayb ka noqdaan xalka”, taxanahan ayaa sidoo kale soo bandhigaya talooyin macquul ah oo ku saabsan sida aynu dhamaanteen uga wada qayb qaadan karno dhiirrigelinta u hoggaansanaanta shuruucda jira iyo sidii loo abuuri lahaa hannaan si caddaalad ah u dhaqma ficil ahaan.

Fashil Wadareed waxa uu soo gudbin doonaa shan mawduuc oo lagu soo bandhigo taxanahan: (1) Sababta ay eedaynta carruurta 14 jirka ah iyo ka yar ay sharci darro u tahay; (2) Sida ay ku haynta carruurta ee saldhigyada booliiska ka hor iyo inta dacwaddu socoto ay u ciqaabto ka hor inta aan xitaa la xukuminba; (3) Sida ay carruurtu ugu muteystaan xukunno culus dambiyo fudud; (4) Sida hannaanka cadaaladda dembiyadu uu ugu shaqeynayo bedelka mas’uuliyadaha qoyska, wax ka qabashada bulshada iyo wadajirkeeda, adeegyada waxbarashada iyo adeegyada bulshada iyo (5) dadka/hay’adaha ka shaqeeya nidaamka caddaalad ciqaabeedku waxa ay samayn karaan hadda iyaga oo ka duulaya inta yar ee khayraadka ay haystaan ah si ay u xaqiijiyaan in ilma kasta loola dhaqmo in uu yahay ilma yar. Sharcigu wuxuu ballanqaadayaa inuu difaaco oo uu ixtiraamo dhammaanteen, oo ay qayb ka yihiin carruurta dembiyada gashay. Waa waajib inna wada saaran in aan hubinno in sharcigu u adeego qof walba.

Si aad u akhrisato oo aad wax uga barato sidii aad u awoodi lahayd in aad qayb ka noqoto xalka una caawiso, booqo halkan 

Hay’adda Horizon waa Urur Maxalli ah oo ka hawlgala Somaliland kana shaqeeya sidii loo horumarin lahaa sarreynta sharciga iyo xuquuqal insaanka. Warbixinaha iyo daraasadaha aanu soo saarnaa waxa ay daah-furaan arrimaha taaggan ee lagu ogaaday shaqada aanu qabano. Waxa ay bixiyaan xog iyo gorfeyn loogu tallo galay in ay cariso doodda ka dhaxaysa daneeyeyaasha, dadweynaha iyo deeq-bixiyaasha iyo in ay kor u qaado siyaasadaha xukuumadda iyada oo lagu salaynayo qadarinta xuquuqal insaanka, sarraynta sharciga iyo dhiirigelinta isku filaanshaha.

Si aad wax badan uga ogaatid hawsha aanu qabano, fadlan booqo degalka internet-ka aanu ku leenahay ee www.thehorizoninstitute.org nagala socda Twitter @Horizon_SL iyo Facebook @HorizonInstituteSomaliland.

Wixii macluumaad dheeraad ah ee aad u baahan tahay, waxa aad nagala soo xidhiidhi kataa email-ka info@thehorizoninstitute.org iyo telefoonada +252 523603/ +252 711208.