Share this:

" />
Published On: Wed, Jan 30th, 2019

Maayar Soltelco: Halyeyga horumarinta Hargeysa iyo Dawladdaha Hoose ee dalka

Smiley face

Duqa Caasimada Hargeysa: Masuul koobsaday Hogaamin Tolmoon, Howl-karnimo, Hufnaan Maamul iyo Hayinnimo…”Qallinkii: SCC. Kalshaale

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin, Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan SOLTELCO, Maayar ku xigeebka Cabdicasiis iyo Sarkaal Ciidanka Dabdamiska Ah.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin, Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan SOLTELCO, Maayar ku xigeebka Cabdicasiis iyo Sarkaal Ciidanka Dabdamiska Ah.

Hargeysa(GNA)-Taariikhda ayaa xusi doonta, oo xusuusnaan doonta, waxaana hubaal ah in maalin maalmaha ka mida si hal haleel ah loogu hal-qabsan doono mashaariicda ma guurtada ah ee ka hir-galay Caasimada Hargeysa shantii sannadood ee u dambeeyey, taasoo ay barbar socotay koboca Magaalada ee dhinacyada dhismaha iyo Ganacsiga oo si xawli ah ku socda, iyadoo aanay Bulshada Maalgashadeyaasha ahi daboolin doorka kaga aaddan horumarinta bilicda iyo kaabeyaasha udub-dhexaadka u ah muuqaalka wanaagsan ee Magaaleed oo haddii ay Hantileyaasha Shacbigu kaalintooda ka qaadan lahaayeen aynu hubno inay Magaaladu Habeen iyo Maalin isku si’ u muuqan lahayd, halka ay iminka shaqadii bilicda iyo dhismaha kaabeyaasha oo dhami dusha ka saaranyihiin Dawladda hoose  oo aan haddana mar qudha ku hafan baaxada howlaha ay hayso ee ay Bulshadu dhankeeda hagratay. sababtuna  waxay tahay masuulka hogaaminaya oo ah hayin aan hubsiimo la’aan guurin, humaag ka gelin maalinba halkii wax ka qabasho iyo howl u baahan, hamigiisuna aanu ahayn hanti ka dhaqo beriba waad ka huleeli xilka’e.

Magaaladu waa Hargeysa, waxa ku nool umad lagu qiyaaso 30% Dadka Somaliland, sababtoo ah waa Caasimada dalka, taasoo ay dhamaan Xafiisyadii Dawladda sare iyo Dawladda dhexe ku yaallaan. Mar kalena waa magaaladii Ganacsiga Maceeshada iyo Xoolaha. Mar saddexaadna waxay meteshaa Magaalada Raaxada iyo Dalxiiska oo ma jirto magaalo kale oo Somaliland ah oo buuxisay mid kamida qaybahaas qaab-magaaleed oo culayska miisaankaa leh ka dulqaaday, waxaana amaan iyo bogaadin mudan Golaha Deegaanka iyo Maamulkooda  dhexda u xidhay maamulka iyo maareynta Magaaladan koobsatay arrimaha kor ku xusan oo dhan.

Mashaariicda ugu waaweyn ee Caasimada Hargeysa ka hirgalay shantii sanandood ee u dambeeyey

Ka hor intii aan la doorran Golaha Deegaanka ee iminka fadhiya, inkasta oo  golihii hore iyo Maayirkii hogaaminayey la odhan karo dedaal kuma yarayn, Magaaladuna ka saxmad iyo mashquul yarayd siday iminka tahay, haddana waxa ka jiray dhibaatooyin isbarkanaa oo midiba mid ka darnayd oo iyagoo heehaabaya uu shaqada la wareegay Golihii la soo doortay dabayaqaadii 2012-dii. waxaana kamid ahaa dhibaatooyinka lama ilaawaanka ah ee iminka sii suulaya Muranka dhulka iyo dacwadaha Hantida ma guurtada ah oo joogto ahaa, wado la’aan inta badan Xaafadaha ka jirtay iyo burburka jidadka mara Wadnaha Magaalada oo ay ceebtoodu saameyn jirtay xisbiga iyo Xukuumadda talada haysa.

Iyadoo sidaas xaalku ahaa, wakhtigan oo lix sannadood laga joogo markii Golaha Deegaanka la doortay isbedelka ka hana qaaday Magaalada, waxa hubaal ah inaan qormo iyo qalin toona lagu soo koobi Karin, kaasoo aan mugdi kaga jirin qof kasta oo kamida Bulshada ku dhaqan Magaalada, waxaanan ka xusi karnaa haqab-beelka Wadooyinka Laamiyada ah ee Xaafad walba laga hir-geliyey, hagaajinta jidadka Halbowlaha u ah Magaalada, gaar ahaana Wadada Bariga iyo Galbeedka uga baxda ee loo dhisay qaabka casriga ah, taasoo kamida waxyaabaha looga tusaale qaato halbeegyada horumarka Somaliland gaadhay, si weyna ay ula dhacaan Dadka ajaanibka ahi marka ay Waddanka yimaadaan.

Waxa kale oo kamida, Hindiseyaasha, hir-gelinmimada iyo hana-qaadka gaadhay ee Dawladda hoose ee Hargeysa, aasaaska Hay’adda Dab-damiska ee dalka oo dhan ka howl-gashay oo kamida hal-abuurnimadii maamulka Caasimada ee muddada kor ku xusan shaqada la wareegay, iyadoo dhismaha Ciidanka Dab-damiska lagu tilmaami karo howlaha ugu muhiimsan ee ay qabatay Dawladda hoose wakhtigaas, lana ogyahay waxtarka ay yeellatay.

Waxyaabaha kale ee mudadaas Dawladda hoose soo kordhisay waxa kamida Gaadiidka dhismaha Waddooyinka iyo nidaaminta Faya-dhowrka iyo Nadaafada Magaalada oo iyaduna ah arrin wax badan kaga duwan hanaankii hore ee ay u maarayn jireen maamulkii hore.

Waxa kale oo ay Dawladda hoose ka qayb-qaadatay horumarinta Degmooyinka hoos yimaada Gobolka Maroodi-jeex oo ay Gaadiid iyo qalab ku kabtay, waxaana kamida Degmooyinkaas kuwii cusbaa ee ku soo biiray Gobolka oo ay Maamulka Caasimadu taageero balaadhan u fidiyeen.

Howl-kar iyo Hayinnimo

Dhamaan Mashaariicdan iyo horumarkan baaxada leh ee lixdii sannadood ee la soo dhaafay ay Dawladda hoose ee caasimadu qabatay, waxa  hagiddooda iyo  hogaamintooda ku suntan Maayirka Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo ah Maayirkii ugu da’da yaraa ee soo mara Magaaladan intii ay Somaliland jirtay, kaasoo ha ugu da’ yaraado Maayiradii Magaalada soo maraye noqday masuulkii ugu wax qabadka badnaa, marka la eego mugga iyo midhaha mashaariicda uu fulay muddada uu xilka hayey, taasoo ay u dheertahay inuu hogaaminayey  Gole deegaan oo u badan dhalinyaro aan waayo-aranimo buuran iyo aqoon qoto dheer u lahayn nidaamka Dawladda, qaarkoodna ay qurbo-joog yihiin oo aanay wax badan ka fahamsanayn habka fulinta shaqada.

Hogaaminta Golaha Deegaanka ee ka kooban Qurbo-joogga iyo Dhalinyarada oo ayey dhif iyo naadir ahayd Khilaafkooda iyo is-qabqabsi ragaadiyey shaqadooda, iyadoo inta la ogyahayna uu hal mar muran aan sii daba dheeraani ka dhex aloosmay, kaasoo ay muddo kooban  xal kaga gaadheen, taasoo ah arrin kale oo u dheer howl-karnimada uu alle ku manaystay, muujinaysana hayinnimada iyo maamul-hufnaantiisa miisaanka leh.

Dhiiri-gelinta Dhalinyarada iyo Ganacsiga

Duqa Caasimada Hargeysa muddadii uu xilka hayey, wuxuu baal-dahab ah kaga jiraa masuuliyiinta Dawladda ee mar walba dhiiri-gelinta la garab taagan horumarinta da’yarta ku foogan Ciyaaraha, waxaanay Dawladda hoose dayac-tir iyo horumarinba ku samaysay Garoomada kala duwan ee ku yaala Magaalada, iyadoo garoomada sida weyn loo hagaajiyey uu kamid yahay Garoonka Hargeysa Stadium oo ay door weyn ka qaadatay Dawladda hoose.

Dhinaca Ganacsiga, waxa muddadaas Magaalada laga hir-geliyey Sarriibado tiro badan isugu jira kuwo gaar loo leeyahay iyo qaar Dawladda hoose dhistay, waxaana laga dhisay Xaafadaha Degmooyinka badankooda.

Hogaaminta Ururka Dawladdaha hoose

Ugu dambeyn, Dawladda hoose ee Hargeysa oo uu hormuud u yahay Maayir Cabdiraxmaan waxay xudun u tahay Isku-xidhka Dawladdaha hoose ee Dalka, iyadoo uu Maayirku Guddoomiye ka noqday Ururka Dawladaha hoose sannadkii 2014-kii, xilkaasoo uu ilaa iminka hayo.

Waxa xaqiiqo ah, in muddada uu Maayirka Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ahaa Guddoomiyaha Ururka Dawladdaha hoose  ay horumar balaadhan ku talaabsadeen Dawladdaha hoose ee ka jira Magaalooyinka waaweyn ee Waddanku, horumarkaasoo  Ururku suurta-gelintooda udub-dhexaad u ahaa.

Sidaas-darteed waxaan ku tilmaami karnaa Maayir Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) Masuul koobsaday Hogaamin Tolmoon, Howl-karnimo, Hufnaan Maamul iyo Hayinnimo.

W/Q: Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)

Gobanimonews

Hargeysa  Office

Email: editor@gobanimonews.com

Saleban Abdi Ali / Chief Editor
+252 63 634229772 | +252 63 4475736

editor@gobanimonews.com

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp