#Araweelo_News_Network.

Dagaalkii Laascaanood iyo Cidhib Xumadiisa
Dagaalkii Laascaanood si xikmadle looma maamulin. Wax kasta oo aan si xikmadi ku jirto loo maamulin ceeb iyo fashil baa looga dhaadhacaa. Weliba marka arrinku dagaal sokeeye yahay, dad ku dhimanayaan, hanityi ku burburayso, karaahiyada iyo is-caybka cidda dagaalamaysaa sii kordhayso, waxa Khasab ah in ku tallaabsiga dagaalka aad iyo aad looga fekero. In la suureeyo halka dagaalkaasi ku danbayn doono. Haddii adigu aadan ahayn kan dagaalka bilaabay inaad iska ilaalisid in dagaalkaasi kuu horseedo inaad dhiiqo cagaha la gashid.

Taxadir la’aantii Somaliland ee dagaalka Laascaanood dhab ahaantii dhiiqo ayuu lugaha u geliyey. Sagaal bilood oo ay duleedka Laascaanood ku sugnaayeen lagama fekerin waxa ciidanku ugu dhimanayo waxna ay ugu dilayaan, lagama fekerin waxa laga dul qabanayo magaalo dadkii ka qaxay, cidda ku suganina tahay ciidan mintid ah oo diyaar u ah inay u dhintaan sidii ay deegaankooda uga eryi lahaayeen ciidaan ay u arkayaan inuu dool yahay.

NINBA WAA MARE MUS MA KULA KORAY
Ciidanka Huwantu sagaal bilood baa jab iyo halaag ku socday, cadho badan iyo nacayb badan bay arrintaasi dhashay. Maanta si kasta wax ha u dhaceene xaalka huwanta, garaadada iyo shicib weynaha reer Sool wuxu taagan yahay: Ninba waa Mare Mus ma kula koray. Wax kastaa ha u sabab ahaadeen, dhab ahaantii maalin gudaheed baa ciidankii Somaliland jab iyo halaag xoog lihi cuskaday.

Jabkaasi laba xaaladood buu abuuray: 1) wuxu daawo u noqday hankii reer Laascaanood oo aad u qoonmay baa soo noolaaday, iyagoo dareensan inay cadawgoodii hadhuudhlaha ku dareen, dhulkoodiina xoreeyeen. Hankaa soo noolaaday wuxu in Garaadadu ugu yeedhaya xukuumadda Somaliland iyo beelaha taabacsan in colaadda halkaas lagu afjaro.

Maamulka Khaatumo iyo Garaadadu si ficil ah bay u muujiyeen in colaaddu halkaas isku taagto, taas oo ay ka marag kacayso qaabkay ula dhaqamyaan maxaabiistay qabteen, isla markaana ka digaya khataraha ka dhalan kara weeraro rogaal celis ah oo Somaliland ku ekayso Laascaanood iyo cawaaqib xumada ka dhaln karta. ILaa hadda Garaadada iyo maamulka cusub ee Khaatumo baaqyo miyir qab ah baa ka soo yeedhaya. Waxa muhiim ah inay xukuumadda iyo beelaha taabacsanina ay ajiibaan
Dareenka Hargeysa Yaal

Dhinaca Hargeysa iyo magalloyinka kaleba, ilaa hadda waa la micnayn kari la’yahay, sida fashilka baaxaddaa lihi ugu dhacay ciidankii qaranka ee loo hanweynaa ee sida xoogga u hubaysnaa ee Goojacadde iyo Maraaga ku sugnaa. Hadalo badan baa laysla dhex-marayaa laakiin taliska ciidanku ilaa iminka waxa fasiraad ah kama soo bixin. Dhab ahaantii shooggii jabkaas ka dhashay dad badan baa jirjircadka u jiifa.

Fashilka aan la garawsan khatar baa ka dhalan karta, in si caadifadaysan oo bilaa xikmad ah la yidhaahdo inagu dhaqaajiya. Kaasi waa feker foolxun. Dagaalku halkaa ha isku taago oo farriimaha Laascaanood ka imanaya ha loo dhug lahaado. Jabkaa soo gaadhay ciidanka qaranku xukuumadda iyo shicibkaba u noqdo kiniin qadhaadh oo ay liqdo.

Maxaa xukuumadda Hargeysa la gudboon
Somaliland waxay ka koobnayd lix magaalo goboleed, hal casimad goboleed baa gacanteed ka baxday. Arrinta ugu muhimsan ee xukuumadda iyo shicibka horyaal waa sidii ay u mideyn lahayd sufuufteeda gudaha ugna takhalusi lahayd khilaafaadka siyaasiga ee gudaha Si aan leexleex lahayn la fuliyo go’aamadii ee Salaadiintu soo saareen doorashooyinka.

Waa inaan midnimada xukuumadda keliya lagu hallayn ee xisbiyada iyo urrurada siyaasiga ah, madax-dhaqameedka iyo ganacsatadu iyo bulshada kale ee rayidka ahi meel uga soo wada jeestaan. Somaliland laba tiir baa sal u ahaa, NABADDA IYO DIMUQRAADIYADDA, labadii tiirba way liiceen. Indhihii cirka eegayey iyo islaweyndii hoos u soo degaan oo caqligu taliyo. Colaado iyo dagaalo isku hawshaa wuxu ka jeedinayaa arrimaha muhiimka ee qaranka horyaal

The views expressed in this article belong to the author and do not necessarily reflect the editorial policy of Araweelo News Network.

W/Q. Dr. A. Yussuf  Artan