Cabdinaasir Axmed Ibraahim Qalin Maal

Cabdinaasir Axmed Ibraahim Qalin Maal

Buuggan oo uu qoray aqoon-yahan Maxamed Cali Bile, magaciisuna yahay “100 tallaabo hore u qaad,“ ayaan jeclaystay inaan intii RABBi iga waafajiyo ka tilmaamo guud ahaan wanaagga iyo dhalliilaha iiga muuqda labadaba. Buug yarehanni waa buug noociisu ku cusub yahay guud ahaan dalka, waa buug dhiiri-galinneed aad iyo aad u soo jiidasho badan, muuqaalka jaldiga iyo magaca buugga marka aad isha ku dhufato, waxa aad dareemaysaa in awood qarsooni kuu jiidayso gudaha buugga.Haddaad gudaha buugga gasho tallaabooyin wax ku ool ah ayuu qoruhu buugga ku soo ururiyay. Waxa aan filayaa in dad badan ka faa’iidaysteen, waana tallaabooyin qofkii sidooda u raaca noloshiisa wax badan ka beddelaya.

Shakhsiyadda qoraa Maxamed Cali Bile; inkastoo aqoon-qofeed aanan u lahayn, waxa aan asaxaab ka nahay bar kulanka (facebook) inta badan waxa aan arkaa wacyi galin iyo waanooyin wax ku ool ah isagoo la wadaagaya dhallinyarta.Waxaa qoraalkiisa iiga baxay laba shay oo kala ah 1. inuu yahay qof xidhiidhka ku wanaagsan oo dad badan ku xidhan 2. Inuu yahay qof hurumarka jecel isla-markaa da’yarta hurumarkooda jecel. Xaasha, lagama yaabo inaan asaraar galiyo, Inuu waayo arag aqoon yahan ah yahay oo meelo badanna ka soo shaqeeyay.

Gefefka buuggan ku jira: Dhowr jaad gef qoraal ayaa ku jira buugga waxay se u badan yihiin qaar dhinaca higgaadda ah, haba ugu badnaato xarfaha labinlaabma’e. way jiraan gefef kale oo dhinaca Naxwaha ah,hasa yeeshee, sidaa uma sii badna. Buuggan haddaad haysato lambarka khaladka aan tilmaamay, bogga,tallaabada iyo meeriska si toos ah haddaad u tagto waxaa kuu muuqanaya gefka aan tilmaamay.

FG. Maxamed Cali Bile oo kaliya si gaar ah uma bartilmaameedsan, qoraalkaygu waa u dhex qofkasta oo wax qora, buuggan kii iiga horreeyayna wuxuu ahaa ‘Hagar laawe,’ sidoo kale xafiiska af-hayeenka madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland 28 warqadood oo gef qoraalkooda aan ku tilmaamayo ayaan qoray, meelaha kale ee aan gef qoraalkooda wax ka sheegay waxaa ka mid ah; Telesom, Dahabshiil, Somcable iyo meelo kale oo badan. Ujeedada ugu weyn ee aan ka leeyahayna waa in dadku xil iska saaraan qoraalka Soomaliga sida ay qoraallada afafka kale’ba xilka iskaga saarayaan.

1 Casharro aan lagu baran jaamacadda; jaldiga buugga ayuu qoruhu ku qoray, waxaa’se iga la habboonnayd inuu ka dhigo “Casharro aan lagu baran jaamacaddaha,” sababtuna waxa weeyaan dadka uu qoruhu buuggan ugu talo galay waa dad jaamacado kala geddisan ka soo baxay, wuxuuna qoraalka Maxamed Cali Bile u muuqdaa in uu tilmaamayo jaamacad la isla yaqaan.

2 Buuggani ma leh tusmo: Buugta la qoro tusmadu waa u laf-dhabar waana fallaadhaha haga akhristaha una fududeeya in uu si sahlan u tago akhristuhu qodobka uu jeclaysto.

Buuggani ma leh xigasho: Qoruhu waxa xigasho ah oo uu buuggiisa ku bixiyay ma jirto, haba-yaraatee, taa macneheeduna waa in qoruhu hal erayna ha ahaadee aanu meel kale ka helin, xataa buug uu akhriyay. Haddii dhammaan tallaabooyinkan uu qoruhu buugga ku soo ururiyay ay yihiin waayo aragnimo uu isagu soo tijaabiyay, taa lafteeda ma caddayn!

Buuggani ma leh mahadnaq: Hal qofna ha ahaadee qoruhu cidna kuma mahaddin buuggan, waxaanay marag u noqonaysaa in aanu cidna ka talo galin buugga.

Buuggani wuxuu ku bilaabayaa bogga 2aad : boggii 1aad mooyi meel uu maray.

Iminka: Hordhac, bogga 2aad, meeriska 10 aad

Koobanyahay: Hordhac, bogga 2aad, meeriska 12 aad

Koobanyahay: Hordhac, bogga 2aad, meeriska 13 aad

Xirfad-nololeed: Hordhac, bogga 2aad, meeriska 14 aad

Xirfad-nololeed: Hordhac, bogga 2aad, meeriska 15 aad

Cusubyihiin: Hordhac, bogga 3aad, meeriska 7 aad
Wareysta: Hordhac, bogga 3aad, meeriska 14 aad
kaMaqnow:Tallaabada 1aad bogga 4aad meeriska 2aad
isbitaalada: Tallaabada 1aad bogga 5aad meeriska 6aad
xanuunsanaya: Tallaabada 1aad bogga 5aad meeriska 11aad
inad: Tallaabada 2aad bogga 6aad meeriska 2aad
maqantihiin: Tallaabada 3aad bogga 7aad meeriska 19aad
Qumanaan: Tallaabada 4aad bogga 8aad meeriska 10aad
Ixtiraamaan; Tallaabada 5aad bogga 9aad meeriska 14aad
Duwantihiin: Tallaabada 5aad bogga 9aad meeriska 15aad
Guracan: Tallaabada 6aad bogga 10aad meeriska 7aad
Badanyahay: Tallaabada 6aad bogga 10aad meeriska 8aad
Adagtahay: Tallaabada 7aad bogga 11aad meeriska 3aad
Falantahay: Tallaabada 7aad bogga 11aad meeriska 9aad
Illaahayna: Tallaabada 7aad bogga 11aad meeriska 20aad
Awoowadaa: Tallaabada 8aad bogga 12aad meeriska 14aad
Aabahaa: Tallaabada 9aad bogga 13aad meeriska 3aad
Walaaladaa: Tallaabada 9aad bogga 13aad meeriska 4aad
Adeerada: Tallaabada 9aad bogga 13aad meeriska 15aad
Arin: Tallaabada 10aad bogga 14aad meeriska 9aad
Arinkuba: Tallaabada 10aad bogga 14aad meeriska 16aad
Wadareed: Tallaabada 11aad bogga 16aad meeriska 2aad
Qumantahay: Tallaabada 11aad bogga 16aad meeriska 13aad
Arintaas: Tallaabada 12aad bogga 17aad meeriska 4aad
Haboon: Tallaabada 12aad bogga 17aad meeriska 9aad
Hadaladaada: Tallaabada 1aad bogga 4aad meeriska 13aad
Degantahay: Tallaabada 13aad bogga 18aad meeriska 7aad
Xoogagaasi: Tallaabada 14aad bogga 19aad meeriska 3aad
Xoreeyey: Tallaabada 14aad bogga 19aad meeriska 16aad
Hadalada: Tallaabada 15aad bogga 20aad meeriska 11aad
Niyadjabinaya: Tallaabada 15aad bogga 20aad meeriska 15aad
Doqonimadu: Tallaabada 17aad bogga 22aad meeriska 2aad
Awoodaadii: Tallaabada 19aad bogga 24aad meeriska 9aad
Bedeli: Tallaabada 20aad bogga 25aad meeriska 2aad
Arimahan: Tallaabada 25aad bogga 31aad meeriska 9aad
Bedesho: Tallaabada 27aad bogga 33aad meeriska 4aad
Haboon: Tallaabada 28aad bogga 34aad meeriska 1aad
Arkaainuuwanaagsanyahay: Tallaabada 29aad bogga 35aad meeriska 4aad
Labisto: Tallaabada 29aad bogga 4aad meeriska 2aad
Kartidaadadadladalkaiyohadalka: Tallaabada 35aad bogga 42aad meeriska 2aad
Aftahanimo: Tallaabada 35aad bogga 42aad meeriska 5aad
Wajigaagaiyoindhahaaga: Tallaabada 37aad bogga 44aad meeriska 6aad
Dhameeyo: Tallaabada 37aad bogga 44aad meeriska 12aad
Talaabada: Tallaabada 41aad bogga 49aad meeriska 2aad
Dhamayso: Tallaabada 41aad bogga 49aad meeriska 4aad
ingiriisiga: Tallaabada 42aad bogga 50aad meeriska 1aad
yaqaanaan: Tallaabada 42aad bogga 50aad meeriska 12aad
Aduunku: Tallaabada 42aad bogga 50aad meeriska 13aad
Joornaalo: Tallaabada 43aad bogga 51aad meeriska 8aad
Xirfadaada: Tallaabada 43aad bogga 51aad meeriska 12aad
Cinwaanada: Tallaabada 43aad bogga 51aad meeriska 16aad
Amaaradeysto: Tallaabada 44aad bogga 52aad meeriska 3aad
Fariimo: Tallaabada 44aad bogga 52aad meeriska 14aad
Qoraaladaada: Tallaabada 45aad bogga 53aad meeriska 11aad
Tababarada: Tallaabada 46aad bogga 54aad meeriska 2aad
Shirarka: Tallaabada 46aad bogga 54aad meeriska 1aad
Siminaarada: Tallaabada 49aad bogga 57aad meeriska 8aad
Kumanaan: Tallaabada 49aad bogga 57aad meeriska11aad
Badani: Tallaabada 50aad bogga 58aad meeriska 12aad
Hab nololeedkooda: Tallaabada 50aad bogga 58aad meeriska 14aad
Nolosho: Tallaabada 51aad bogga 60aad meeriska 1aad
Isbedel: Tallaabada 51aad bogga 60aad meeriska 12aad
Sahlanaanaysa: Tallaabada 53aad bogga 62aad meeriska 7aad
Qalin Maal Cabdinaasir Axmed Ibraahim

Mardahumanrights@gmail.com