maadhiin TayuubTan iyo markii uu soo baxay amarkii Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ka soo saaray isbeddelka nidaamka waddo-marista Hargeysa, waxa dhacay jaha-wareer iyo shilal badan oo ka dhacay caasimadda, iyadoo dadka baabuurtoodu isku dhacday isku qabsadeen in mid walba sax yahay oo khalad laga galay.
Waa sax in wax laga beddelo nidaamka waddo-marista Hargeysa, lagana shaqeeyo nidaamka bilicda caasimadda, sharcigii kala hagi lahaa gaadiidka, sida ishaarooyinka laydhka ku shaqeeya, arrintaasina waa wax la soo dhawayn karo, laguna qurxinayo caasimadda.
Haddaba, waxa nasiib-darro ah, la yaabna ah fikirka keenay in waddadii suuqa weyn looga shaqaysanayey in laga dhigo mid bixid ah, loona mari mari dhinaca galbeedka, iyadoo ay la yaab tahay in jid weyn oo suuqa ugu weyn Hargeysa la yidhaa gaaadiidku ma geli karaan.
Suuqa weyn ee Hargeysa oo ah faras magaalaha caasimadda, halkaasoo ay toos ugu dhacdo ama u tagto waddada weyn ee hor marta madaxtooyada Somaliland, suurtogalna maaha in jidkaasi noqdo mid bidix oo qudha loo adeegsado ama maraan gaadiidka u socda dhinaca galbeedka oo keliya, waxana fiican in arrintaas loo eego si cilmiyeysan oo macquul ah.
Maayirka Caasimadda Hargeysa iyo xildhibaanno ka tirsan Golaha Degaanka, ayaa hore saxaafadda ugu sheegay in lagu degdegay go’aanka lagu beddelay nidaamka waddo-marista, halka Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo taliska booliska Somaliland taageereen nidaamka cusub waddooyinka ee la beddelay, waxayna arrintaasi jaha-wareer ku keentay dadweynaha iyo wadayaasha gaadiidka.
Waxa fiican in sharciga lagu kala baxo, la iskuna ixtiraamo sida waajibaadka loo kala leeyahay si shaqada qaranku u qurux badnaato, habsamina ugu socoto, marka wax la isku qabtana ma aha in saxaafadda la isu adeegsado, balse waxa fiican in la isku yimaad, si masuuliyad ahna looga wadahadlo, loona saxo waxyaabaha qaldama.
Waxa aan soo jeedin lahaa in la sameeyo guddida horumarinta bilicda caasimadda Hargeysa oo ka kooban Golaha Degaanka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, isla markaana meesha laga saaro guddida Madaxweyne Siilaanyo hore ugu magacaabay bilicda Hargeysa oo wasiirro ku jiraan, maadaama cidda hawshaas u xilsaaran tahay Golaha Degaanka iyo Wasaaradda Daakhiliga oo wada-shaqayn ka dhexayso.
Golaha Degaanka Hargeysa waxa horyaal hawlo waaweyn oo baaxad leh, una baahan in waqti iyo maskax badan la siiyo, arrintaasna waxa horyaal, diyaarinta istaannada la dhigo gaadiidka dadweynaha u shaqeeya, lagana raro suuqyada iyo goobaha meheraduhu ku yaallaan ee ay hadda adeegsadaan, iyadoo sidoo kale laga doonayo in la nadiifiyo, qurxintoodana laga shaqeeyo jidadka waaweyn ee halbawlaha caasimadda ah, kuwaasoo muraayad u ah caasimadda Somaliland.
Waxaana muhiim ah in si fiican looga shaqeeyo jidka weyn ee ka yimaad madaarka Hargeysa, jidka hormara madaxtooyada iyo waddada dhinaca dambe ka marta cusbitaalka guud ee Hargeysa, saddexdaas waddo waa hawlbawlaha jidadka Hargeysa, qurxintoodana waxayb qayb ka qaadan doonaan sumcadda iyo quruxda caasimadda Somaliland.
Maxamed Cali Caamir (Maadhiin Tutuub), Hargeysa