https://pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js
TelesomDahabshiil
Published On: Fri, Jun 10th, 2022

Siciid Jaamac Xuseen: Magac iyo Meeqaan

W. Q. Rashiid Sheekh Cabdillaahi ‘Gadhwayne’

Araweelo News Network.

Allah (SWT) ha u naxariisto Siciid Jaamac Xuseen. Geeridu naxdin bay leedahay, waase xaq Alle oo waa lama-seegaan.  Waxa uu ahaa aqoonyahan iyo indheergarad ku xeeldheer oo hormood ku ah curinta sheekada gaaban iyo guud ahaanba, suugaanta tiraabta toolmoon (taas oo ah odhaah uu asagu halabuuray).  Intaasi ba magaciisa ayey ku suntan yahiin oo waa loo ogyahay; hase ahaato ee dad badan oo ay tijaabada waayaha nolosha isku barteen ku na saaxiibeen, qof ahaantiisii goonida ahayd, bay hoos u sii ogaal-haayaan oo ay cid walba ka badiyaan. Kuwaas ayaan isku tirinayaa.  

Sannadkii 1970kii, baannu markii u horraysay, ku kulannay xafiis magaciisu ahaa ‘Xafiiska Xiriirka Dadweynaha (Mar dambe na waxaa loo baxshay Xafiiska Siyaayasadda ee Golaha Sare ee Kacaanka). Waxaa uu Xafiiskaasi, goortaas degganaa oo uu qayb kaga jiray Masraxa Ummadda ee Muqdisho (Mogadishu National Theatre). Waxa uu Siciid ka mid ahaa hawlwadeennada xafiiskaas oo uu kaalin togan ku lahaa.  Nin kale oo aannu muddo dheer saaxiibbo ahayn bay asaga hortay isbarteen; ka dib na asagaa isu kaayo keenay.  Ammin malaha, saacad ahayd, baannu halkaas ku wada sheekaysannay. Laga bilaabo goortaas ayada ahayd, salka xiriirkayagu meeshiisa ka ma dhaqaaqin.

Maqaal hadda ka hor aan qof ahaanta Siciid Jaamac ka qoray baan weedhaha kor ku qoran ku bilaabay oo halkan waa xigasho ama waa wax u eg; ta se maanta qoraalkan igu riixday waa tu kale.  Qof kasta ajashiisu gacanta Eebbaheen bay ku jirtaa; maanta se tii Siciid Jaamac bay noqotay. Xanuunkii kansarka ee uu muddo sannado ah ba la legdamayey, hadda Alle ka reeb oo ka allaysay.  In kasta oo ay igu adag tahay, qoraalkayganu waa baroordiiq aan anigu naftayda la wadaajinayo ooridiisii qaryadda ahayd ee Safiya Sheekh Axmed iyo ubadkiisii ba.

Siciid Jaamac Xuseen waxa aan ku bartay dhawr sifaale oo ay yar tahay dadka cid kulansatay. Waxaa ka mid ah ildheeri, indheer-arag, ogaal hayn, degganaansho iyo hal-adayg. Xilliga adag bay intu ba tijaabo galaan oo ay qofkii leh ka muuqdaan. Bilowgii Kacaankii Siyaad Barre, dadweynaha tirada badan waxaa laabkicin jiray halkudhegga dhalaalaya iyo heesaha qiirada leh. Dad se gaar ah oo qaarkood aqoon sheeganayeen, danaysi iyo cabsi baa dhinaca Siyaad Barre u riixay. Kuwo kale oo aan yarayn na qabyaalad baa kacaan iyo kacaandiid ka kala dhigtay. Siciid Jaamac waxa uu ka mid ahaa tiro yar oo aan labadaas mid na ahayn. Kooxdan taageeradoodu, bilowgii Taliska Siyaad Barre, waxa ay ka ahayd mabda’ iyo aragti.  Ammin yar dabadeed se, markii waagu dharaaroobay ee ay runi run timid, mabda’ iyo aragti bay kaga tageen oo taageeradoodii ku la noqdeen. 

Aan ku bilaabo waa ku ma Siciid.

Horraantii afartannaadii qarnigii labaatanaad buu ku dhashay Miyiga degmada Ceerigaabo, Gobolka Sanaag. Carruurnimo ayuu awowgii aabbo oo reercadmeed ahaa u qaaday Cadan.  Halkaas bay asaga iyo laba ka da’ yaraa (Xaaamud iyo Saalax Jaamac) ku koreen oo ku barbaareen xannaanada awoowo iyo ayeeyo. 

Magaalada Cadan waxa ay ahayd goob kulmisay ummado iyo dhaqammo isku dhafmay, ku na midoomay bulsho reer cadmeed ah.  Ka sokow Carabta, Ingiriiska iyo Hindi, waxaa ka mid ahayd bulsho Soomaali ah oo ayadu qarniyo halkaas degganayd ku na yeelatay xididdo adag.  Dhammaan ba dadkaas kala isirka ahi, waxa ay abuureen bulsho magaaleed isla falgasha oo ku kulanta guryaha xaafadaha; goobaha shaqada iyo suuqa ganacsiga; dugsiyada waxbarashada; naadiyada isboortiga iyo goleyaasha maaweelada. Isla mar ahaantaas, isir wali ba gaarkiis, muqaalkiisa goonida ah ayuu lahaa. Soomaalidu, sidaas darteed, af ahaan iyo dhaqan ahaan ba, jiritaan sal adag bay ku lahayd magaalada Cadan.

Sansaaminta sifaaleyaasha qof ahaaneed ee Siciid Jaamac (AHuN) intaasi ba way ka wada muuqdeen. Si guud bay badiba bulshadu dadkeeda u summadaa. Ha yeeshee magaalada Cadan ee ummadaha kala dhaqanka ah kulmisay, dhinac bay u badatay oo qofka halkaas ku koray dhaqanka Carabta Cadmeed baa ku weynaa. Soomaalida, gaar ahaan, qof kasta oo reer cadmeed ah, afsoomaaliga uu ku hadlayo waa laga gartaa ahaanshahiisa cadmeed; Siciid Jaamac, kolka uu Soomaali ku hadlayo, waxa uu ahaa Soomaali nin carrada Soomaaliyeed ku koray oo ku nool; kolka uu Carabiga, lahjada Cadmeed ku hadlo na teedaas buu ahaa oo laaxin yar ma lahayn. Weli cid aan Siciid Jaamac ahayn masaladan ku ma arkin. Labada luqadood iyo labada dhaqan isku si buu u dharqaday oo uga dardugay.

Waxbarashadiisii ilaa dugsiga sare waxa ay ahayd Saint Joseph School oo waagaas ahaa hoyga tacliinta casrigan u sarraysa ee Cadani lahayd.  Waxa uu Siciid Jaamac ahaa arday aad u fahmo badan; imtixaannada na derejada u sarraysa ayuu geli jiray. Dhinacyada anshaxa waxbarasho, dedaalka iyo hawlkarnimada, xasuusta iyo dood-wanaagga carrabkiisa, intan oo dhan buu ayaga na ku muuqday oo abaalmarinta dugsiga ku mutaysan jiray. Luqadaha Ingiriisiga iyo Carabiga iyo suugaantooda, si barbarro ah, buu uga yool gaadhay oo uu u xafiday. Saint Joseph School run ahaan, waa rukun-aqooneedka saddexaad ee raadka weyn ku yeeshay shakhsiyadda Siciid Jaamac Xuseen.

Waxa uu ahaa dugsi waxbarasho ay ku wada jiraan arday isku fac ah oo ka soo kala jeeda inta qoomiyadood ee magaalada Cadan ku wada noolayd. Waxa uu ahaa goob ay ardaysaasi isku la falgalaan tartan waxbarasho, isboorti, doodo iyo kaftan. Taasi waxa ay Siciid Jaamac u yeeshay oo ku tallaashay maskax furan, bulshaynimo iyo kal mug weyn oo qaadda dadnimada.  Waa na sifaale uu runtii lahaa.

Dugsigaas dhallintii Soomaaliyeed ee faciisa ahayd, reer-cadmmeednimo ayey isu gu xidhnaayeen, hayeeshee kolkii ay dalka yimaaddeen, badankoodu qabyaaladdii Soomaalida ayey ku milmeen. Siciid Jaamac baan ku hubaa in aanay innaba taasi saamayn ku yeelannin. Taas darteed isku-xirnaanta kooxda Reer Cadmeed ee magaca Xabbadi-keentay loo baxshay, kaalin mudan ah buu Siciid Jaamac ku lahaa.  Xidhiidhkaasi ilaa maanta wuu nool yahay.  Siciid Jaamac baana ka mid ah dadkii hormoodka u noqday. 

Waxbarashadii Saint Joseph dabadeed, intii uu Cadan joogay, waxa uu ka shaqeeyey shirkaddii Ingiriis ee magaceedu waqtigaas ahaa BOAC (British Over Seas Airways Corporation). Tababarro ku saabsanaa hagidda dayuuradaha dhinaca hawada duullimaadka iyo cimilada ayuu u tegay dalalka UK iyo Masar. Ka dib dagaalladii Jabhadaha xoraynta Koonfurta Yamani la galeen dawladda Ingiriiska iyo ciidammadeedii Cadan fadhiyey, horraantii lixdannadii qarnigii labaatanaad, waxa uu u soo guuray oo uu degay Soomaaliya.  Labada magaalo ee Muqdisho iyo Hargeysa ayuu ka shaqo galay xafiiskii ay shirakaddii A. Bis la odhan jiray ku lahayd, gaar ahaan, Hargeysa.  

Waaga iyo waayahii Soomaaliya na tooda ayey ku lahaayeen Siciid Jaamac Xuseen. Haddii uu Soomaaliya yimid ba, waxa uu xubin firfircoon ka noqday dhaqdhaqaaqii bulsheed iyo siyaasadeed ee xilliyadaas ka jiray dalka Soomaaliya. Waxa uu kaalintiisa ku lahaa ururradii dhallinyarada ee waqtigaas jiray iyo xisbigii SDU (Somali Democratic Union) oo ahaa xaydaabka kulmiya kooxaha jecel waddaniyadda, dimoqraaddiyada iyo horumarka. Afgembigii askarta ee 21kii Oktoobar 1969kii ka dib, waxa uu ka mid ahaa oo uu aad uga dhexmuuqday aqoonyahankii fikirka horusocoka ah lahaa ee soo dhaweeyey halhaysyadii Baaqa Siyaad Barre. Asaga iyo kuwii la midka ahaa, waxa ay ka ahayd mabda’ iyo aragti. Ammin kooban se dabadeed, kolkii ay runi run timid, asaga iyo jaalkii ba, mabda’ iyo aragti ayey Siyaad Barre kaga tageen oo taageeradoodii kaga la noqdeen.

Siyaad Barre dad waxa uu u nacbaa qofkii caqligiisa iyo damiirkiisa dadnimo u xor ah ee tiisa iyo tii uu ku qanco u hoggaansan. Waxa uu sii nacbaa qofka inta uu asaga la horyimaaddo, tiisa ku la dooda. Qofkaas Siyaad Barre ma soo dhawaysan jirin; haddii uu se ku ogaado in uu xidhiidho badan leeyahay, camal san iyo carrab na ku darsado, xabsi iyo si kale ba wuu ku la dagaallami jiray. Siciid Jaamac qofkaas buu ahaa. Xafiiska Xiriirka Dadweynaha (Public Relations Office) ee uu Siciid Jaamac ka tirsanaa bilowgii kacaanka Siyaad Barre, ayaa isu keenay oo halkaas bay isku barteen Siciid  Jaamac iyo Taliskii Siyaad Barre.   

Ma tijaabin bay ahayd mise ciqaab?  Mid ay ahayd ba, sannadkii 1973dii, Siciid Jaamac waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Ceeldheer oo ka tirsanayd Gobolka Hiiraan. Waa maxay shaqada uu Siyaad Barre ka rabay Siciid Jaamac ee uu halkaas ka qaban lahaa? Waa joogajoogaynta dadka; waa in dadka lagu shuqliyo bannaanbaxyo kacaanka lagu taageerayo; khudbado iyo heeso lagu ammaanayo Siyaad Barre, Guulwade Siyaad iyo Garka qabo Siyaadow Car qof kale ku soo dara.  Ujeeddadu waa yaan dadka laba qof, gaar isu haleelin oo wada sheekaysannin. 

Waa uu tegay Siciid Jaamac Degmadii Ceeldheer, ma se yeelin tii laga rabay. Shaqadii Guddoomiyaha Degmo ee korjoogaynta amniga iyo maamulka hay’adaha adeegga bulshada ayuu ku ekaaday.  Haddii uu ka waayey tii uu rabay, Siyaad Barre, mar kale ayuu ka soo beddelay Siciid Degmadii Ceeldheer; hayeeshee, muddo lix bilood iyo malaha ka badan ah, ayuu Muqdisho fadhiisiyey shaqo la’aan. Markii uu soo caban waayey, aakhirkii Siyaad Barre, waxa uu go’aansaday in uu Siciid arko. Way kulmeen. Sidii uu Siyaad Barre uga bartay kuwo badan oo kale, waxa uu filayey in uu Siciid Jaamac tiisa ku cowdo ama codsado. Ma noqonin sidaas. Asagii Siyaad Barre ahaa buu u jeediyey hadal u eg canaan. Wiilal aan labaatan sano u buuxin oo weli dugsgiga sare aan ka bixin, ayaa la xidhay oo xabsi dheer loo gooyey. Hogatusaalayn ayuu Siciid Jaamac ku yidhi: ‘Dawladdii Kacaanka ee awoodda weyn lahayd, ma labadaa wiil baa wax yeelaya oo ay ka cabsanaysaa? Waxa uu Siyaad Barre ku la taliyey in uu sii daayo.  Sidaas buu u la hadlay!  Waa tu aanu Siyaad Barre filanaynin.  Kolkan asagii Siyaad Barre ahaa baa ismiijiyey oo waxa uu ugu jawaabay ‘waad yaraysanaysaa wiilasha ee dad bay abaabuli karaan oo kicin karaan!’  Ta se Siciid waa mabda’, ildheeri aan marna seegaynin ta meesha ku habbooni iyo hal-adayg aan hamrasho aqoon.    

Sannadkii 1976kii, isla maalmahii la waday qabanqaabadii Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed ayuu Siciid Jaamac dalka debedda uga dhoofay, ku ma na soo noqonnin oo halkaas bay Siyaad Barre xiriirka ku kala goosteen.  Sannad ka dib na asaga iyo saaxiibbadiisii ay isku fikirka ahaayeen, dalka debeddiisa iyo gudahiisa ayey ka unkeen urur ay u la baxeen Xisbiga Xoogsada Soomaaliyeed. Siciid Jaamac baa na hoggaamiyahiisa (xoghayaha guud) ahaa. Waayaha jiray owgood, ma ahayn urur sal ballaadhan oo taageero dadweyne leh ama xataa heli kara. Waxa uu ka koobnaa tiro aqoonyahanno ah oo ku midoobay mabaadida waddaniyadda, dimoqraaddiyada iyo horumarka dalka, iyo in dalka laga xoreeyo Kelitalinta Siyaad Barre. Sannadkii 1978dii ka dib, Siciid Jaamac waxa uu horseed u ahaa midowgii uu ururkiisu la galay jabhaddii SSF ee lagu asaasay Magaalada Addis Ababa, Etoobiya (midowga dabadii waxa lagu magaacabay SSDF). Jabahaddan oo uu Kornayl Cabdilaahi Yuusuf ka madax ahaa, Siciid Jaamac waxaa laga dhigay ku-xigeenkiisa.  

Xiriirka abtirsiinta qabiil ee ay Jabhaddani ku dhisanayd, caqabad buu ku ahaa kaalintii ay Siciid iyo dhiggiisu gudan lahaayeen. Sidaas oo ay ahayd, hadda na aqoonta iyo garashadiisa dheer, hayal samida iyo hadal wanaagga carabkiisa runta haleeli og, intaba waxa uu Siciid Jaamac ku kasbaday qadderinta badanka halgamayaashii jabhadda, kuwii uu la kulmay.  Soowaaddadeeda isu-tag qabiil oo tolliimadu isku xidhaa ma ahayn meel uu Siciid Jaamac qabatimi karo oo ku sii negaan karo. Waa na sababta uu ugu dambayn, kaga tegay Jabhaddaas. Runtii se xurmayn weyn oo ilaa maanta nool buu ka kasbaday halgameyaashii ay isbarteen.

Waxa uu markan salka dhigtay magaaladii Cadmeed oo gurigiisa labaad ahayd, qoyskiisu na uu degganaa. Waxa uu isha ku hayey geedisocodka burburka siyaasadeed iyo bulsheed ee Taliska Siyaad Barre dalka u horkacayo.  Kolkii taas lama-huraankeedu yimid na, waxa uu ka mid noqday qurbojoogga Soomaaliyeed ee tirada badan; waxaa na uu salka dhigtay magaalada London iyo UK. Hayeeshee xidhiidhka uu dalkii iyo dadkiisii la leeyahay wuu sii luxdamay. Dhaqdhaqaaqa fikirka, dhaqanka iyo aqoonta ayuu si weyn uga dhex muuqday. Qoraalladiisa buugta ku daabacmay iyo hawlaha macallimo ee uu ka hirgelyiyey Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa iyo Bandhigga Buugaagta sannadlaha ah iyo Toddobaadka Soomaalida ee lagu qabto Magaalada London (London Somali Week Festival) ayaa ka marag ah mugga weyn ee kaalintiisa. Waxa uu ka mid noqday Guddiga Maaraynta Ururka Kayd ee hoggaamiya hawlaha Toddobaadka Soomaalida. Midhaha qalinkiisa waqtigan na waxaa ka mid ah buugta Safar Aan Jaho Lahayn, Shufbeel iyo Ma Innaguun baa. Waxaa dheer qoraallo curisyo ah oo ku soo baxay baraha bulshada, degellada Intenetka iyo wargeysyada Soomaalida.

Intaas oo dhan waxaa wehelisa, kaalintii u ku lahaa asaasidda Ururka Qalinlayda Soomaaliyeed (Somali Pen) iyo Bahda Akaadeemiye Goboleedka Afsoomaaliga (AGA). Si gaar ah, waxa uu si weyn u soo jiitay xurmada aqoonyahanka Soomaalida iyo jacaylka dhallinyarada uu qoraal iyo macallinnimo ba, toos iyo dadab ba, ku saameeyey.     

Aan hadda u imaaddo ta aan qoraalkan ku khatimayo.

Malaha sannadkii 2018kii baa Siciid ugu dambaysay madal dadweyne uu ka muuqdo. Xanuunka kansarka ee ku dhacay ayaa taas ka fadhiisiyey.  Gurigiisa iyo sariirta ayuu ku dabramay. Intii uu sariirtaas dul saarnaa, ilaa toddobaadyadii noloshiisa uu dambaysay ee uu si walba u tamardhigay, qalinka ma uu dhigin. Wax buu qorayey.  Geesinnimada uu xanuunka ku waajahay iyo adkaysigiisa, ayaa aad iiga yaabiyey.

Bishii Feebarweri ee sannadkii 2020, ayaan magaalada Sheffield (UK) oo aan deggenahay ka socdaalay oo aan ku booqday gurigiisa, magaalada London. Ugu horrayn, muuqiisa ayaan si fiican uga bogtay.  Marar kale oo ay u dambaysay 13kii May 2022, sidaas oo kale, guriga ayaan ugu tegey. Labada magaalo ee aannu kala deggannahay darteed, waxa aannu caado ka dhigannay kulan maalinle ah oo aannu telefoonka ku wada sheekaysanno.  Inta aannu Telefoonka isku waraysanaynay, mar keli ah codkiisa iyo warkiisa ka ma aan dareemin in uu xanuun ba hayo.  Halowda telefoonka ka dib, waxaan hadal uga bilaabayey su’aasha xaaladdiisa.  Qolka uu ku xabbisan yahay, sariirta uu dulsaaran yahay, qalabka ku tikraanan iyo xidhiidhka dhakhtarka, inta ba wuu ii dulmaraa.  Markii ba se duni iyo xaal adduun baanu galnaa.  Carradii Soomaalida iyo maxaa ka socda iyo waayaha adduunka, maalin ba waxa ka taagan, baannu ka wada faalloonaa; aqoon iyo dhaqan iyo suugaan ba, dhaxalka aadanaha ayuu ka sheekeeyaa; kaftan iyo maadayn na tiisii aan ku aqaannay buu igu jalbeebaa.  Waan ku illoobaa xanuunkiisa ba.  Si kasta oo uu u buko oo uu sariirta guriga ugu dabran yahay, asagii buu ahaa.  

Waxa aan ka faa’iidaystay kulankii Ururka Kayd oo loo ballamay 27kii, bisha Feb. 2020ka (Waa kulan uu Siciid Jaamac ka soo qaybgeli kari waayey).  Maalin ka hor baan u tegay oo aan u soo qasday in aan ishiisa ka bogto.  Qolkiisa hurdada gudahiisa, sariirta uu saaran yahay dhinaceeda ayaan kursi ku soo fadhiistay; halkaas baanu isku waraysannay oo intii aannu isla mari jirnay ba, isla marnay. 

Hal-adaygiisu waa ka haleeliyey in uu – asaga oo xaaladdaas ku jira- hankiisa ku ballaadhiyey adduunka dhammaantii ee ka fikiraya waayaha dunida iyo dhibaatooyinka ka jira.  Qolkan yar iyo xanuunku ku ma haynin cuyuyub iyo cidhiidhi.  Ayada lafteeda ayaanu ka sheekaysanay. Waxaa na aannu wada xusuusannay Nilson Mandela.  Maalintii u horraysay ee xabsigii jasiiradda Robin Island la geeyey ee la geliyey qolkii go’doominta, ayuu nafta ku la dardaarmay in ay qolkaas ka dhigato oo u qaadato adduunkii weynaa ee ay ku noolayd.  Siciid Jaamac asagu ka ma go’doomin adduunka weyn ee wuu ku noolyahay.  Si weyn iyo joogto ayuu u la falgelay oo uu tiisa ugu darsaday. Qoraalada uu ku faafiyey Wardheernews, ayaa taas ka marag ah.  Bal ka fikir qofka, asaga oo aan Siciid Jaamac, aqoon kale u lahayn, akhrisanaya qoraalladaas.  Inna qofkaasi ku ma soo dhacayso xaaladda caafimaad ahaan, uu qoraagu ku suganyahay, kolka uu qarayo maqaalkan.  Qoraagii Masar iyo adduunka Carabta ka caanka ahaa ee magaciisu ahaa Maxamuud Amiin Alcaalim, baa lahaa weedha “qofka aadamiga ahi waa mowqif”.  Sifaalahaas Siciid Jaamac Xuseen baa lahaa.

Ragannimadu waa, sidii Hadraawi yidhi, goor kasta iyo xaalad kasta oo aad ku jirto ba, “wax siraata noqo weeye”.  Magac iyo meeqaan ba Siciid Jaamaxc Xuseen kaas buu ahaa. Alle ha u naxariisto oo Ahal iyo saaxiibbo ba, intii jeclayd ee uu jeclaa ba, ha inaga wada samirsiiyo.

Aamiin.

W/Q. Rashiid Sheekh Cabdillaahi (Rashiid Gadhweyne)

About the Author

- #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>