Rashiid Gadhweyne, Maxamuud Sh. Dalmar iyo Jaamac Muuse Jaamac Oo Tilmaamo Ka Bixiyay Qoraa Siciid jaamac Xuseen Iyo Astaamihii Uu Lahaa

Araweelo News Network.

London(ANN)-Allah ha u naxariistee, waxa xalay dalka Britain ku geeriyooday Qoraagii weynaa Siciid Jaamac Xuseen oo ka mid ahaa haldoorka Aqoonta  bulshada Soomaalida, isla markaana ka mid ahaa tiirarka ugu muhiimsan ilaalinta iyo tayaynta Af-soomaalitga.

Siciid Jaamac Xuseen Image file Araweelo News Network.

Qoraa Siciid Jaamac oo dadka qaar u yaqaaneen “Siciid Gucmadi”, ayaa muddo saddex toddobaad ku dhow lagula tacaalayay xaaladdiisa caafimaad cusbitaal ku yaal dalka London, halkaas oo uu ku geeriyooday xalay  9 Jun 2022.

Allah ha u naxariistee, qoraa Siciid Jaamac, waxay geeridiisu ahayd si mid weyn looga dareemay geyiga Soomaalida iyo meelo kaleba, wuxuu ahaa halgamaa noloshiisa u huray inuu dadkii u adeego siyaasada, dhaqanka iyo nolloshaba, isla markaana ahaa macalin barbaariye ah oo tacab baddan geliyay dadka Soomaalida.

Siciid Jaamac, wuxuu ahaa shaqsi ay saaxiibadii ugu dhowaa nolloshisia oo Soomaali, carab iyo dad kale oo ajaanib ahi si weyn loogu majeerto aqoontiisa durugsan, hibada uu Allah ku manaystay ee dabeecad wanaaaga, dad la dhaqanka, cadaaladda, xaqsoorida, dhiirigelinta horumarka tabataabinta da’yarta iyo samafalka.

Marxuum Siciid Jaamac Xuseen, wuxuu ahaa sahqsi karti baddan, dedaal baddan, qoraa, muturjum luqado baddan isku Turjuma sida Soomaali, Carabi, Ingiriisi, Ruush, faransiis, Jarmal  iyo kuwo kale sida ay sheegeen saaxiibada aqoonta u lahaa.

Raadadka uu ka tegey ee dhaxalka ah ayaa ah bugaag sheekooyin iyo qoraalo tiro baddan oo qaarkood ka waramaayan raadadka noloshisa iyo dhacdooyin uu la kulmay intii uu noolaa, wuxuu caan ku ahaa sheekooyinka gagaaban, waxayna qoraalada sheekooyinkiisa iyo buuggaga uu qoray noqdeen kuwo si gaar ah xiise ugu yeesha dadka akhirstay oo raadad kaga tegey masxakaxdooda.

 intii uu noollaa qaar baddan oo ka mid ah saaxiibada aqoonta u lahaa iyo haldoorka bulshada Soomaalida iyo shaqsiyaad kale ayaa  kaga sheekeeyeen qoraalo ay ku qirayaan shaqsiydiiisa, hal-abuurnimadiisa, dadnimadiisa iyo dedaalkiisa hagar la’aaneed ee horumarinta dhlinyada iyo doorkii uu ku lahaa degelada aqoonta, suugaanta iyo afka

Telefishanka SAAB, ayaa barnaamij uu Weriye Cali Axmed Raabbi (Cali Seenyo ) ku martiqaaday qaar ka mid ah saaxiibada ugu dhowa a marxuumka oo kala ah , Rashiid Sh Cabdullaahi (Rashiid Gadhweyne) , Maxamuud Sh. Dalmar iyo Jaamac Muuse Jaamac , waxay kaga hadleen qaybo ka mid ah taariikhdii Marxuum Siciid Jaamac Xuseen oo ay ka sheekeeyeen,  iyadoo Dr. Jamac Muse sheegay in marxuumka taariikhdiisa iyo miisaankii uu lahaa ay si fiican uga sheekayn doonaan saaxiibada ugu dhowaa iyo bahdiisu oo barnaaimjiyo Telefishanka SAAB ay la wadaagayaan kusoo bandhigi doonaan marka laga soo jeesto aaskiisa, waxayna Allah uga baryeen inuu naxariistiisa ugu deeqo Marxuum Siciid Jaamac Xuiseen, qoyskii, ehelkii, asxaabtii iyo iyo bulshada  Soomaalidana samir iyo Iimaan kasiiyo, waxayna ka codsadeen guud ahaan Bulshada Soomaalida in loo duceeyo Marxuum Siciid Jaamac oo ahaa qoraa saamayntiisa lahaa.

Muuqaalkan Ka Daawo Barnaamijka SAAB ee Marxuum Siciid Jaamac iyo Waxyaabaha ay ka yidhaahdeen Haldoorka Bulshada Qaarkood, Rashiid Sh Cabdullaahi (Rashiid Gadhweyne) , Maxamuud Sh. Dalmar iyo Jaamac Muuse Jaamac .

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com