Wadahadal Furmimaayo Ilaa Lasoo Daayo Dadka Xidhan, Mana hor Fadhiisanyno Xukuumadda Madaxweyne Biixi

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa caweyskii caawa sheegay in ay dib u dhigeen mudahaaradka ay hore ugu baaqeen Sabtida 11 Jun 2022, balse waxa uu sheegay in aannay taas macneheedu ahayn in ay joojiyeen mudahaaradka ay ku dalbanayaan qabashada doorashada Madaxtooyadda Somaliland.

Guddoomiye Xirsi, waxa uu sheegay in Ergo culus oo isugu jirta Ganacsato, Culimo iyo waxgarad kale u yimaadeen, iyagoo ka dalbaday in ay hakiyaan mudaharaadka, isla markaana ay siiyaan kalsooni si ay khilaafka cakiran ee u dhexeeya xukuumadda Madaxweyne Biixi kusoo dhammaynayaan.

Laxidhiidha: Somaliland: WADDANI Oo Ka Halday Khasaaraha Mudaharaadka Hargeysa, Xildhibaano La Dhaawacay Iyo Saraakiil la Xidhay

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay u yimaadeen Ergooyin ka socda guurtida Somaliland oo uu hoggaaminayo Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan, sidoo kalena ay lasoo xidhiidheen Dublamaasiyiinta Beesha Caalamka iyo weliba Guddoomiyaha Imtixaanaadka qaranka oo sida uu sheegay ka codsaday in maadaama ay maalinta Beri dalka kumanaan Arday u fadhiisanayaan Imtixaanaadka ay axsaabta mucaaradku dib u dhigaan mudaharaadka.

“waxaanu aqbalay ergooyinka kala duwan ee noo yimi iyo kuwa nala soo xidhiidhay in la hakiyo mudaharaadka, laakiin maaha in la joojinayo ilaa xaqa aannu ku dalbanayno ee sababay mudahaaradka ay xukuumadda Madaxweyne Biixi aqbasho oo dastuurka kusoo noqoto, waanu aqbalay ergooyinkaa oo waxaanu siinay kalsooni dhab ah.:” ayuu yidhi.

Hase yeeshee wuxuu wax lalayaabo ku tilmaamay in Guddoomiye Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeyo ) oo xilliga ergadu la joogtay goob joog ka ahaa la xidhay, wallow markii danbe lasoo daayay, wuxuuna guddoomiye Xirsi sheegay in aannay wadahadal la furayn xukuumadda ilaa soo daayo dadka loo xidhay mudaharaadka shalay, kuwaas oo isugu jira saraakiil xisbiyada mucaaradka ah iyo taageerayaal qayb ka ahaa mudaharaadka 9 Jun 2022, ka dhacay Hargeysa oo sababay khasaare dhaawacyo kasoo gaadhay xildhibaano iyo saraakiil kale oo xisbiyada ah.

“Wadahadalka waanu oggolahay, laakiin annagu ma qabno in guul laga keenayo dhinaca xukuumadda mana horfadhiisanayno sababyoo ah marar baddan oo hore ayaanu natiijo ka gaadhi weynay, haatana ma filanyo in natiijo laga gaadhyo, laakiin ergada waanu aqbalay kalsoonina aanu siinay, sidaa awgeed taageerayasha waxana u sheegaynaa in laga warsugo ergadaa oo fursad la siiyo, haddii wax natiijo ah la keeni waayo waa inoo balanteeni iyo inaynu sii wadno mudaharaadka, ayuu yidhi. Guddoomiye Xirsi.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com