Obama visit Horn of AfricaMaxay Dadka reer Somaliland ka filayaan hogaamiyaha Booqashada Taariikhiga ah ku maraya Geeska Afrika? Faallo
By: Saleeban kalshaale

Madaxweynaha Dawladda Maraykanka ayaa booqasho ku maraya Waddamo ku yaalla Bariga Afrika,siiba wadamada kulaala Geeska Afrika ee Kenya iyo Itoobiya.
Booqashadan ayaa fursad weyn u ah Mandaqada oo dhan, marka loo eego isku xidhnaanshiyaha Bulshooyinka iyo dawladdaha Gobolka.
Xaaladaha amniga ee ay dhamaan dawladdaha Mandaqadu ka wada shaqeeyaan, ayaa ah mid mushkilada ugu weyn ee ku gedaaman ay tahay la-dagaalanka Kooxaha Argagixisada oo meel looga soo wada jeedo.
Arrintan ayaa ah mida ay saaxiibada dhow ku yihiin dalalka Gobolka oo ay kamid tahay Somaliland oo ah waddan aanay dunidu wali u aqoonsan Qaran madaxbanaan, balse lagu qadariyo horumarka iyo nabad-gelyada ka hana qaaday.
Imaanshiyaha Barack Obama ee Geeska Afrika ayaa fursad weyn u ah Waddanka Somaliland xataa hadii aanu soo cago dhigan Caasimada Hargeysa oo ah meel nabad-gelyaddeedu ka wanaagsantahay waddamo badan oo dunida horumartay ka tirsan.
Muhiimada ay u leedahay Somaliland booqashada Madaxweynaha Maraykanka ee Gobolku waxa kamida inuu xaqiiqsado doorka ay Somaliland ku leedahay degenaanshiyaha iyo horumarka xagga dhaqaalaha ee socda.
Dawladda Itoobiya ee Maalinta labaad uu booqan doono, ayaa si weyn ugu tiirsan Somaliland, haday tahay xagga dhaqaalaha iyo haday tahay dhinaca amniga oo aanay Somaliland la’aanteed waxba u suurto-galeen Itoobiya.
Ammaanka waddanka Itoobiya ayaa boqolkiiba lixdan (60%), ku xidhan degenaanshiyaha Somaliland, isla markaana aan laysku halayn kareen, hadii aanay Hargeysa kaga gudbayn Khataraha Gobolka oo dhan saameeyey ee aan wali loo maaro helin.
Sidoo kale, waxa ay dawladda Itoobiya si weyn ugu tiirsantahay, waxna kala soo degtaa Dekedaha Somaliland, taasoo iyana u sahashay inay si fudud uga faa’idaysato Dekeddo aad uga dhow kuwa kale ee Dalalka ay jiiraanka yihiin.
Dhinaca kale, Somaliland ayaa kamida wadamada dhaqaalaha ugu badani ka soo galo dalka Itoobiya, isla markaana xidhiidhka Ganacsi ee iminka labada waddan u dhexeeyaa uu yahay kan ugu firin fircoon ee Gobolka ka jira, kaasoo ku dhisan dhaqdhaqaaq Ganacsi oo Maalinle ah. Waxaana dalka Itoobiya maalin walba looga soo dhoofiyaa Boqolaal Tan oo Qaada, oo lagu Iibiyo Gobollada Somaliland.
Marka la eego arrimahan oo dhan iyo sida ay xuquuqda Dawladnimada Somaliland baaqiga ugu tahay hogaamiyeyaasha Caalamka, waxa muuqata in madaxweyne Barack Obama oo ah Ninka maanta hogaaminaya dawladdaha ugu tunka weyn dunida ay hortaalo ka jawaabista Hal-xidhaalaha ay Somaliland ku tahay Caalamka oo dhan.
Waxa muhiim ah inuu Yiqiinsado Kaalinta muhiimka ah ee ay Somaliland ugu jirto Geeska Afrika, isla markaana uu su’aallo hogaamiyaha Itoobiya doorka ay ku leedahay Somaliland horumar kasta oo ay Addis ababa ku talaabsatay 24-kii sannadood ee ay labada waddanba ka xoroobeen nidaamyadii Kelitalisnimada ku dhisnaa.
Inkasta oo aanay Dadka reer Somaliland iyo dawlddoodu toona muujinin dareen ay codkooda kor ugu qaadayaan oo ay ku soo dhaweynayaan Madaxweyne Obama, hadana kama madhna hadal haynta iyo hugunka qaybaha Bulshada Somaliland, qadiyada ku saabsan Imaanshiyaha hogaamiyahan soo cago dhigto Gobolka gelinkii dambe ee Jimcaha.
Kaasoo ay booqashadiisu noqonayso mid Taariikhiya, loose baahanyahay inuu ciyaaro kaadh ku cusub Caalamka oo uu kaga jawaabayo dareenka gaamuray ee Shacbiga Somaliland wali caalamka kaga sugayaan Aqoonsi buuxa iyo Taageero Ficil ah. Waa inuu isweydiiyaa madaxweyne Obama muhiimada ay taasi u leedadahay danaha Maraykanku ka leeyahay Gobolka.
Saleeban Cabdi Cali(Kalshaale)
Hargeysa/ Somaliland
Email: Curad1986@hotmail.com