Araweelo News Network

ciraaqiyiintaInkastoo ay dagaallo sokeeye burburiyeen, haddana bulshada ku nool dalka Ciraaq waxa loo aqoonsaday in ay yihiin dadka ugu faxalsan (deeqsisan) ee wax siiya ajnebiga baahan.
Sida lagu ogaaday xog-urur caalami ah oo lagu eegayey dalalka sadaqo bixinta ku wanaagsan, waxa ka soo baxday in reer Ciraaq ay 81% yihiin bulsho caawiya dadka baahan amma haddii ay arkaan qof taakulayn u baahan.
Xog-ururintan oo ay diyaarisay Hay’adda Charities Aid Foundation (CAF), lana bilaabay sannadkii 2010, waxa laga sameeyey in ka badan kala badh dadka ku nool 140 waddan oo adduunka ah, iyadoo lagu ogaaday in dadka badankoodu ay caawiyaan dadka aanay aqoon, taasoo ay ugu sii badan yihin dadka wax caawiya dalalka masiibooyinka iyo dagaalladu ka qarxaan.
Marka laga yimaad xasillooni-darrada iyo carqaladaha, bulshada Ciraaq waxa ay laba jeer kaalmaha hore ka galeen inay yihiin qaar deeqsi u ah ajnebiga. Dalka Liibiya oo khilafaad maxali ah ka jiraan waxa ay bulshadiisu galeen kaalinta labaad ee dadka ugu deeqsisan sannadkan, halka ay kaalinta 4aad galeen dadka Soomaalida, iyadoo meelo badan oo ay degaan xasillooni-darro ka jirto.
“Waxa aan rajaynayaa in casharka arrintan laga baranayaa ay tahay bulshada dhibaatada ku jirta ay yihiin kuwo ay ku dheer tahay bani’aadaminimadu.” Sidaa waxa yidhi Adam Pickering oo ah Agaasimaha Siyaasadda Caalamiga ah ee Gargaarka Adduunka (CAF) oo inta badan bixisa gargaaar.
Dalalka ugu horreeya dhinaca deeqsinimada amma bixinta sadaqada, waxa ay yihiin bulshooyinka muslimka, iyadoo daraasaddan la sameeyey lagu qiimeeyey sida dadku lacagta sadaqada ah u bixiyaan iyo waqtiga ay ku bixiyaan u kaalmaynta dadka iyo hawlaha mutadawacnimo, taasoo ah waxyaabaha diinta islaamku farayso muslimiinta.