Araweelo News Network

madaxweynexigeenkaseylicidegankaHargeysa (ANN)- Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ugu baaqay bulshada reer Somaliland I laga wada qaybqaato horumarinta dhismaha dalka.
Md. Cabdiraxmaan Saylici oo kormeer ku soo maray mashaariic kala duwan oo ay sameeyeen degmooyinka Boorama iyo Gabiley, kuwaas oo ka mid ah degmooyin badan oo laga hirgeliyey barmaamij loogu talogalay in lagu daadajiyo maamuka adeegyada dawladaha hoose, ayaa hadal farriin ah oo uu u diray shacabka u soo jeediyey in ay si buuxda u bixiyaan cashuuraha ku waajibay si looga midho-dhaliyo adeegyada aasaasiga ah.
Isagoo arrintaasi ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Bulshada waxaan leeyahay gacmo wadajir bay wax ku gooyaan ee waa inay shacuurta si wanaagsan u bixiyaan, sababta oo ah cashuur baa dal lagu dhisaa haddii aan la bixin ma dhismayo dal, markaa reer Gabiley waa inaad cashuurta bixiyaan si adeegyada la idiin qabanayo iyo horumarka degmaduba u sii kobco, cashuuraha hadday noqoto ta beeraha, ta guryaha, liisamada iyo wixii kale waa inaad wadashaqayn wacan la samaysaan dawladda oo cashuuraha idinku waajibiyey maahee in ka badan dadka ganacsanaya iyo ninkii hanti haystaaba ay ka qaybqaataan horumarka socda.
Sidaas darteed, guud ahaan waxaan farriin u diyaraa ummadda Somaliland in dadweynaha iyo dawladdu wadashaqeeyaan oo gacmaha is qabsadaan, loona soo wada jeesto horumarka.”
Waxa kaloo uu Madaxweyne-ku-xigeenku xusay in ay xukuumadiisa ka go’antahay daadajinta adeegyada aasaasiga u ah bulshada oo lagu wareejiyo dawladaha hoose ee maamula degmooyinka, “Waxa loo baahan yahay qof kastoo innaga mid ah oo xil hayaa sidii uu xil isaga saari lahaa in ummadda loo adeego, gaar ahaana adeeggu u gaadhi lahaa dadka jilicsan. Dawladaha hoose waxay ka mid yihiin meelaha dawladaha laf-dhabarta u ah, mashruucan maamul-daadejintuna waxa weeye in adeegayadii aasaasiga ah in loo dhaweeyo bulshada reer Somaliland, si fiican baanay labada degmo ee aan soo maray Boorama iyo Gabiley u fahmeen arrintaasi oo wax uga qabteen, ka dawlad ahaana siyaasad la qaatay bay ahayd, waxaanna naga go’an in guud ahaan Qaranka Somaliland in adeegyada loo dhaweeyo dadka oo kolba intay qaadi karaan dawladaha hoose gacanta loo galiyo, iyadoo tababarradii kor loogu qaayey xirfadda shaqaalaha dawladaha hoose socdaan,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Saylici.