Araweelo News Network

Kuala Lumbur(ANN)- Baadhayaal u dhashay dalka Australia oo ku hawlanaa sidii loo heli lahaa raq iyo ruuxba diyaaraddii laga lahaa dalka Malaysia oo rakaab aad u badan sidday, taas oo la waayey sannadkii 2014-kii, ayaa war cusub ka soo saaray natiijada baadhitaannadoodii ugu ballaadhnaa oo ay wadeen muddo saddex ah.

Diyaaradda diyaaradii MH370 oo duullimaadkeedu u kala gooshayey magaalooyinka Beijin ee Shiinaha iyo Kuala Lumbur ee Malaysia, isla markaana saarnaayeen 239 qof oo rakaab ah ayaa la waayey meel ay ka baxday.

Baadigoobkan oo ay sidoo kale ku hawlanaayeen dalalka Shiinaha iyo Malaysia ayaa waxaa si rasmi ah loosoo afjaray bishii January ee sannadkan, kadib markii lagu hawlanaa 1,046 maalmood.

Kooxda reer Australia waxay sheegeen in ay tahay wax maskaxdooda ka weyn, isla markaana aannu bani’aadamka qiyaasan karin in diyaaradda la waayay wax xataa raadkeeda ah.

“Waa wax aan maanku qiyaasan karin, lana aqbali karin in taariikhda casriga ah ee duullimaadyada oo maalin kasta ay hawada isticmaalaan 10 milyan oo qof, in la waayo diyaarad sidaas u weyn, qofna aannu sheegi karin halka ay ku dhacday,” ayaa lagu yidhi war qoraal ah oo baadhayaashu soo saareen shalay.

Waxa kaloo warbixinta lagu xusay, in inkasta oo loo galay dadaal aan xad lahayn baadigoobka diyaaraddan, haddana la waayey meel lagu sheego, laakiin waxa warbixintan lagu sheegay in markii dad ugu war dambaysay diyaaradda lagu xaqiijiyey meel 25,000 km u jirta dhanka woqooyi badweynta Hindiya, gaar ahaan halkii laga baadi goobay.

Diyaaradda ayaa xataa laga raadiyey gunta hoose ee badda, waana baadhitaankii ugu weynaa oo la sameeyay inta la xusuusan yahay taariikhda duullimaadyada adduunka.

Janbiyo loo malaynayo in ay ka fuqeen diyaaradda ayaa ku caariyey meelo ka mid ah jasiirado ku yaal badweynta Hindiya iyo xeebaha bariga Afrika.

Meesha cusub ee baadhayaashu ku tilmaameen diyaaradda inay ku dambaysay waxa lagu saleeyay qiyaas laga qaatay dhinaca ay walxuhu u daad-raacaan iyo weliba xog laga heley dayac-gacmeedyada.

Dhinaca kale, dawladda Australia ayaa sheegtay in ay baadhitaanka dib u bilaabayso oo keliya haddii la helo caddaymo rasmi ah.

Sidoo kale, dawladda Maleysia ayaa iyaduna wadda baadhitaanno la xidhiidha sababta keentay in diyaaradda la waayo.
Arrinta ayaa noqotay mucjisadii ugu weyneyd ee dunida ka dhacda, waxana ilaa hadda lala yaabban yahay halka ay ku dhacday diyaaradda rakaabka badan sidday.