Araweelo News Network

 

Photo file Murrashaxa Madaxweynaha, isla markaana ah Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro

Hargeysa (ANN)- Guddida Ilaalinta Anshaxa Doorashooyinka, ayaa digniin culus iyo gannaax lacageed oo dhan 50 milyan oo shillinka Somaliland dusha ka saaray xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, kadib markii uu olole aan sharci ahayn ka sameeyey magaalada Balli-gubadle ee xarunta Gobolka Hawd toddobaadkan.

Qoraalka digniinta iyo gannaaxa isugu jira oo ka soo baxay Guddida Ilaalinta Anshaxa ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland shalay, waxa uu isagoo faahfaahsan u qornaa sidan;
“Ku: Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

Og: Komishanka Doorashooyinka Qaranka

UJEEDDO: Go’aanka anshax-marineed oo ka dhan ah xisbiga WADDANI

Guddida Illaalinta Anshaxa Doorashooyinku, iyaga oo ka duulaya Qodobka 25aad ee Xeerka Anshaxa Doorashooyinka ee tixraaciisu yahay KDQ/XK/118/017, oo siinaya awoodda inay hubiyaan meel-marinta Xeerka Hab-dhaqanka Xisbiyada Siyaasadeed iyo ka-qaadista tallaabo anshax-marineed xad-gudub kasta oo Guddidu ogaato.
• lyaga oo ku xisaabtamaya in aan wali si sharci ah loo bilaabin ololihii doorashada, Komishankuna aannu fasixin wax olole doorasho ah, si waafaqsan Qodobka 33aad ee Xeerka Dooraebada Madaxtooyada iyo Goleyaasha Deegaaaka (Xeer Lr. 20/2001) ee kaabid iyo wax-ka-bedelka lagu sameeyay 2017. Tix-raac dacwadda Lambarkeedu yahay XK/XAX/0042271/2017 ee ku taariikhaysan 02/10/2017 uu soo gudbiyay Xisbiga KULMIYE.
• lyaga oo ogsoon in Xisbiga WADDANI uu sameeyay olole qayral-sharci ah oo baal-marsan Xeerkii Anshaxa ee ay saxeexeen, isla markaana ballanqaadeen fulintiisa, balse ay si badheedh ah uga baxeen, iyaga oo magaalada Baligubadle ka sameeyay olole sharciga baal marsan oo amni-darro sababi gaadhay.
Guddida Anshaxa markay ku qanacday dhammaan arrimaahan kor ku xusan, waxa ay soo saareen go’aankan:
1. Waxa Xisbiga WADDANI la siiyay digniin culus oo kama dambays ah, inuu ka waantoobo ololaha sharciga garab marsan;
2. Waxa Xisbiga WADDANI lagu gannaaxay lacag dhan 50,000,000/= (konton milyan oo Somaliland shillin ah).
Waxa mar labaad looga digayaa xisbiga WADDANI in uu sameeyo olole dambe oo sharciga baal marsan, isla markaana waxa lagu adkaynayaa inuu fuliyo ballanqaadkii uu sameeyey ee ahaa inuu ku dhaqmayo Xeerka Anshaxa.”
Guddida Illaalinta Anshaxa Doorashooyinka
1. Sucaad Ibraahim Cabdi – Guddoomiye
2. Maxamed Cabdillaahi Botaan – Guddoomiye-ku-xigeen
3. Cabdiqaadir Cismaan Xlrsi – Xoghaye
4. Aadan Xuseen Muxumed – Xubin
5. Cabdiraxmaan Aadan Maxamed – Xubin
6. Sheekh Cali Aadan Samatar – Xubin
7. Yaasin QallinIe Kaahin – Xubin