Araweelo News Network

Eng. Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (ANN)- Murrashaxa xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa ku hanjabay inuu taageerayaasha xisbiyada mucaaridka ah ka codsan doono in aanay wax cashuur ah bixin, maadaama sida uu sheegay lacagta cashuurta ah loogu ololaynayo xisbiga KULMIYE.

Eng. Faysal Cali-waraabe oo kormeer ku tegay dugsiga hoose/dhexe ee Riis ee magaalada Hargeysa , kadib markii ay halkaas ka dhaceen rabshado lagaga soo horjeedo in qayb ka mid ah dugsigaas laga iibiyo nin ganacsade ah, isagoo xusay inuu aad uga naxay dhibaatooyinka ka taagan dugsiga hoose/dhexe ee Riis oo uu iftiimiyey inuu yahay dugsigii uu ku soo bartay waxbarashadiisa heerka hoose, kaasoo uu tilmaamay in lagu daray sannadkii 1958-kii.
“Waxaan ka seexan kari waayey, markii shalay (maalintii Salaasada) la soo garaacay ee la igu yidhi; ‘Xabbad ayaa ka dhacaysa halkii Iskuulkii Riis.’ Waanna Iskuulkii la iiga bilaabay uulada/fasalka koowaad ilaa fasalka saddexaad, 1958-dii ayaan iskuulkaas galay oo maanta (shalay) ayaan soo maray. Markaa maanta (2017) iyo sannadkii 1958, waxa iskuulku ka kuraasi fiicanaa sannadkii 1958-kii, halka ay carruurteenu fadhido lixdan sanno ka bacdi (waa wax aad looga naxo), halka uu Adduunku marayana waad aragtaan, markii aan arkay in aanay kuraasidu ku filnayn, cidhiidhiga iyo looxa waan ka naxay,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe oo hadal ka jeediyey xafiiska Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa oo uu booqasho ugu tegay .
Waxa kaloo uu tilmaamay in dugsiga Riis oo lahaa dhul bannaan iyo laba garoon oo ay kubbadda ku ciyaari jireen markii uu ardayga yar ahaa, balse hadda aannu lahayn wax dhul ah, meel loo marana aanay jirin, waxaannu yidhi; “Afar mitir oo gidaarkii ah ayaa shalayto la isku haystay, waddanka haddii aynu diidno meel bannaanba magaaladu noqon mayso magaalo, basaskii meel ay istaagaan ma leh, gaadiidkii meel ay istaagaan ma leh, ma jiraan meel laga sameeyo suuliyo dadweyne (public toilets) oo dadkan masaakiinta ahi ee dumarka ah ee maalin oo dhan iibinaya shaaha, jaadka iyo nac-naca meel ay ku kaajaan ma leh. Waxa uga fiicnayd inay ka dhisaan musqullo isku xiga, inuu shati (juwan) sameeyo oo qofkii galayaba 1,000/= ah ka qaado oo lagu nadiifiyo,” ayuu yidhi murrashaxa UCID.

Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Ummaddii wax u shaqeynayaa ma jirto, dawladdii hoose uma shaqeynayso, tii dhexe uma shaqeynayso, waynu baylahnay, Berbera haddII aad tagto dhulkii oo dhan waa la boobay, afar-afar kiiloomitir ayey qaateen. Ma jiro damiir ku jira madaxdeenii iyo baayac-mushtarigeenii iyo salaadiinteenii, qof kastaaba naftiisa ayuu u ordayaa, oo dadkeenna ma maqli maysid, ‘Xil baa na saaran oo mas’uuliyiin baannu nahay.’ Inta uu qofku xasuusan yahay ugu yaraan in xil saaran yahay wax buu ka nool yahay. Bal qof reer Somaliland ah oo qudbadaynaya oo kalmadaa ku soo daraya, ‘Xil baa na saaran, oo mas’uuliyiin baannu nahay.’ Kuma jiro Af-soomaaligeenna.”

Murrashaxa UCID, ayaa sidoo kale ammaanay Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa, waxaannu yidhi; “Ninkan waxaan ku aqaanay markii uu joogay Wasaaradda Daakhiliga nin tamar badan, daacad ah, oo shaqo fiican, marka uu qof meel ku biiro ama haddii uu nin guri yimaaddo ama waxa uu yidhaahdaa; ‘Waar meesha miyaad iska hagaajisaan!’ oo guriga wax buu ka beddellaa ama waxa uu yidhaahdaa; ‘Waar dhinac iiga baydha.’ Haddii kale wuu iska ag seexdaa. Waynu kala ogaani, haddii uu yidhi; ‘Waar dhinac iiga baydha.’ Ama uu yidhi; ‘Qeybtayda i siiya.’ Waar raggan waddanka ha laga hagaajiyo oo caqli keena.”

Hadalka Faysal Cali-waraabe, waxa ka jawaabay Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa Md. Cali Xasan Cawaale, waxaannu yidhi; “Guddoomiye, marka horta kii aad taqaanay ayaan ahay oo wax is-beddelay ma jiraan, qofna mar labaad lama abuuro ee waa qofkii uun, halkii aad igu taqaanay iyo sidii aad igu taqaanay uun baan ahay, haddii Wasaaradda igu taqaanay, halkanna sidii uun baan ku ahay, waa Illaahay mahaddii haddii aad markaa hore i taqaanay.

Tan aad ii sheegtay ee iskuulka, horta iskuulladda Wasaaradda Waxbarashada ayaa xukunta, markaa kolay iskuulkana maan gelin, maan arag, kamanaan bixin, laakiin iskuulku iskuullada Wasaaradda Waxbarshadu xukunto ayuu ka mid yahay, haddii dayacnaani runtii ka jirto, iyaga ayaad taladaas u sheegi doontaa oo shaqaddaas leh.”
Su’aal: Faysal Cali Waraabe: “Baabuurtii xashiishka qaadaysay ee dawladda hoose, maxaad ugu rinjiyeyseen calankii KULMIYE?”
Jawaab: Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose: “Guddoomiye, shirkado gaar loo leeyahay (private) ah ayaa xashiishka qaada, haddii calankooda ay ku rinjiyeeyeen, anigu maan arag meel ay calankooda ku rinjiyeeyeen’e, waxaan u malaynayaa gaadiidkaasi wuu naga madaxbannaan yahay annaga.”

“Maayarkii Hargeysa, kii Gabiley, kii Berbera, intuba waxay la daba socdaan oo u ololaynayaan Muuse Biixi, lacagta uu daba sidaanna waa lacagtii annaga [UCID] iyo WADDANI dadka na taageera laga qaadayey. Markaa haddii lacagtaa lagu taageerayo Muuse (murrashaxa KULMIYE), maan odhan maalintaase (cashuurta ha bixinina) ee maanta ayaan horta idhi, weliba meesha horteeda ayaan ka idhi, waanna iga dhab. Mar haddii aan loogu adeegayn dadkii oo Muuse la daba sido, weliba waxaan jecelahay haddaan la joojin, wax ka weyn, in badan baan Somaliland badbaadiyey ee la ila badbaadin kari waaye, wax weyn baan sameyn doonaa. Maanta waxa ka socda Somaliland ololahan uu Muuse sameynayo iyo dawladdiisu nimanka ka soo jeedaa wax loo adkaysan karo ma’aha, waa Somaliland dhimashadeedii, Somaliland inay dhimanatana ma doonayno oo nin loo baabi’iyo, marnaba aqballi mayno.”

Dhinaca kale, murrashaxa xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo markii uu ka baxay xafiiska Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa saxaafadda la hadlay, ayaa ku eedeeyey maayirrada magaalooyinka inay lacagta cashuurta ah ugu ololeeyaan xisbiga KULMIYE iyo murrashax Muuse Biixi Cabdi.

“Anigu mid baan keenay ku-xigeenka labaad ee Maayarka oo [Maayir-ku-xigeenka], markaan saarayey meesha geer five (shan geer) ayaa iigu jiray, hadda lix ayuu galiyey, gebigiisaba dib uma arag, madaxtooyada ayuu sidaa u taagan yahay, dal ay wax u qabteen ma jirto, hadda Maayarrada oo dhan ololaha ayey ku dareen oo Muuse Biixi ayaa ka dhigtay guddidiisa ololaha.

Waxa uu uga dhigtay ma garanaysaan? Lacagtii cashuurta ayuu doonayaa inay la daba galaan oo ay daba sidaan oo calamo ugu sameeyaan, anniguna berito ayaan hadlayaa oo waxaan odhanayaa, WADDANI iyo UCID ciddii taageeraysaay, cashuur ha bixinina, haddii aan sidaas idhaahdo saw waddanku istaagi maayo? Haa, cashuurtii laga qaadayey Berbera iyo Hargeysa haddii xisbi ka mid lagu dhiso, xisbi ma’ahee saddex nin baa tartamaya, waa Faysal, Muuse iyo Cirro, dee Maayarku wuu noo dhexeeyaa, inay lacagtii magaalooyinka lala daba yaaco Muuse Biixi ma’aha.”