Araweelo News Network

 


Hargeysa (ANN)-Qaadhaan-bixiyeyaasha caalamiga ah ee la shaqeeya dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo bandhigay mawqifkooda la xidhiidha qaabka loo wado hawlaha doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan inay qabsoonto 13 November 2017, haddii Ilaahay yidhaha.

Qoraal ay soo saareen safiiro iyo wakiillo ka socda dalalka Belgium-ka, Denmark, Midawga Yurub, Finland, Faransiiska, Netherlands, Sweden, Boqortooyada Ingiriiska iyo Maraykanka oo safar shaqo ku yimmi caasimadda Hargeysa , waxa ay ku caddeeyeen in hawlaha la isugu diyaarinayo doorashada Madaxtooyada Somaliland ay si fiican u socdaan.

“Daneeyayaasha caalamiga ah waxa ay ogaadeen in hawlaha diyaargarawga doorashada ee ay hoggaaminayaan Komishanka Doorashooyinka Qaranku ay si fiican socdaan. Dhammaystirka diwaangelinta codbixiyeyaasha, qaybintii kaadhadhka codbixiyeyaasha, bixinta shahaadooyinka murrashaxiinta Madaxweynaha, Madaxweyne-ku-xigeenka iyo digreetooyinkii uu soo saaray Madaxweynuhu 30 September 2017 waxay muujinayaan inay yihiin tallaabo muhiim ah oo la gaadhay.

Waxa arrin muhiima ah hirgelinta digreetooyinka Madaxweynuhu soo saaray iyo xeerka hab-dhaqanka anshaxa ee ay xisbiyada qaranku ku heshiiyeen, iyadoo waxyaabaha lagu heshiiyey ku jiraan in si siman oo xaq ah ay saddexda xisbi u adeegsadaan warbaahinta dawladda,” ayaa lagu yidhi qoraalka ay soo saareen daneeyayaasha caalamiga ah ee doorashooyinka Somaliland.

Waxa kaloo ay xisbiyada qaranka, Komishanka Doorashooyinka iyo bulshada rayidka ah ku dhiirigeliyeen inay si wada-jir ah uga shaqeeyaan sidii ay doorashada Madaxtooyadu ugu qabsoomi lahayd si nabadgelyo ah, loona dhan yahay, isla markaana waadix ah oo aanay wax madmadaw ah gelin.

“Waxa aannu ugu baaqaynaa saaxiibadayaa reer Somaliland inay ixtiraamaan nidaamka iyo hannaanka sharci ee loo sameeyey, una hoggaansamaan go’aannada ka soo baxa hay’adaha ee awoodaha u leh arrimaha doorashooyinka, kuna dheganaadaan, isla markaana fuliyaan ka-go’naanshadooda ay hore u muujiyeen, waxa kaloo ay weftigu soo dhaweeyeen tallaabooyinka loo qaaday in doorashadu si nidaamsan u qabsoonto, waxayna bulshada reer Somaliland ku dhiirigelinayaan in wixii tabashooyin iyo ku qannacsanaan la’aan ah ee ay dareemaan u maraan dariiqa sharci ee loo dejiyey hababka xallinta cabashooyinka nidaamka doorashada. Waxa daruuri ah in xisbiyada siyaasaddu ay u ololeeyaan hab masuuliyad ku dheehan tahay oo lagu ololeeyo fagaarayaal loo siman yahay, lagana waantoobo wax hadidaad iyo cago-juglayn ah, iyadoo warbaahinta dawladdana si siman oo xaq ah loo wada adeegsanayo.”

Qoraalka ka soo baxay saaxiibada caalamka ee Somaliland kala shaqeeya arrimaha doorashooyinka, ayaa sidoo kale qoraalkooda ku yidhi; “Doorta saxaafadda iyo bulshada rayidka ah, waxa uu dadka codbixiyeyaasha ah ka caawinayaa, kana awoodsiinayaa sidii ay macluumaad ku filan uga heli lahaayeen doorashadooda, isla markaana ay kala xushaan siyaasadaha ay soo bandhigayaan murrashaxiintu, iyagoo xisbiyada qaranka iyo hay’adaha dawliga ah kula xisaabtamaya ballanqaadyada ay sameeyaan, taasoo ah arrin muhiim ah.”

Waxa kaloo qaadhaan-bixiyeyaashu iftiimiyeen in sidoo kale Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo warbaahintu ay door muhiim ah ka qaadan karaan sidii ay Guddida Doorashooyinka Qaranka ugala shaqayn lahaayeen sidii loo kasban lahaa kalsoonida daneeyayaasha hawlaha doorashooyinka, iyadoo sidoo kale qoraalka lagu sheegay in Ururrada Bulshada Rayidka ah ay abaabuli doonaan goob-joogayaasha maxaliga ah oo tiradoodu gaadhayso ilaa 620 xubnood oo ay la shaqayn doonaan goob-joogayaal caalami ah oo dhan 60 xubnood.

“Saaxiibada caalamiga ah ee Somaliland waxa kaloo ay ogsoon yihiin in doorashada Madaxtooyada oo si nabadgelyo ah, lagu wada kalsoon yahay oo waadix ah ugu qabsoonta 13 November 2017, isla markaana loo qabto si furan oo ay wada aqbalaan xisbiyada oo dhan, isla markaana ay sida ugu dhakhsaha badan, uguna suurtogalnsan loo raaciyo doorashooyinka baarlamaanka iyo golayaasha degaanku waxa ay arrintaas muujin doontaa qaangaadhnimada hannaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland. Waana inay aasaas u noqdaan sii joogtaynta horumarka dhaqan-dhaqaale ee danuhu ugu jiraan dhammaanba bulshada reer Somaliland. Saaxiibada caalamiga ah ee Somaliland waxa ay sii wadi doonaan inay taageeraan, si dhawna ula socdaan hawlaha loogu diyaargaroobayo iyo hab-dhaqanka doorashada Madaxtooyada,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Saaxiibada caalamiga ah ee Somaliland kala shaqeeya arrimaha doorashooyinka iyo hannaanka dimuqraadiyadaynta.