Erdogan Hoggaamiye Gidaarka Faqriga Kasoo Kiciyay Dalkiisa Iyo Siyaasiyiinta Xilligan Loolanka Adag Kula JIra

#Araweelo_News_Network.

Ankara(ANN)- Doorashooyinka dalka Turkiga ee loo balamay maalinta Axadda 14 May 2023, ayaa maraya meel xaasaasi ah, waxaana jira loollan adag oo ay mucaaradku ku hayaan Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan muddo ka baddan labaatan sannadood hoggaaminayay dalka Turkiga, isagoo hoggaaminaya xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka (Justice and Development Party )

Kemal  Kilicdaroglu , waa hoggaamiyaha mucaaradka  Republican People’s  Party (CHP). Muddo 13 sannadood ah ayuu hoggaaminayay xisbiga, isagoo doorashadii Baarlamaanka kusoo biiray 2002, sidoo kale hoggaamiyaha mucaaradka ayaa muddaharaadyadii 2017 ee gilgilay Istanbul hoggaaminayay, kuwaas oo ugu baaqayay Erdogan iyo xukuumaddiisu inay is casilaan.

Siyaasiga kale, Muhharem Ince oo ah hoggaamiyaha Nationalist Homeland Party , oo uu sameeyay 2021,  waa markii labaad ee uu la tartamo Erdogan.

Sidoo kale, Sinan Ogan ayaaa ka mid ah hoggaamiyayaasha  kale ee  murrashaxiinta doonaya inay la tartamaan Erdogan, kuwaas oo ay adagtahay inay guul kala caraabaan.

 

 

 

Maamulka ayaa dejinaya hannaan ammaan oo ballaaran oo loogu talagalay doorashada madaxweynaha iyo baarlamaanka ee 14 May ee Turkiga, waxaana lagu ammaanay mid ka mid ah codadka ugu muhiimsan taariikhda qaranka Turkiga.

 

Golaha Sare ee Doorashooyinka oo loo soo gaabiyo (YSK) – guddiga ugu sarreeya ee doorashada dalka , ayaa kormeeri doona hannaanka dimuqraadiga ah ee ballaadhan ilaa codadka ugu dambeeya la tiriyo oo la aqoonsanayo kuwa ku guuleystay.

 

Dooorashooyinka Baaralamaanka iyo Madaxweynaha, ayaa ah kuwa xammaasadaysan, iyadoo ololluhu uu gaadhay heerkii ugu sareeyay, codbixiyayaashuna ay isu diyaarinayaan inay doortaan madaxweynahooda xiga iyo baarlamaanka, “waxaanu jebinaynaa habka adag ee lagu xaqiijinayo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka dhaca Turkiga.”waa dhawaaqyada ka imanya cod bixiyayaasha.

 

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Guddaha ee Turkiga, maalinta doorashada, ku dhawaad 600,000 oo askari ayaa ka shaqayn doona guud ahaan 81 gobol, kuwaas masuuliyadoodu tahay inay sugaan ammaanka doorashada,tiradaa ayaa u qaybsan 326,387 askari oo booliis ah, 196,197 ciidanka lagu magcaabo (Gendarme), 7,000 oo ilaalada xeebaha ah, 58,658 ilaalada khaaska ah, iyo 17,209 oo iskood isu xilqaamay, kuwaas oo mutadawaciin ah.

 

Sidoo kale, waxa door weyn ka qaadanaya amaanka, shabakadda kamaraddaha ilaalinta ee ku rakiban goobaha istiraatiijiga ah, kuwaas oo isha ku hayn doona kuwa dhibaatooyin samayn kara, ama loo arko inay amaanka halis ku yihiin.

 

Si la mid ah doorashooyinkii hore, muuqaallada Kamaraddaha ilaallada iyo dhammaan xogta la xidhiidha amniga doorashada waxaa si toos ah loogula socon doonaa laguna falanqayn doonaa xarunta isku xidhka amniga doorashada ee Aggaasinka Guud ee Amniga, oo ah ciidanka Booliska rayidka qaranka ee xaruntiisu tahay Ankara.

Doorashadii ugu dambaysay ee qaranka, in ka badan 50 kun oo Kamaradood ayaa si aan kala joogsi lahayn loogala socday, iyadoo hay’addaha amaanku ka daawanayeen muuqaallada isgoysyada, meelaha muhiimka ah iyo waddooyinka ay dadku u isticmaalaan si ay u gaadhaan xarumaha codbixinta.

 

Mas’uuliyiinta xarumaha doorashooyinka iyo kuwa amaanka auaa shaqada billaaba xilli hore maalinta doorashada, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha guddaha, kuwaas oo sii wadi doona howlahooda ilaa inta laga soo gabagabaynayo tirinta codadka.

 

Waxa la mamnuucay dalka Turkiga maalinta doorashadda si amaanka loo ilaaliyo, iibinta iyo isticmaalka cabitaanka khamriga goobaha dadku isugu yimaadaan, taas oo ka bilaabmay maalinta doorashada laga bilaabo 6 subaxnimo ilaa saqda dhexe.

 

Sidoo kale, waxa la mamnuucay in Qof aan ka ahayn kuwa mas’uulka ka ah ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta aan loo ogolayn in uu qaato hub, walxaha qarxa iyo dhammaan noocyada wax-goynta, daloolinta ama qalabka wax lagu duubo ee loo isticmaali karo hub ahaan.

 

Muwaadiniinta dhulgariirka ka dhacay dalka ku waayay kaadhadhkooda aqoonsiga, ayaa lagu wargeliyay inay codayn karaan aqoonsi la’aan, haddii ay haystaan dukumentiyo kale, sida kaadhka aqoonsiga ku meel gaadhka ah, baasaboorka, warqadda guurka, liisanka darawalnimada, dukumentiga adeegga ciidanka, aqoonsiga xirfadda ama aqoonsiga ciidan ee kaadhka

 

Wakiilo ka kala socda dhowr hay’addood oo caalami ah ayaa kormeeri doona doorashada bisha May ka dhici doonta casuumaad ay ka heleen dowladda Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, taas oo ah dhaqan dimuqraadi ah oo soo bilowday 2002.

Sida laga soo xigtay goobjoogayaasha caalamiga ah, dhammaan doorashooyinkii ka dhacay Turkiga tan iyo 2002,  waxay ahaayeen kuwo hufan, xor ah, in baddana la majeertay, kuwaas oo ahaa kuwo cadaalad ah oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.

Erdogan, ayaa saaxada siyaasadda kasoo galay Istanbul, isagoo 1994 ilaa 1998, ahaa Maayarka Istanbul.

2003  ilaa 2014, wuxuu ahaa ra’iisal wasaaraha Turkiga,  waxa xusid muddan in 2017, markii  loo beddelay dalka in Madaxweynuhu awoodda yeesho halkii uu markii hore ka ahaa nidaamka Parliamentarian, iyadoo wax-ka- bedel lagu sameeyay nidaamka uu qeexayo dastuurku, wuxuuna ku guulaysatay laba doorasho oo is xiggay.

Muddadii uu dalka hoggaaminayay Erdogan, wuxuu kasoo kiciyay gidaarka Faqriga iyo shaqo la’aanta, wuxuuna ku guulaystay horumar dhinaca dhaqaalaha, siyaasadda iyo Millateriga , taas oo sababtay in Turkigu xilligan noqdo awood mar kale kusoo laabtay aduunka oo la dhegaysto. Laakiin mucaaradka ayaa ku dhaliilaya in Erdogan uu dalka ka dhigtay laambad isaga u shidan.

waxyaabaha ugu waaweyn ee lagu dhaliilayo waxa ka mid ah qaabka ay xukuumaddiisu uga falcelisay dhulgariirkii khasaaraha baddan dhaliyay, balse iyadoo ay jiraan dhaliilaha kuwa kasoo horjeeda, weli wuxuu u muuqdaa Recep Tayyip Erdogan, inuu yahy hoggaamiye aan la loodin karin , waxaana la saadaalinayaa inuu si xaraggo ah ugu guulaysanayo doorashadooyinka maalinta Axadda ee 14 May 2023.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com